30 Sano Ka Dib: Mar Hadii Fikirkii Ahaa (Federalism) Ee M/Weynemarxuum C/Raxman Tuur Ay Raaceen

0
Tuesday June 16, 2020 - 10:02:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1652
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    30 Sano Ka Dib: Mar Hadii Fikirkii Ahaa (Federalism) Ee M/Weynemarxuum C/Raxman Tuur Ay Raaceen

    , Waa Inaynu Taageernaa Muuse Biixi Iyowaftigeena Jabuuti Wadahadalka Ka Bilaabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

, Waa Inaynu Taageernaa Muuse Biixi Iyowaftigeena Jabuuti Wadahadalka Ka Bilaabay


Aduunyada maalinba waabaa kuu barya, ismaan lahayn 30 sano ka dib ayaa ku dhacaysaan dhabihii diblomaasigii waynaa, m/weyne cabdiraxman axmed cali (Tuur) ayaydin ku dhici!


Horta siyaasadu waa mar aad adigu alifto, oo taada la raaco iyo mar lagu wato oo dabayl siyaasadeed oo kaa xoogwayni ay ku jiidho. Waxaan aad u shakiyay markii Abiy Ahmed-ka itoobiya yidhi: Erateria, Ethiopia iyo soomaaliya ayaa hal madaxweyne yeelanaya! Waxaan idhi hadaa somalilandtii iyo wixiiba shaqayn mayso!

Ilaahay ayaa aduunyadan maamula oo shaki kuma jiro, balse dawladuhu way kala xoogwayn yihiin ragbaa soo hindisay Beesha Caalamka wax la yidhaa, Qaramadan midoobay iyo Ururo aad u saamayn badan.


Hadaba maskaxda la jaanqaadaa waa taas Craxmaan Tuur iyo Rag la mid ahaa ku jirtay ee uu 1991-kii yidhi: Waar caadifadi yaanay idin qaadine taladan iga qaata. Aynu nidaamka Federalism qaadano si magacii soomaaliya aynu ugu shaqaysano, Waqooyi Galbeedna u dhismo! Waxa loogu jawaabay, waar ma Xamar dambe, Maya Maya!

Raga hormuudka ahaa ee la qabay fikirkan een hada anigu garanayo waxa ka mid ahaa Pro. Ismaaciil Hure Buubaa (Hadilmayo) oo hada nool, oo ah ruugcadaa waxbadan oo inaga qaldan toosiya iminkadan.

Dhanka kale markaynu ka istaagno, maskaxda aan la jaan qaadi Karin siyaasiyiinta aduunka hogaamiyaa, waa taas 30-sano ka dib, sanka iyadoo laga tolay wax loo yeedhinayo.

Hadaynu xaga fanka uu kacno, heestay qaadayaan Waftigeenu sadar ka mid ahi waa:

ANIGA DAWADAYDII LAYDIIDYOO, MID II DARAN DOORO LAY YIDHI

Hadaan sii micneeyo xaga luuqada aan suugaanta ahayn waxay noqonaysaa:

ANIGA SOMALILAND LA II DIIDYOO, SOOMAALIYA KA MID NOQO LAY YIDHI !!!

 

ASALAAMU CALAYKUM


ILLaahay hayna waafajiyo sida wanaagsan (Aamiin)
Shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal!




SANWAA CUMAR YARE

DJABOUTI

Freelance Political Commentator

Email Address: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...