Beesha Caalamka Oo War Ka Soo Saartay Shirka Jabuuti Iyo Muhiimada Uu Leeyahay

0
Tuesday June 16, 2020 - 17:54:13 in News by
  • Visits: 2218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka Oo War Ka Soo Saartay Shirka Jabuuti Iyo Muhiimada Uu Leeyahay

    Beesha Caalamka Oo War Ka Soo Saartay Shirka Jabuuti Iyo Muhiimada Uu Leeyahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha Caalamka Oo War Ka Soo Saartay Shirka Jabuuti Iyo Muhiimada Uu Leeyahay


Hargeysa(HWN):-Wadamada beesha caalamka ee saaxiibka la ah soomaaliya ayaa ka hadlay shirkii Jabuuti ee mar kale lagu sii anbaqaaday wadda hadaladii u socday Muqdisho Iyo Hargeysa.

Beesha Caalamka oo soo dhoweysay heshiiskii Madaxweynayaasha ...


Wadamada saaxiibka la ah ayaa war ay ka soo saareen wadda hadalkii somaliland iyo soomaaliya ee mar kale ka furmay wadanka Jabuuti waxa lagu sheegay in rajo cusubi gashay natiijada laga filan karo wada hadalka mudada soo jiitamayey ee u dhaxeeya Muqdisho Iyo Hargeysa.


Wadamada beesha caalamku waxay u mahad celiyeen marti galiyaha shirka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jabuuti, iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali oo kaalin ku lahaa fududaynta wadahadalada.


Beesha caalamku waxay bogaadisay taageerada iyo wada-shaqaynta gobolka ee horseedday wadahadallada.


"Waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-xidhiidhka laguna kobcinayo is-fahamka, waxaanan guddiga farsamada ee ay magacaabeen madaxda ugu sarreysa ku dhiirigelinaynaa inay faa’iidooyin la taaban karo u soo hooyaan dadkooda,” ayaa lagu tidhi bayaan kooban oo kazoo baxay saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya.


Loading...
Loading...