Ra'iisul-wasaaraha Ethiopia oo dib ugu laabtay dalkiisa kana hadlay muhiimada shirka Jabuuti

0
Monday June 15, 2020 - 18:40:01 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul-wasaaraha Ethiopia oo dib ugu laabtay dalkiisa kana hadlay muhiimada shirka Jabuuti

    Ra'iisul-wasaaraha Ethiopia oo dib ugu laabtay dalkiisa kana hadlay muhiimada shirka Jabuuti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul-wasaaraha Ethiopia oo dib ugu laabtay dalkiisa kana hadlay muhiimada shirka Jabuuti

Hargeisa(HWN):-Raiisul wasaaraha Ethiopia Dr. Abiy Ahmed ayaa maanta soo gabagabeeyey booqashadiisii uu ku joogay Jamhuuriyadda Jabuuti halkaas oo uu kaga qayb-qaatay Shirka wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.



Shirkan oo uu marti galiyay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ah sii wadista wada hadaladii u fududeeyey Raiisul Wasaare Abiy Ahmed, sida ay qortay Wakaalladda Wararka Ethiopia ee FANA.

Ra'iisul wasaaraha ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in munaasabaddu ay ahayd mid muujineysa muhimadda Wada-hadalka iyo dib-u-heshiisiinta horumarka gobolka.

Raiisul wasaare Dr Abiy Ahmed ayaa mar kale ku celiyay qiimaha nabadda iyo dib-u-heshiisiinta gobolka Geeska afrika ay u tahay aasaaska is dhexgalka gobolka.

"Dib u bilawga wada hadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ah tusaale fiican oo ku saabsan sii wadida go'aanada hoggaamiyaasha gobolka si loo xaliyo khilaafaadka iyada oo loo marayo wadahadal, ”ayuu yidhi Dr. Aby.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...