'' Waxaan Raadinayaa Baadi Awoowgay Ka Luntay ''.

0
Wednesday June 17, 2020 - 09:35:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 858
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Waxaan Raadinayaa Baadi Awoowgay Ka Luntay ''.

    W/Q:Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q:Ahmed Nour Guruje

Oday baayac-mushatariya oo adeer ii ah oo la yidhaahdo Xaaji Cabdale hirad ayaa maalin noo sheekeeyey anagoo joogna Maxkamada Gobolka Hargaysa , dabeeto wuxuu yidhi '' 1954 ayaan damcay in aan dhoofo markaasaan xafiiskii baasabooradda lagga qaadan jirey oo maxkamadda ku dhawaa keenay Cheif Caaqil xaaji Xuseen Warsame wayd oo xaafadda Cheif u ahaa , dabeeto markii aanu xafiiskii soo galay ayuu ninkii cadaa soo kacay , dabeeto si maamuusle ayuu noo soo dhaweeyey Jiifkiina kursi buu u dhigay markaasuu yidhi maxaad rabtaan , dabeeto muraadkii baanu u sheeganay , intaa ka dib ninkii cadaa wuxuu yidhi '' kol hadii xaaji xuseen kula socdo waa laguu dhamaynayaa , odaygana maalin denbe hasoo lugaynin , waraaq yar oo cad intuu soo qaaday ayuu dabeeto odaygii ka saxeexay ana ila balamay , maalin sadaxaadii ayaanan qaatay basaboorkii oo ii diyaara , baasaboorku hadaba keebuu ahaa ?

 

Baasaboorku wuxuu ahaa Brtish passport laguu mari karro aduunka oo dhan bilaa fiise , baasaboorkii caynkaa ahaana waxaynu ku badalay mid soomaliya oo laga qaato Mogdisho , Hargaysana 30 kii sanadood ee Soomaaliya jirtay baasaboor lagama qaadanin .

 

Maanta dadka reer Somaliland wuxu baryaa Djabouti , wuxuu baryaa jigjiga , halka kontankii saxeexa awoowgay xaaji xuseen laggu qaadi jiray baasaboorka ingiriiska ee aduunka ugu qaalisan , si kastaba ahaatee , anigu baasaboorba ma lihi , in aan basaboor qaatana waan ka qajilaa , waxaanan raadinayaa badidii awoowgay ka luntay

W/Q:Ahmed Nour Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...