Waraysi Uu Wargeyska Al-xayaat ee ka soo baxa Magaalada London ee carriga Ingiriiska 9th Bishii June Sannadkii 1998-kii La Yeeshay Madaxwayne Cigaal

0
Wednesday June 17, 2020 - 09:47:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waraysi Uu Wargeyska Al-xayaat ee ka soo baxa Magaalada London ee carriga Ingiriiska 9th Bishii June Sannadkii 1998-kii La Yeeshay Madaxwayne Cigaal

    "Alle ha u naxariistee" Madax-weynihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliland M.X.I. Cigaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Alle ha u naxariistee" Madax-weynihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliland M.X.I. Cigaal.

 

Wareysigaas oo uu kaga hadlayey Ictiraafka Soomaaliland iyo Arimaha Soomaaliya waxa uu u dhignaa sidan:- mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd:- Tan iyo 1991kii ay Somaliland ka madax-bannaanaatay Koonfurta Soomaaliya siduu u arko xaaladda dhabta ah ee arrintan la xidhiidha.

 

Waxa uu yidhi:- Aniga oo aan guda-galayn sooyaalka taariikheed ee cid waliba og’ tahay, waxaan si fudud u odhan karaa, in socodka Taariikhda dib u celinaya, oo soddon sanno xaalkii ku soo noqday, halkii uu marayey markii aanu xornimaddayada ka qaadanay Ingiriiska 19960-kii, oo xilligaas na Ictiraafeen 38-Dal oo ay ka mid yihiin shanta Dal ee xubnaha joogtada ka ah Gollaha Ammaanka, waxaana ka mid ahaa Dalalakaas dhinaca carabta, Masar, dhinaca Africana Boqortooyaddii Itoobiya, mar kaliya ayuun baanu si caadifad leh ugu biirnay koonfur, tallaabadaasina dhibaato weyn baa naga soo gaadhay, waxa jira laba arrimood oo xaqiiq ah, oo kusaabsan Mowqifkayaga.

 

Tan koowaad:- Ma’nihin qaar ka faa’ideystay burburkii Soomaaliya si aanu ugu dhawaaqno Madax-bannaanidayada Jamhuuriyaddan, balse ku dhawaaqida madax-banaanidayadu, waa mid ka timid halgan dheer oo taxane ah oo lala galay nidaamkii Siyaad Barre.

 

Tan labaad: - Waxanu ku dhaqaaqnay in aanu badbaadino shacbigayaga, kumaanaan dhicin dhibtii soo gaadhay soomaaliya markii Siyaad Barre xukun laga tuuray.

Sidaa-awgeed; waxaanu odhan karaa waxaanu bad-baadinay wixii mudnaa in la bad-baadiyo.

 

Mar uu ka jawaabayey:- Wax-qabadka xukumaddiisa iyo Guullaha ay gaadheen waxa uu yidhi:- Sannadihii hore, waxaanu u hawl-galnay qabashada shir-weyne nabadeed iyo dib u heshiisineed oo dhex mara beelaha, si aanu ujeedadaas u xaqiijino, waxaanu qabanay 48-shir oo kooban iyo saddex shirweyne oo ballaadhan si loo yagleelo oo loo gun-dhigo aasaaska Dastuurka iyo haykalka dawladeed ee ku dhisan maamulka rayidka ee dimuqraadiga ah, ilaa iyo heerna waanu ku guulaysanay in aanu dhisno Hay’adihii dawladeed, ka dibna waxaanu ku dhaqaaqnay in aanu kooxihii malleeshiyada hubka ka dhigno, oo sameyno Ciidan Qaran iyo Boolis, ugu dambayna waxaanu qorshaynay barnaamij horumarineed oo bulsho, waxaanu u dejinay meel-marintiisa u marxallado lagu hirgalinayo tan iyo sannadka soo socda.

Isagoo ka hadlaya in xukuumaddiisu wax taageero ah ka heshay caalamka intiisa kale.

 

Waxa uu kaga jawaabay:- Waan ka xumahay in aanu wax taageero ah ka helin dawladana, waxooga aanu ka helnay hayadaha qaramada midoobay waxanu isku xidhnay, wax-soo saarakayagii dibadda loo dhoofiyo, annaga oo u dhoofina xoolaha nool boqortooyada sucuudiga iyo qaar ka mid ah dalalka khaliijka.

Waxa intaa ka sii darran in aanaan dalalka Carrabta ka helin taageero bani-aaadamnimo, Waanu fahmaynaa oo tix-galinaynaa durufaha ictiraaf la’aanta, laakiinse, ma’aha in taasi naga hor joogsato in wax nala taro.

 

Mar uu ka hadlayey su’aal ahayd, Guullaha uu tilmaamay iyo Ictiraaf la’aanta Jamhuuriyaddda Somaliland.

 

Waxa uu ku jawaabay:- Ugu horreyn, sidaanu aminsanahay uma aragno in ay jirto wax xidhiidha ah oo ka dhexeeya ictiraafka iyo badbaadinta karaamada dadka soomaaliyeed ee ku nool Somaliland, waxaana waajib ah, in la isweydiiyo, sidaanu noqon lahayn haddii, annu ku jiri lahayna xaaladda ay koonfuri maanta ku sugan-tahay, jawaabta sahlani waa fowdada oo sii korodha, markii aanu ku dhawaqnay dhalashada dawladdan cusub ujeeddadu ma’ahayn, in aanu indhaha adduunka iska soo jeedino, anna aniga oo ku soo dhex jiray arrimaha siyaasadda muddo ka badan konton Sanno, maan noqonin Nin awood doon ah, cidna kamaanaan dalbanin ictiraaf, haddii aanu arrimahaas isku hawli-lahayn wakhti badan oo qiime leh ayaa naga lumi lahaa, iyada oo arrinku sidaas yahay, haddii la raacayo shuruudaha ictiraafka caalamiga ah, waaxanu leenahay dhab’ahaan Dawladd ay u dhan yihiin dhismayaashii dimuquraadiyadeed, waxaanaanuu keenay Nabad-galyo iyo Xasiloon, taasina waa mid cid kasta ka marag-kici karto.

Laakiinse, haddii Ictiraafku yahay mid loo soo marayo majaraha siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed, waxa jira duruufo gaar ah, oo aanu si fiican uga warqabo, waxaanan rumaysanahay markay duruufahaasi meesha ka baxaan in caalamku ku baraarugi doonnaan, si buuxda xaqiiqada waaqiciga ah ee ka jirta dalkayaga.

isagoo ka jawaabaya duruufaha ka jira Dalka, waxa uu yidhi:-

 

Way iska caddahay in caalamku xilligan naga haysto aragti gooni ah, dhammaantood waxay ka hadlaan Soomaaliya oo ah mid uu hadheeyay burbur, jaha-wareer, dagaalo sokeeye, iyaga oo aan si gaar ah u eegin wadcigayaga oo gebi ahaanba ka duwan, xaaladda ka jirta koonfur.

 

Tan -labaad qaar baa nagu yidhaahda, haddii aanu idin ictiraafno taasi waxay wax u dhimaysaa dhex-dhexaadnimadayada, qaar kalena waxay yidhaahdaan ictiraafkiinu wuxuu sii kharibayaa qadiyada soomaaliyeed.

 

Mar kale isagoo ka jawaabaya:- In ictiraafka Somaliland ku xidhan yahay, xal u helida qadiyada soomaaliyeed oo dhan.

 

Waxa uu yidhi:- laga’ yaabee in ay taasi sax tahay, marka laga eego dhinaca siyaasaddeed ee aan soo xusay, laakiinse wax kasta ha’ahaadeen sabbabaha iyo shuruuduhuye, muhiimadu waxay tahay in aanaan sugayn oo wakhtigayada ku luminayn waxaan soo socon, annaga ayaa arrimahayaga hagaajinaya ka dib na waxaan dhawri doona wixii yimaadda.

 

Isagoo ka jawaabaya su’aala la weydiiyey M/weyne cigaal taasoo ahayd, Ma wax uun baad sugi doontaan mise qorshayaal kale oo xilliga soo socda ah ayaa idiin dejisan?

 

Wuxuu yidhi:- Dabcan, ka daali’mayno in aanu wada-hadallo la yeelano dawladaha iyo ururada, sidaa mar walba waanu samaynaa, xitaa haddii aanu uga danleenahay in aanu qaran jiranahay, waxaanu qaabilnaa weftiyo rasmi ah iyo kuwo aan rasmi ahayn.

Mar kale isagoo ka jawaabaya in Mareykanku ku jiraan kuwa uu la kulamo, waxa uu yidh:-

 

Dabcan, intii aad joogteen halkan, waxa na soo booqatay Danjiraha Maraykanka ee Jabuuti, waayo mandaqadani waa mid arrimihiisa gaarka ah khusaysa, laba maalmood bay joogtay, Gobollo badan bay booqatay, sidoo kale xidhiidh joogto ah ayaanu la laanahay Danjiraha Maraykanka ee Addis Ababa, David shen, oo ah nin aqoon qoto dheer u leh arrimaha Soomaalida, waayo wuxuu ku qaatay shahaadada Masterka daraasad uu ku sameeyey qowmiyadaha Soomaaliyeed, sannadkii la soo dhaafayna waxa na soo booqday wefti ka socda Kongresska Maraykanka

 

Xuquuqda qoraalkan waxa iska leh Buugga Dhaxalkii Gobonimada ee uu qoray Qoraa Maxamed Faarax Qoti


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...