Wixii Aan Hore U Eeday Haw Laaban Miyey I Seegtay ( Abdi-Shotaly).

0
Tuesday June 16, 2020 - 18:33:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Wixii Aan Hore U Eeday Haw Laaban Miyey I Seegtay ( Abdi-Shotaly).

    Qore:- Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly.

 Illaah ha naxariisto'e, maansaddii Gurmad Ee Abwaan/macalin Gaariye, baa waxa ereya-deedda ka mid ahaa " Raggii go'ay muxuu u go'ay? Waa su'aal is weydiin leh, jawaabtu waxay tahay " Ninkii rag ahi wuu garanayaa, doqonka sidda askarigan cuqdadda qaba ah" ee laxoodda ku dubi jirey Xarshin, marka uu rag is hayo, ee iska sheegta magacyo aanu meel u soo marin iyo geenyo shaaximana, waa la yaqaanaa waxay meesha u joogaan, oo waa dhul boob iyo xoolo urursi, danina kama hayso wixii ay ummadani lugta ku soo dhufatay, ee iyaka toodda baa u daran, markay ka dhergeena, waa kuwaas agoontii mujahai-diinta, maatadda la xasuuqay, ee xabaalo wadareedka lagu aasay, ee daadadku soo fadheen lafa-hooddii, maantana mar kale dhaxal wareejay, ee Somaliya gacanta u geliyey, intuu Seediggii ina geela basal ( Waa keliggii taliyaha Jabuutiye isu dhiibay). kaas oo ah Cadawga koowaad ee Ummadda reer Somaliland. waa taas Jabuuti shalay lagu soo fasaxay masiirkii umadani lahayd, ee la dhaaf-saday in aduun la siisto, si lacagtii uu ka jaray caalamku dib ugu fasaxo, markii ay dhaqaalihii ummadda, lagu maal geliyey in yar oo ku xidhan, kuna nool cad quudheedka loo tuuro, oo ay ka qatan yihiin 95% muwaadiniinta Reer Somaliland. 

 

Aniga oo askarigan khawalka ah ee xaar-kiisa qasanaaya  u jeedda " Waa Raggii ma adigaa ka hadhaye" Wuxu mar kale gaariye ku yidhi maansadda sare ku taal ee Gurmad " Hadaan gu'ga kuu kordhaa, gabaw mooyee ku tarin, garaad iyo waayo'arag, ilayn wax ma dhaantid geed" Wuxu si wacan u tilmaamay madaxa dul saaran kan ah magaca mujaahid ku macaashka. in uu madhan yahay, oo haba-yaraatee illaah goror-ba ugu shubin. faaruq yahay, garasho iyo in uu dib u xisaabtamo ka dam ah, xoogso uun mooyee aanu lahayn wax intaas dhaaf-siisan, awelba waynu ogeyn in ay aqooni ka bas tahay, oo aan wax la waydiin jirin SNM isaga iyo ka sidda xoolaha iskaga daba socdda, ee uu farta wax ugu fiiqo sidda eyga uu yidhaaho " Qabo-Qabo. 30 sano ka bacdi waa taas maanta duunyo la idin siistay, ee ina " Geelle basal" Xaraashka idin dhigay" Mareexaan iyo meel baas la idinka faasaxay, ee maxaa idiin tallo ah? Saw in aad ka gilgila-taan maaha, sare kacdaan, mudaaha-raadadu is jiidhaan, oo aad gacan-tiina kaga ciil baxdaan, askartan idiin soo shaqo teagay, Halgan cusub dib ugu gashaan, si aad iskaga xoreysaan jaahilkan wax allaale iyo wax uu ku wanaagsan yahay aanay jirin. Abwaan Qaasim (Ihun) Mar uu ka hadlaaya xoriyaddii waqooyi ee la xaday ( Ihun) oo ahayd 10/12/1961, ( Waa maalintii (Ihun) uu Xasan kayd inqiliibka sameeyeye), buu tix curiyey waxana uu yidhi  " Calan-kaan dhaliyee, is dhaafshay hadana, dhankaa loola kacay, dhabadda hawd, dar loo dhiibay, baa iskaga dhegay, dhibaad iyo mooday, maal dhaxal ah, oo shicibkii dhaliyey dhaxina-yaan". cidi idiin sheegi mayso wixii la idin soo markiyey, ee halkii buu hadeerna Askariga iyo seediggii Ina Geelle Basal dib idiinku celiyey, ee ka soo maala, idinka baa ishiina laga arkaye.

 

Hees uu lahaa Maxamed Moooge Liibaan ( Illaah janadiisa fardawsa ha ka waraabiyo'e), Baa waxa uu odhan jirey "Hoheey arimahan haleeyey, habeen nacsnimo i qaaday, ilayn hibashiyo ma waydid, naf-taadu inay is hiifto, Cukuye taladay iga hoostay, hiir-taanyo miyey i daysay, wixii aan hore u eeday, haw laaban miyey i seegtay, hankaygu yaraa naf-taydda, halkuu ila galay jacaylkii" Markii aad ka damqan waydeen, wax la idinku samay-naayo, la idiin kala ab-tiriyey, in yar oo beelaysan hoosta la soo gashaday, ee ay ka hirqadeen dhiigiinii, sidda gafanaha ay idiinka soo go'een, tuugtan dhiig miiradka ah ee ka botoriya " Xaafad-Tooyadda" Waa taas saaka meeshaba aad ka baxdeen, haad iyo habaqle-ba la idiin wadhay, inta qool la idinku rooriyey, hadh cad lala dhaqaaqay, wixii aad u soo halgan-teen, Hees uu lahaa midha-heedda Alle ha daayo'e Saxardiid Maxamed Jebiye" oo uu sameeyey 27/06/1960ggii, maalin ka dib markii Hargeysa calanka laga sudhay, ee la ydihi Xamar baa la isku keen darayaa, buu wuxu tiriyey heesta la yidhaaho " Eedaadka soo maray umul baa ilawadda, waxa ka mid ahaa ereya-deedda " Intiinii kaloo maqan, in aad xamar is raacdaan, hadaad isla ogolaateen, idinkoo itaal daran, waa la arki doonaa, iridu way banaan tahay", Wixii ka dhacayna waa idinkii gunta soo taabtay, tii baa imikana uu askari-gani dib idiinku celiyey, ee waxaad ka heshaan baad leedihiin.

 

* N.B Hadaan Gu'ga Kuu Kordhaa, Gabaw Mooyee Ku Tarin, Garaad Iyo Waao'Arag, Ilayn Wax Ma Dhaantid Geed!

Qore:- Abdi-Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...