Muuse Biixi Iyo Talada Dalka MUSUQA LOO BAAHANYAHAY (Qaybtii 67aad)Qore : Maxamed Xoosh
			Sheekadan waxay ka dhacday Dawlad dunida sadexaad ka mid ah                        
   
	    
            
			       
   
	    
				
	  
   
	    
			       
   
	    
				
	  
   
	    
			       
   
	    
				
	  
   
	    
			       
   
	    
				
	  
   
	    
			       
   
	    
				
	  
   
	    
			       
   
	    
			       
   
	  
   
	    
			       
   
	    
				
	  
   
	    
			       
   
	    
			       
   
	  
   
	    
			       
   
	    
			       
      
    
        
    
    
                  Dhawr Madaxweyne xukunka dalkan u kala danbeeyay waxay 
si joogto uga caban jireen dakhliga wadanka oo yar iyo Wasaaradda 
Maaliyadda daacad ah oo aan hal-abuur lahayn , waxaa jiray nin xirfadle 
ah oo u Xidhnaa Musuq maaliyadeed uu sameeyay lagu xukumay xadhig uu ku 
mutaystay    
    
Maqaal dheer oo uu qoray wuxuu ku tilmaamay qof ahaan 
inuu hayo XALKA iyo weliba kobac dhaqaale xukuumadu la daalantahay wuxuu
 kusii daray in mudo dhawr sano ah Miisaaniyadda dalka 10 jibaari doono 
Dayn badan ka bixin doono Lacag kayd ahna sameyn doono    
  Madaxweynihii la tashi badan ka dib ninkii wuu 
magacaabay Wasiirka Maaliyadda mudo yar ka dib ayuu dhawr kun oo 
shaqaale ah shaqo Qortay Musharaadkiina u kordhiyay sanadkii u horeeyay 
miisaaniyadii sadex laab ayay noqotay , Sanadkii shanaad wuxuu 
madaxweynuhu sheegay in uu ku nastay wasiirka maaliyadda    
  Waxa mudo xileedkiisii soo ifbaxay Musuqmaasaq loo 
tuhmaayo ISAGA Dadweynihii iyo Warbaahintuba waxay ku jireen olole lagu 
muujinaayo in wasiirku wax xaday iyo inuu Baanan Ajnabiyana lacago badan
 ku xawishay    
  Waxa cadayd in Wasiirku gacmaha kula jiro musuq 
maaliyadeed oo weliba si xarfad xarago ka muuqato u dhacay sidoo kale 
Asxaabta mucaaridka ah wey u muuqatay    
  Madaxweynaha waxa soo gaadhayay fariimo iyo ergooyin ka 
dhan ah Wasiirka Maaliyadda balse wuu iska dhego tiri jiray waayo wanaag
 badan iyo waxqabad uu ku faani karo ayuu ku qabay ninka wasiirka ah    
      Markii hadal haytii wasiirku aad u badatay ayuu 
Shirweyne ay fadhiyeen dhamaan madaxdii xukuumada iyo Xisbulxaakimka 
talada hayay madaxweyenihii ka dhex hadlay wuxuu yidhi "Waan ogahay in 
uu musuq ka jiro Wasaaradda balse wanaaga iyo waxqabadka wasiirka ayaa 
10 jeer laab ka badan musuqa ka jira” wuxuu ku daray wasiiro badan oo 
aqoon iyo khibrad lagu tuhmaayay wey dhaqaajin kari waayeen wasaaradan 
WAXAA KHATAR KU JIRTAY INAY DUNTO DAWLADDA DHAN Wasiirku wuu mahadsan 
yahay talada Xisbigana isagaa ku haboon in loo dhiibo    
  Anigu ma taageersani musuqa waxaase taageersanhay NINKA HABOON IN LA GEEYO MEESHA HABOON si dalkani hore ugu socdo    
      Musuqu waa waxyar oo ka mid ah 100 waji ee Siyaasaddu 
leedahay halka dadka badankiisu siyaasada u haysto reer hebel iyo musuq 
!!!   
  AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
        Loading...    
        
    
        Loading...    
        
    

 
         
                     0
                0            
 
    						





