Wasiir Faratoon oo Tirriyay Qoddobada Heshiisyaddii La Fullin Waayay

0
Monday June 15, 2020 - 23:21:22 in News by A. Asbaro
  • Visits: 4114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Faratoon oo Tirriyay Qoddobada Heshiisyaddii La Fullin Waayay

    Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo Tirriyay Qoddobada Heshiisyaddii hore Ee Aan Wali Fullin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo Tirriyay Qoddobada Heshiisyaddii hore Ee Aan Wali Fullin

Hargeisa(HWN):-Dowladda Somaliland ayaa shirka ka furmay Jabuuti, oo ay la leedahay Soomaaliya ku soo bandhigtay Qoddobo ay sheegtay in hore loogu heshiiyay, balse aannay dawladda Fedderaalka Soomaaliya aannay fullin.

Wasiir Faratoon Oo Ka Jawaabay Eeddo Uu Xisbiga Waddani U Jeediyay ...


Wasiirka wasaarada arrimaha dibedda ee Dowladda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo waraysi siiyay Idaacada VOA ayaa waxaa uu si cad u soo bandhigay dhowr qodob oo lagu heshiiyay wada-hadaladii hore.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland ayaa sheegay in hore loogu heshiiyay in gebi ahaanba la joojiyey hadalka xanafta leh ee warbaahinta isku mariyaan madaxda labada dhinac, iyada oo xiligan arrimahaasi ay mararka qaar sarre u sii kiciyaan xiisada labada dowladood.

Sidoo kale, wasiir Faratoon ayaa si cad u sheegay in Soomaaliya ay hore ugala heshiiyeen in si wada-jir ah loo maamulo hawada Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana si isku mid ah loo qeybsamo lacagaha kasoo baxa, midaasi oo ayna weli fulin xukuumada Farmaajo.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...