Hindiya Oo 20 Askari Looga Dilay Dagaal Ay La Gashay Shiinaha

0
Wednesday June 17, 2020 - 09:16:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hindiya Oo 20 Askari Looga Dilay Dagaal Ay La Gashay Shiinaha

    "Waxaase jira warar sheegaya in askarta ay isla dhaceen burar iyo ulo bir ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaase jira warar sheegaya in askarta ay isla dhaceen burar iyo ulo bir ah"

Ugu yaraan 20 askari oo Hindi ah ayaa ku dhimatay iska horimaad dhexmaray ciidamada dalkaasi iyo kuwa Shiinaha ee ku sugan xuduudda Himalaya ee ay labadaasi waddan isku hayaan, sida ay sheegeen mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda Delhi.



Iska horimaadkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisad xooggan ay u dhexayso labada dhinac, waana kii ugu dhiig daadashada badnaa muddo ka badan 45 sano.


Milateriga Hindiya ayaa markii hore shaaciyay in saddex askari ay dhankooda uga dhinteen dagaalka, khasaare aan la shaacinna uu soo gaaray dhanka Shiinaha.


Balse gelinkii dambe ee Talaadada ayaa saraakiil Hindi ah waxa ay sheegeen in askar dhaawac uu kasoo gaaray dagaalka ay geeriyoodeen.


Wasaaradda arimaha dibedda ee Hindiya ayaa ku eedeysay Shiinaha uu jebiyay heshiis ay labada dal gaareen todobaadkii hore ku aaddan xasiloonnida Dooxada Galwan.


Beijing ayaan shaacin khasaaraha dhankeeda soo gaaray, balse waxa ay Dehli ku eedeysay inay ciidamadeeda usoo tallaabeen dhanka Shiinaha.


Zhao Lijian oo u hadlay wasaaradda arimaha dibedda ee Shiinaha ayaa sheegay in ciidamada Hindiya ay Isniintii laba goor kasoo tallaabeen xuduudda, "iyagoo daandaansaday, weerarna la beegsaday ciidamada Shiinaha, taasoo keentay in gacmaha la isula tago," sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.


Labada dhinac ayaa ku adkeysanaya in ciidamadu aanay wax rasaas ah isu adeegsan. Qaabka dagaal aan rasaas loo adeegsan ay ugu dhinteen askarta intaa la eg ayaan weli la cadeyn.


Waxaase jira warar sheegaya in askarta ay isla dhaceen burar iyo ulo bir ah. Warbaahinta Hindiya ayaa sheegtay in askarta dalkooda "garaac nafta looga jaray."


Labada dal ayaa sanadkii 1962 ku dagaallamay aagga ay ku muransan yihiin, waxaana xilligaasi guuldarro fool xun dhabarka loo saaray Hindiya.

 

BBC

 

Loading...
Loading...