Muuse Biixi Oo Fashilaad Kala Soo Noqonaya Shirkii Jabuuti Iyo Soo Dhawayn Loogu Guulwadaynayo Oo Maayar Soltelco Ka Abaabulayo Xaafado Hargeysa Ka Mid Ah....Warbixin

0
Tuesday June 16, 2020 - 19:13:11 in News by
  • Visits: 3429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Fashilaad Kala Soo Noqonaya Shirkii Jabuuti Iyo Soo Dhawayn Loogu Guulwadaynayo Oo Maayar Soltelco Ka Abaabulayo Xaafado Hargeysa Ka Mid Ah....Warbixin

    Muuse Biixi Oo Fashilaad Kala Soo Noqonaya Shirkii Jabuuti Iyo Soo Dhawayn Loogu Guulwadaynayo Oo Maayar Soltelco Ka Abaabulayo Xaafado Hargeysa Ka Mid Ah....Warbixin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Fashilaad Kala Soo Noqonaya Shirkii Jabuuti Iyo Soo Dhawayn Loogu Guulwadaynayo Oo Maayar Soltelco Ka Abaabulayo Xaafado Hargeysa Ka Mid Ah....Warbixin

Hargeysa(HWN):-Masuuliyiin xilal ka haya xukuumada Muuse Biixi ee ka talisa somaliland iyo guulwadayaashiisa u qaabilsan dawlada hoose ee Hargeysa ayaa ku hawlan abaabul ay ku kicinayaan shacabka caasimada.

Waa maxay mowqifka Muuse Biixi uu la tegay shirka Jabuuti? - BBC ...


Maayar Soltelco oo ay madax martay jibada uu habka qabiilaysan ugu taageerayo Muuse Biixi ayaa ilaa hada wada dedaalo uu doonayo in shacabka caasimadu ay soo dhawayn balaadhan ku qaabilaan Muuse Biixi oo bari ku soo laabanaya somaliland ka dib markii uu ka soo qayb galay shirkii Jabuuti oo aanu ka sidin guul muuqata oo lagu tilmaami karo in somaliland gaadhay.


Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco oo kaashanaya masuuliyiin kale oo ay madax martay guulwadaynta Muuse Biixi oo ku xigeenkiisu ugu horeeyo ayaa dhaqaale badan ku bixinaya in shacabka caasimadu isku soo baxaan si ay soo dhawayn indhasarcaad ah ugu sameeyaan Muuse Biixiga ka soo laabanaya dalka Jabuuti oo aanu ka sidin hal qodob oo guul u noqon kara somaliland kaas oo uu ku mutaysan karo soo dhawaynta laga abaabulayo qaybo ka mid ah Hargeysa.


Maayark Soltelco iyo masuuliyiinta kale ee la abaabulaya soo dhawaynta aan ka turjumayn dareenka dhabta ah ee shacabka iyo xaqiiqada ay somaliland ka wajahday shirka Jabuuti isla markaana ka warqaba sida shacabka caasimadu ay uga niyad jabeen Muuse Biixi ayaa dedaal dheeraad ah ku bixinaya in soo dhawaynta ay xoog uga qayb galaan degmooyinka Muuse Biixi laga soo doortay ee Hargeysa.


Sidoo kale wajigii labaad ee shirka wadda hadalka somaliland iyo Soomaaliya oo ka socda wadanka Jabuuti isla markaana ay sii anba qaadeen guddidii farsamo ee labada dhinac matalayey ayaanay ilaa hada jirin qodob guul lagu tilmaami karo oo somaliland ka gaadhay.


Dhinaca kale masuuliyiinta xukuumada ee ku hawlan soo dhawaynta Muuse Biixi ayaa iska indha tiraya amaradii laga soo saaray xanuunka Coronavirus kuwaas oo sheegay inaan bulshada laysku soo ururin si looga hortago fiditaanka xanuunka ee gudaha somaliland.


Si kastaba ha ahaatee shacabka caasimada Hargeysa ayaa wajahaya khatar kaga imanaysa xanuunka Coronavirus maadaama oo masuuliyiintii amarada soo saaray ay hada ka shaqaynayaan qorshe xanuunku ku fidi karo iyada oo khatartana la wajahayo si loogu guul wadeeyo Muuse Biixi oo aan qodob faa,iido ah ka sidin shirkii wadda hadalka soomaaliya oo wali ka socda Jabuuti.


Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email:-[email protected]


Loading...
Loading...