Qodobo Hordhac Ah Oo Laga Soo Saaray Shirkii Guddida Farsamo Ee Somaliland Iyo Soomaaliya Uga Socday Jabuuti

0
Tuesday June 16, 2020 - 23:49:39 in News by
  • Visits: 9657
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qodobo Hordhac Ah Oo Laga Soo Saaray Shirkii Guddida Farsamo Ee Somaliland Iyo Soomaaliya Uga Socday Jabuuti

    Qodobo Hordhac Ah Oo Laga Soo Saaray Shirkii Guddida Farsamo Ee Somaliland Iyo Soomaaliya Uga Socday Jabuuti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qodobo Hordhac Ah Oo Laga Soo Saaray Shirkii Guddida Farsamo Ee Somaliland Iyo Soomaaliya Uga Socday Jabuuti

Hargeysa(HWN):-Wajigii labaad ee shirkii wadda hadalka somaliland iyo soomaaliya ayaa maalintii sadexaad ka socda wadanka Jabuuti.

WAR DEG DEG AH:- Qarax Khasaare Geystay oo ka Dhacay Beled-xaawo ...


Shirka labada dhinac oo ay maanta iskugu yimaadeen guddiyadii farsamo ee la magacaabay ayaa wararka hordhaca ah ee ka soo baxayaa ay soo bandhigayaan qodobadii ugu muhiimsanaa ee lagaga hadlay.


Wararka laga helayo shirka laysku hor fadhiyo wadanka Jabuuti ayaa sheegaya in maanta diirada la saaray dhawr qodob oo muhiim ah kuwaas oo si weyn layskugu soo dhawaaday.


Qodobada laga wada hadlay ayaa waxa ka mid ahaa.


1. Wararka laga helayo shirka ayaa sheegaya in labada dhinacba ay ogolaadaan in la furo isku socodka gaar ahaana kan siyaasiyiinta iyada oo la ogolaanayo in masuuliyiinta xilalka ka haya labada dhinacba ay isku talaabi karaan.


2. labada guddi ayaa isku raacay inay si wadda jir ah uga shaqeeyaan hanaanka deyn cafinta isla markaana ay xidhiidh toos ah wada yeeshaan wasiirada maaliyada ee soomaaliya iyo soomaliland.


3. labada guddi ayaa isku raacay in magaalada Hargeysa xarun u noqoto maamulka hawada Soomaaliya, qodobkaas oo ka mid ahaa heshiisyadii hore loo gaadhay balse aan fulin, waxaana laysku afgartay in wakhti kooban lagu hirgeliyo.


4. labada guddi ayaa isku afgartay in kaalmo dhaqaale oo dheeraad ah ay hesho somaliland kuwaas oo ay ku jiraan maalgashiyada waa weyn ee dawlada federaalka ahi saxeexdo.


5- Deeqaha waxbarashada iyo nooc kasta oo ay ku jiraan kuwa Milateri, laguna helo magaca Soomaaliya in somaliland ay qaybteeda hesho ayaa layska raacay, iyada oo la siinayo kooto gaar loogu tala galo taas oo guddi gaar ahi cayimi doonaan.


6- Qodobada ugu adag ee kulanka ayaa doodoodu sii socon doontaa waana qodobada sida gaar ah u taabanaya masiirka ku saleysan Somaliland, dawlada Muqdisho ayaana doonayo Federaal la mid ah midka ay wadanka UK kaga tirsan yihiin Scotland, Wales iyo N.Ireland, una ogolaanaya cod in la qaado waqtigii ay doonaan, Laakiin Xukuumadda Soomaaliya ayaa doonaysa in 1 sano.

Loading...
Loading...