Madaxweynaha Jabuuti Oo Arbacada Maraya Imtixaan Diblomaasiyadeed Oo Qaramada Midoobay U Yaala

0
Wednesday June 17, 2020 - 00:00:33 in News by
  • Visits: 2929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jabuuti Oo Arbacada Maraya Imtixaan Diblomaasiyadeed Oo Qaramada Midoobay U Yaala

    Madaxweynaha Jabuuti Oo Arbacada Maraya Imtixaan Diblomaasiyadeed Oo Qaramada Midoobay U Yaala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jabuuti Oo Arbacada Maraya Imtixaan Diblomaasiyadeed Oo Qaramada Midoobay U Yaala

Jabuuti(HWN):-Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, Arbacad beri ee 17 June wuxuu marayaa imtixaan adag, waxaana kala cadaan doonta miisaanka uu dalkiisu diblomaasi ahaan ku leeyahay dunida. Dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay waxay dooranayaan shanta xubnood ee cusub ee aan rigliga ku ahayn golaha ammaanka Qaramada Midoobay, waxaana kursiga oo ay hadda Koonfur Afrika ku fadhido u tartamaya Djibouti iyo Kenya.

Image may contain: 2 people, suit


Midowga Afrika, cod ayay hore ugu kala saareen labadan dal, waxaana cod batay dalka Kenya, laakiin Djibouti way diiday sharciyada codayntaas, waxaanu Madaxweyne Geele taaganyahay inay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay kala saaraan oo ay ku codeeyaan New York. Codayntu waa qarsoodi.


Guddoomiyihii hore ee Midowga Afrika oo ahaa Madaxweynaha Masar Cabdel Fattah al-Sissi oo uu xilligiisii loolanka labada dal bilaabmay wuu ku guuldaraystay dedaalo uu doonayay inuu labada wadan ku wada hadashiiyo oo midkood tanaasulo.


Djibouti iyo Kenya, doodooda waxa ku jirta inay kaalin mug leh ku leeyihiin nabadaynta qaaradda Afrika, gaar ahaan bariga Afrika oo ay labadooduba degenyihiin. Dal waliba wuxuu leeyahay anigaa la igu aamini karaa kursigan ee isaga laguma aamini karo.


Shirkii Somaliland iyo Soomaaliya, ee toddobaadkan ku qabsoomay Djibouti ayay Djbouti filaysaa inuu hiil iyo marag u noqdo, Kenya oo codsatay inay shirka ka soo qaybgashana waa laga diiday codsigeedii. Inta badan dalalka Islaamka ayaa la filayaa inay u codeeyaan Djibouti, laakiin Kenya ayaa iyaduna ah dal culus oo miisan diblomaasiyadeed leh.


Dalalka Afrika way kala safteen, ka dib markii ay Kenya iyo Djibouti qaadeen ololo diblomaasiyadeed oo is garab socda, waxaana 17 June reerka u hadhaya ninka roon oo labada sannadood ee soo socda Afrika u meteli doona kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Kursigani wuxuu leeyahay faa’iido siyaasadeed, mid dhaqaale, mid diblomaasiyadeed iyo mid nabadgelyo.


Dabcan, natiijada soo baxdaa waxay saamayn ku yeelan doontaa xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal oo intii uu ololuhu socday aad isu seegay.


Loading...
Loading...