"Waxaan Ahay Hooyo, Haddana Waxaan Dilay Waalidiin Carruur Heysta"

0
Tuesday June 16, 2020 - 09:28:42 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2997
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan Ahay Hooyo, Haddana Waxaan Dilay Waalidiin Carruur Heysta"

    "Waxay sheegtay inay isku naxday mar ay cafis weydineysatay wiil"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxay sheegtay inay isku naxday mar ay cafis weydineysatay wiil"

Kumanaan haween ah ayaa ka qeyb qaatay xasuuqii ka dhacay Rwanda sannadkii 1994-kii, balse waxaa dhif ah in la tebiyo kaalintii ay dumarku ka qaateen dagaalkaas, waxaana adag in qaarkood ay dib ula heshiiyaan qoysaskooda. Wariye Natalia Ojewska ayaa la hadashay qaar kamid ah haweenka tacaddiyadda geystay ee xabsiyada ku jira.



Fortunate Mukankuranga waxay gurigeeda uga baxday si ay u soo dhaansato biyo quraacda ku karsato, laakiin taas waxay isu baddashay inay fal dil ah geysato.


Mukankuranga oo xiran dharka maxaabiista, kuna hadleysa cod degan ayaa ka shakeyneysaa sida ay u xasuusato wixii dhacay maalintaas oo Axad ahayd, taariikhduna ay ku beegneyd 10-kii bishii April ee sannadkii 1994-kii.


Iyadoo waddada sii socota ayey la kulantay koox jidka bartankiisa ku jir dileysa labo nin.

"Labadii nin markii ay dhulka ku dhaceen, waxaan qaatay ul waxaan iri "Dadka ka tirsan qowmiyadda Tutsi waa inay dhintaan" kaddib waxaan garaacay labadii nin, waxaan kamid ahaa dadkii goobtaas dilka geystay," ayay tiri haweeneydan oo 70 jir ah.


Ugaarsi dil ah

Dagaal 100 maalmood socday ayaa lagu dilay 800,000 qof oo ka tirsanaa qomiyadda Tutsi iyo dad kale oo loo arkay inay dhexdhexaad ka ahaayeen xaaladda oo ka tirsanaa qowmiyadda Hutu.


Dilkaas kaddib, Mukankuranga oo ka tirsaneyd qowmiyadda Hutu waxay dib ugu laabatay gurigeeda oo ay ku sugnaayeen toddobo carruur ah oo ay dhashay, waxayna dareemeysay ceeb.


Waxaa xigay inay mar walba ku qarawdo dilalkii ay geysatay.

"Waxaan ahay hooyo, waxaan laayay waliidiinta carruur badan," ayay tiri Mukankuranga.

Labo maalmood uun kaddib, labo canug oo argagaxsan oo Tutsi ah, kuwaas oo waalidiintooda la gowracay ayaa albaabka gurigeeda soo garaacay si ay magangalyo uga helaan.


'Waxay dareemeysay inay dambi geysatay'

Durbadiiba kama aysan labalabeynin inay carruurtii u timid gurigeeda ku qariso, halkaasoo ay uga badbaadeen xasuuqii socday.


"Inkasta oo aan badbaadiyay carruurtaas, waxaan ku guul darreystay badbaadinta labada nin, caawimaaddaas weligeed waxbo ka baddali doonto heerka uu gaarsiisan yahay dambiga aan dareemayo," ayey tiri.


Mukankuranga waxay kamid tahay haween tiradoodu gaareyso 96,000 oo lagu helay dambiga ah inay ku lug lahaayeen xasuuqa, oo qaarkood ay laayeen dad da' ah.


Qaarkood waxay laayeen carruur, qaarkoodna sida Mukankuranga ayey rag u dileen.

Galabnimadii 6-dii bishii April 1994-kii, waxaa caasimadda Kigali lagu soo riday diyaarad uu la socday madaxweynihii Rwanda ee ka tirsanaa qowmiyadda Hutu, Juvenal Habyarimana.


Inkasta oo aan weli la ogaan dadkii ka dambeeyay weerarkaas, kooxaha mayalka adag ee ka tirsan Hutu-ga waxay ku eedeeyeen in diyaaradda ay soo rideen maleeshiyaad ka tirsan Tutsi-ga.


Saacado yar kaddib markii uu weerarkaas dhacay waxaa dagaalka kusoo biiray kumannaan ka tirsan qowmiyadda Hutu-ga oo ka careysan dilka madaxweynaha.


"Waxaa adag in la fahmo haweeney jecel carruurteeda sida ay ugu dhiirratay inay soo leyso carruur kale oo deris la ah," waxaa sidaas tiri Regine Abanyuze, oo ka tirsan ha'yad aan dawli ahayn oo ka shaqeysa nabadda iyo dib u heshiisiinta.


Pauline Nyiramasuhuko oo ah wasiirkii hore ee arrimaha qoyska iyo haweenka Rwanda, ayaa kamid aheyd haweenkii kaalinta firfircoon ku lahaa siyaasadda Rwanda, waxayna door weyn ka qaadatay hurinta colaadda.

Sannadkii 2011-kii, maxkamadda baareysay xasuuqii ka dhacay Rwanda ayaa ku heshay dambi ah inay ku lug laheyd xasuuqa.


Waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay oo loo maxkamadeeyo inay geystay kufsi iyo dambi ka dhan xuquuqda aadanaha.


Nyiramasuhuko waxay lahayd mas'uuliyadda ay ku amartay kooxo maleyshiyaad inay kufsi u geystaan haween reer Tutsi ah, falalkaas oo ka dhacay xafiis ku yaalla degmada Butare ee dalkaas.


Sidoo kale waxaa jiray haween kale oo reer Rwanda ah oo aan xil heynin oo ka qeyb qaatay xasuuqa, kuwaas oo ku dhiirrigelinayay ragga in dagaalka ay galaan, halka qaarkoodna ay qaateen hub kasta oo ay heli kareen si ay u gowracaan deriskooda.


Labada fikir ee ku aaddan xasuuqa

Martha Mukamushinzimana waxay heysataa ilaa 5 carruur ah, waxayna sannadkii 2009-kii tagtay xafiiska garsoorka dalkaas, si aysan ugu nolaan culeyska uu ku hayo dambiga ay gashay.


"Waqtiga ayaa ah waxa ugu weyn ee aan ku saleyno dhaqan celinta, waxaana dooneynaa in aan waqti ku bixinno si aan u dhageysanno isla markaana si tartiib ah uga war gurno ay dadka qiranaya dambiyada ay galeen," ayey tiri Fidele Ndayisaba, oo ah agaasimaha xabsiga haweenka ee ku yaalla magaalada Ngoma ee bariga Rwanda.


"Gurigeyga wuxuu ku yaalla agagaarka waddo weyn oo magaalada dhex marta, waxaana maqlayay sawaxanka qalalaasaha, sidoo kalena waxaan arkayay deriskeyga oo Tutsi ah oo la weerarayo. Qaarkood waxaa la geeyay kaniisad," ayay tiri Mukamushinzimana oo ku sugan xabsi yar, iyadoo xilligaas ilimeyneysay.


Kumanaan qof oo ka tirsan qowmiyadda Tutsi-ga ayaa lagu weeraray gudaha kaniisad ay gabbaad ka dhigteen.

Stanislus Kayitera, oo 53 jir ah ayaa kamid ah aa dadkii ka babaaday xasuuqaas, wuxuuna ka sheekeynayaa dhibkii soo gaaray.


"Waxaan xusuustaa in haweenka ay dhagaxaan usoo aruurinayeen ragga kaddibna ay dhagaxaanta nagu soo tuurayeen, qaar kale oo ragga ka mid ahna waxay sameynayeen toogasho, bambaanooyin ayayna tuurayeen isla markaan waxay dab qabadsiinayeen qof walba oo ay arkaan."


"Waxay kusoo xoomeen kaniisadda, waxay billaabeen inay na laayaan," ayuu yiri Stanislus Kayitera oo isagu badbaaday markii uu ku dhex dhuuntay meydadka.


Mukamushinzimana waxay ku andacooneysaa inay u hoggaansantay amarradii loo soo jeediyay.

"Waxaan dhabarka saartey canuggeyga, waxaana ku biiray koox aruurineysay dhagaxaanta si loogu laayo dadkii ku dhuumaaleysnayay kaniisadda," ayay tiri Mukamushinzimana.


Markii la xiray sannadkii 2009-kii, ma jirin cid ka tirsaneyd qoyskeeda oo dooneysay in ay daryeelaan shanta carruurta ee ay dhashay.


"Xasuuqa waa dambi ka dhan ah bulshada. Wuxuu dhawaac u geysanayaa qoysaska ay dadkooda uga dhinteen dagaalka iyo sidoo kale dambiilayaasha, waana dadka u baahan inay kasoo bogsadaan boogtaas," ayuu yiri Fidele Ndayisaba, oo ah xoghayaha guddiga dib u heshiisiinta qaran iyo midnimada ee Rwanda.


Haweenkii ku lugta lahaa xasuuqa ee runta sheegay waxaa loogu baaqay inay warqad raalligelin ah u qoraan qoysaskii ay dhibaatada kasoo gaartay xasuuqa, si loo soo celiyo is aaminaadda bulshada dhexdeeda ah.


Marka xabsiga laga soo daayo haweenkan, waxaa ku adag inay dib ula midoobaan qoysaskooda, maadama ragoodii ay haween kale guursadeen halka qaar kalena aysan soo dhaweyn ka heleynin qoysaskooda, falalkii ay geysteen iyo "ceebta ku dhacday awgeed".

Waqti ayay u baahan tahay in shacabka Rwanda ay kasoo kabtaan dhibaatadii soo gaartay, sidoo kale waxaa jira maxaabiis weli aaminsan fikradda ku saleysan naceybka iyo kala qeybsanaanta.


"Haa, waxaa jira dad dafiray dambiyo ay galeen, waxaa jira dad mayal adag, inkasta oo tirada dadkaas ay hoos u dhaceyso" ayuu yiri Mr Ndayisaba.


'Ma ceshan karin illinta'

Mukankuranga waxay ku dhiirratay inay qirato dambiga ay gashay afar sanno kaddib, markii sannadkii 2007-kii lagu helay falalkaas.


Waxay sheegtay inay isku naxday mar ay cafis weydineysatay wiil qoysaskiisa ay dhibaato kasoo gaartay xasuuqa.


"Wuxuu ahaa mid faraxsan oo xamaasadeysan markii uu ila kulmayay, aniguna ma ceshan karin illinta," ayay tiri Mukankuranga.


"Marka aan dib ugu laabto guriga, si nabad ah ayaan kula noolaan doonaa qoyskeyga, waxaan ahaan doonaa qof dadka jecel oo daryeela, haatan waxaan la daalaa dhacayaa dhibaatada iga soo gaartay dambigii aan galay, haddii aan ahay hooyo ma aheyn in haatan aan xabsi ku jiro " ayay tiri Mukankuranga.

 

BBC

Loading...
Loading...