'' Mogdisho Hesaa Aay Inoo Ogoshahay ''.

0
Tuesday June 16, 2020 - 10:47:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Mogdisho Hesaa Aay Inoo Ogoshahay ''.

    Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ahmed Nour Guruje

26-june 2018 Farmaajo isagoo hadlaya wuxuu yidhi dadka reer waqooyi wadaniyiin bay ahaayeen waxaana ku jirey , Cali Sugul iyo Barkhad-cas , maalin sii horaysayna wuxuu yidhi Timacade iyo cali sugul .

 

Mar kasta oo dhalinyaro heesta gabayda ama buraanburtaa Mogdisho tagtana waa lasoo dhaweeyaa , waala buunbuuniyaa waana la qaadaa dhigaa , waan sababta mar walba fankeenu mogdishi ugu tahriibo .

 

Dhinaca kale , kaalintii siyaasadeed iyo halgan ee reer Somaliland ku lahaayeen halganka Soomaalidda ilaa Axmed gurey , xorayntii Djabouti jaamac buluug iyo maxamuud cadhoole , doorkii SNL iyo USP IYO NUF , Hogaamiyihii xoriyadda iyo midnimadda ee Cigaal ilaa ragii kharashka ka bixin jirey SYL ee Newyork degenaa waagaas iyo looyaradii qoray hadalkii Syl ka akhriday Golaha amaanka lama sheego sheego lamana qirto .

 

Dhinaca kale , siyaasiyiinta mogdisho qabata sidda fanaaniinta iyo suugaan yahanka looma buunbuuniyo lama soo dhaweeyo lama daneeyo , mid walba marka ayaamo laggu yara shaqaysto waa la iska tuuraa , Cabdi xaashi baa ugu danbeeyey isna mooshinkiisi waa diyaar , Cali khaliif qunayr baa daaqada lagga tuuray oo laggu badalay xasan abshir , Prof axmed i samatar hal codba koonfuri maysiini markuu is sharaxay xitaa saaxiibadii xisbigiisu umay codaynin , xitaa kasye iyo ragii ugu danbeeyey ee maalmaha dhaw tagay meel ay ku danbeeyeen walaa xaagga .

 

Waxaas oo dhan marka la isku soo xooriyo , Mogdisho boos kama banaana , Somaliland na waxay u ogoshahay keliya heesaa maaweeliya oo ay ku madadaalato suugaantiisa .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...