Madasha Xisbiyada Somaliya Oo Dowladda Ku Eedeysay Hurinta Colaado

0
Tuesday June 16, 2020 - 16:59:47 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madasha Xisbiyada Somaliya Oo Dowladda Ku Eedeysay Hurinta Colaado

    "Waxaan u aragnaa in dawladdu ay lug weyn ku leedahay hurinta colaadaha"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan u aragnaa in dawladdu ay lug weyn ku leedahay hurinta colaadaha"

Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay walaac ka muujinayso dagaallada sokeeye, oo ay sheegtay inay ka oo cusboonaaday deegaanada Soomaaliyeed.

 

Qoraal kasoo baxay Madasha ayay ku sheegtay inay u argato inay gacmo siyaasadeed ku lug leeyihiin dagaallada sokeeye ee soo noqnoqdey.

 

"Ayadoo lawada ogsoonyahay inay dawladdu joojisey shirarka siyaasadeed ee ka qabsoomi lahaa Muqdisho, Madashu waxay ka xuntahay in dawladdu ay abaabusho oo maalgaliso shirar lagu kala fogaynaayo bulshada Soomaaliyeed laguna hurinaayo colaado sokeeye,” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha.

 

"Waxaan u aragnaa in dawladdu ay lug weyn ku leedahay hurinta colaadaha bilihii ugu danbeeyay ka soo cusboonaaday dalka gaar ahaan; Muqdisho, Shabeelada Hoose, Shabeelada dhexe, Jubada Hoose, Hiiraan, Galguduud, Mudug, iyo degmooyin kamid ah Dawlad Deegaanka Soomaalida gaar ahaan degmooyinka Raaso, Sallaxaad, Doollo iyo qaybo kale oo kamid ah Dawlad Deegaanka Soomaalida.”

 

Madashu ayaa ugu baaqday hoggaanka dalka inuu joojiyo "dagaalada siyaasadeed iyo midka ciidan ee ku wajahan” Dawlad goboleedyada dalka iyo guud ahaan geyiga Soomaaliyeed.

 

Dowladda Soomaaliya weli kama jawaabin eedaha loo soo jeediyey.


Loading...
Loading...