"Soomaaliya Diyaar Ayaanu U Nahay Inaanu Wada Hadalno" Wasiir Faratoon

0
Saturday April 13, 2019 - 10:35:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Soomaaliya Diyaar Ayaanu U Nahay Inaanu Wada Hadalno" Wasiir Faratoon

    Hargeysa (HWN)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay mawqifkeeda ku waajahan wada hadalada Somaliya,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (HWN)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay mawqifkeeda ku waajahan wada hadalada Somaliya, xilli aan wali si rasmiya loo cayimin halkay wada hadaladu ka dhacayaan iyo wakhtiga ay dhacayaan, waxayna tilmaamantay inay diyaar u tahay inay qanciso, oo ay kala hadasho Somaliya wixii ay isku hayaan.



Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay qadiyada Ictiraaf raadinta, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya waxaa uga meel yaal wada hadalada Somaliya"Somaliya diyaar ayaanu u nahay inaanu wada hadalno wixii aanu isku maan-dhaafsan nahayna meel isla dhigno, oo aanu waliba qancino, sida uu marar badan uu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi, mawqifka ay doonaanba ha istaagan laakiin inagu waxaynu nahay kuwa diyaarka u ah inaynu qancino, sida ugu haboona u qancino, maxaa yeelay qaranimada Somaliland waa mid aan marnaba laga laabaynin”.


Mar uu ka hadlaayey Ictiraafka ayaa wasiirku wuxuu yidhi "Horumar baa socda, maalin walbana wax baa inoo soo kordhaya, inaguna weynu dadaalaynaa, wixii dadaal ah ee inala gudboona weynu sameeynaynaa, weyna ka midho dhalin doonaa ictiraafkeena, wakhtiga ay doontaba ha noqoto waa hubaal inaynu helayno ictiraaf, horumarka aynu ku talaabsanay,iyo heerka aynu ka gaadhnay, iyo waliba madax banaanideena cid walba inaynu ku qancino ayaanu rabnaa, xidhiidh aad u fiicana weynu la leenahay Caalamka iyo Wadamada aynu jaarka nahayba”


Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Wasiir Faratoon yidhi "Mar kasta waxaanu leenahay qaranimada Somaliland waa mid muqadas ah, Shacabka reer Somaliland aragtida Siyaasada wey ku kala duwanaan karaan, oo waxaynu Xisbiyada aynu u sameeysaynay waa in dadkii isku aragti ahiba inay isku Xisbi noqdaan, laakiin waa inaynu mar walba mid ka midaysnaa, midaas oo ah wadaniyada iyo Somaliland-nimada, waana in guud ahaan Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan, Xisbiga ay doonaanba ha ku jiraan, dalkay doonaanba ha joogaan, waa in mawqifkooda iyo aragtidooda Somaliland mid ka noqdaan, oo jiritaanka iyo ilaalinta wadankooda, mar walba waa inay mid ha ka ahaadan”.

Loading...
Loading...