Furaha Guusha. W/Q: Xamda Cabdi Qawdhan
kala arati duwanyahay hadba sida loo fahmo sirta nolosha iy qaabka looga midho dhaliyo hadba.
Waxaa jira waxyaabo saldhig u ah guusha:
· Ugu horayn waa in aad talasaarto ilaahay go’aano qaado ilaahay waxa uu yidhi italo saarta kadibna goaan qaata. Ilaahay waxa uu jecelyahay adoomada talada u dhiibta adeeca eeku kalsoonaada qadartiisa markay ay qabayaan talada u dhiibta
· In aad daacad ahaato oo aad shay walba oo aad qabanaysid: markasta oo aad waxQabanaysid u qabato si daacad ah waxay taasi Ku dhaxalsiinaysaa in àad kasbato quluubta dadka
· Ka go’ naansho in ay kaa goa’ntahay hawsha aad haysaa oo aan cidna kugu riixayn. Waxa aad ogataa waxkastoo Lagugu qabso ha noqoto shaqo amawaxbarasho haddii aanay adiga kaa gonayn waxba kuuma aha oo wax kuu tari mayso, laakiin shay adiga kaa go’ani wax uu agtaada ka yahay wax aad adigu awooddaada ku qabay
Dhiirranaan
Dhiirranaantu Waa halka aad ka tamarinayso kuuna sahlaysa waddada aad ku guulaysan lahayd
In aanad ka biqin xaqiiqda
Waxaa jira dadbadan oo dadaala hadana marka ay arkaan in runtii timid oo ay adkaatay ay baqaan oo hadafkoodii
Oo dhan joojiyaan iyagoo marmarsiiyo ka dhiganaya way adkaatay waxan iyo waxan ayaan waayey sidaasna ku joojiya
Hadafkii ma ogtay in ay aad u adagtay wada loo maro guushu
Sheeko gaaban
Waad wada garanysaan ninkii dunida oo mugdi ah iftiimey Thomas Edison waa ninkii laambadda aynu shidanno sameeyey. Tom waxaa uu fashilmay 999 jeer markastoo Oo uu fashilmo dadku way layaabayeen laakiin isagu waxa uu lahaa tani maaha waaddadii saxda ahayde loo marayey haddana wuu fashilmaa mar kaliya muu niyad jabin oo Waxa uu sii waday dadaalkiisii cidna dhag uma dhigin waxaa la sheegaa in mararka qaar uu waayey cid shaqaale ah oo u shaqaysa ilayn dadku waxa u arkayaan nin waalan ugu dambayn waxa uu ku guulaystay inuu iftiimiyo Duni mugdi ah taasina waxay ku timid hadaf cad iyo waajihid uu wajahay xaqiiqadii ka hor timi.
In aanad ka fikirin shalay, ee aad maanta noolaato
Ha tiigsan wax ku dhaafay hana ka warwarin oo wakhti ha ku Lumin kaliya wax aad kala baxdaa waayo-aragnimo aad ku saxdid khaladkii hore si aanu mardambe kuugu soo noqon maantana ka fikir ogowna maalin waliba waxay wadataa hawleheeda gaarka ah. Abwaan weedhsame oo ka hadlayey waxa uu yidhi
Illow shalay maanta noolow
Wax shalayto kaa tagay
Intaad tiigso leedahay
Arrin haatan taaganiyo
Armuu kaa taraaraa
Tagto way tagtee tuur
Ka tir maanka teedii
Ha u taahin taada
Bari iyo timaaddada
Ha u tirin hawlaha
Abwaanku waxa uu ku ka hadlayaa in aan wakhti ku lumin wax ku dhaafay kana murugoon
Noqo Qof Xaga Wanaagsan Wax Ka Eega Oo Aan Xagga Xun Wax Ka Eegin
Markastood wanaag rajaysid wanaag ayaad heli, markastood xumaan rajaysidna xumaan ayaad heli. Markaa ku dadaal in aad niyaddaada wanaajiso khayrkana rajayso.
Noqo Qof Bulshaawi Ah
Markasta oo aad noqoto qof dad dhexga l leh waxa kuu furmaya albaabbo badan wax aad la kulmi kumannaan qof oo wanaagsan oo wax kula qabta oo kuna bara qiimaha iyo macaanka nolosha ay leedahay.
Noqo Qof Ixtiraam Leh
Qof kastoo innaga mid ahi waxa uu jecelyahay in la ixtiraamo oo uu karaamo yeesho dadka dhexdooda bilow adigu in aad dadka xaq dhawrto kan kaa yar kan kaa wayn.
Ahow qof dulqaad leh
Ku dadaal dulqaadka iyo daganaanshaha. waa habka aad ku horumarin karto naftaada
Noqo Qof Hore U Socda Oo Aan Ahayn Dib U Socod
Ogow in noloshu tahay mid maalinba maalinta ka dambaysa leh waji kale haddii aanad hore uga soconna halkii aad soo dhaaftay ayey dib kuugu celinaysaa
Yeelo Hadaf
Hadafkaaga ka dhig mid cad ukala qaybi mid dhow oo aad wakhti dhaw qabatid oo mudadiisu gaaban tahay
Mid dheer oo ah midka inta badan ka dhex guuxa maanka. Samee liis aad ku kala saarto sida ay kuugu kala mudanyihiin
Xamda Cabdi Qawdhan
*********************************************************************
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!