Prof. Ibraahin Meecaad oo ka Hadlay Qoraal ka soo Baxay Maraykanka iyo Sawirka Shirkii Djibouti

0
Tuesday June 16, 2020 - 06:02:56 in News by A. Asbaro
  • Visits: 5672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Prof. Ibraahin Meecaad oo ka Hadlay Qoraal ka soo Baxay Maraykanka iyo Sawirka Shirkii Djibouti

    Prof. Ibraahin Meecaad oo ka Hadlay Qoraal ka soo Baxay Maraykanka iyo Sawirka Shirkii Djibouti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Prof. Ibraahin Meecaad oo ka Hadlay Qoraal ka soo Baxay Maraykanka iyo Sawirka Shirkii Djibouti

Hargeisa(HWN):-Prof: Ibraahim Maxamed Meecaad oo Aqoon u leh arrimaha geeska Afrika iyo siyaasaddaha Maraykanka ee geeska, ayaa ka hadlay muuqaallada hore ee uu leeyahay shirkii Djibouti maanta ugu soo xidhmay Somaliland iyo Soomaaliya.

Sidoo kale Prof Ibraahim Meecaad ayaa ka hadlay nuxurka uu Xambaarsanayd Qoraal ay Safaarada dalka Maraykanku ku leeyahay dalka Djibouti ku baahiyay barteeda Twitterka kaasi oo ay si kale u dhigeen ujeeddada wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, iyaddoo Safaarada Maraykanku Adeegsatay in shirku yahay shir dib u Heshiisiin iyo mid is dhex-gal oo daba socda Shirkii Carta ee Soomaaliya 20-sanno ka hor.


Dhanka kale Prof meecaad ayaa ka hadlay waxyaabaha laga filan karo in Madaxwaynaha Somaliland madasha La tago shirku uu yahay mid lagu kalsoonaan karo Somalilandna aan looga baqayn.

Prof-Ibraahim-Meecaad

Prof meecaad oo arimahaasi ka hadlaya ayaa wuxu yidhi; "Illaahay ayaa Mahadle Dad faro badan ayaa wax Iga soo Waydiiyay Shirka Djibouti, "Ugu horayn ka hor dhici mayno Natiijada shirka Djibouti, waanan u Ducaynayaa Waftigaa uu Madaxwaynaha Somaliland hoggaaminaayo in IIIaahay waafajiyo danta Somaliland, wax walbana way dhacaane.

"Midna uga baqi mayno Muuse oo Madaxweynaha Somaliland ah oo aynu ognahay waxa uu u soo maray Xornimada Somaliland, kanna mid ahaa Mujaahiddiintii Somaliland Xorreeyay, in Saddexdii boqol ee kun ee u dhintay, Magaallooyinkii iyo Xoolihii labaabiiyay inuu dhayalsannaayo iskadaaye inuu khiyaameeyee, taasina mar qudha Maskaxdayda kumay soo dhicin."

Dhinaca kale, isagoo ka hadlaaya Qoraalka ka soo baxay Safaarada Djibouti wuxu yidhi; "Waxaan laaximay Safiirka Djibouti qoraal u soo qoray oo aan laba Qoddob ah ka soo qaatay,mid waxaa weeyaan Somali reconsulition kii carta lagu qabtay oo kale oo jabuuti somalida uqabnayso oo ah ka xamar iyo jabuuti lasoo boodaan oo lamid ah kii xasan guuleed jabuuti ku qabtay”


Qoddob kale waxa weeyi regional intigration oo ah ka ay lasoo boodaan raysal wasaraha itoobiya oo ah somalida in ay isdhexgasho.

Balse safiirka maraykanka jabuuti kuma uu soo darin dooda Somaliland oo ah peeciful cepretion "nabad, sharaf iyo walaalnimo in lagu kala baxo taasina kumuu soo darin taasi way ka maqan tahay”


Markaa marka aad dhinac ka eegta waa guul ayaan rajaynayaa Somaliland marka aad eegto in gole layskugu yimid ay ku garnaqsanayso doodeeda ka sheegato,

Mar kale waxaa guul labaad ah mar hadday Adna Aadan ku jirto waxaan filayaa inay guul tahay, oo ay Beesha Caalamka luuqadooda ugu sheegto Doodda Somaliland, iyaddoo soo taxaysa wixii ay soo martay wayna gudbinaysaa wixii ay Somaliland soo martay, iyaddoo xidhiidhinaysa Shirkii LONDON ilaa Abu Dubai oo ugu danbeeyay shirkii madaarku, markaa marka aad dhinacaa ka eeg waa guul ayaan rajaynayaa Somaliland muuqaalka hore. ”

"Arinta shirka waxaan u arkaa in aanu ahayn mid ka yimid dhinaca somalida balse waxay umuuqaataa arinta shirka in ay wateen beesha caalamka oo danahooda ka dhex eegannaaya." Ayuu yidhi Prof. Ibraahim Meecaad.


Loading...
Loading...