Arimaha haatan ka socda Geeska Afrika waa siyaasad la dejiyey sannadkii 1992-kii

0
Monday June 15, 2020 - 18:14:09 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arimaha haatan ka socda Geeska Afrika waa siyaasad la dejiyey sannadkii 1992-kii

    a jirto dowlad ka mid ah geeska Afrika ee ka hor imaan karta aragtidaan siyaasadeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

a jirto dowlad ka mid ah geeska Afrika ee ka hor imaan karta aragtidaan siyaasadeed



Ka dib markii daraasaad dheer lagu sameeyay siyaasadda Geeska Afrika (Great Horn of Africa) ayaa waxaa lagu ogaadey in Gobolka oo dadkiisa gaaraayaan ku dhawaad 300 milyan ay dib uga dhaceen horumarka Afrika, Sababtana ay tahay dagaalo, siyaasad aan deganayn iyo cimilada kusii xumaaneeysa Geeska Afrika.

 

Arimahaan awgood aduunka waxaa qasab ku noqotay inay la yimaadaan fikir cusub oo u horseedaayo Geeska Afrika deganaasho siyaasadeed iyo kobcinta dhaqaalaha.

 

Great Horn of Africa, waxaa leysku yiraahdaa dalalka Ethiopia, Eritrea, Sudan, Jabuuti iyo Soomaaliya.

 

Siyaasadaan ama policy-gaan waxaa la dejiyey oo la qoray Sannadkii 1992-kii hadana waxaa lagu dhex jiraa fulinteeda.

 

Ma jirto dowlad ka mid ah geeska Afrika ee ka hor imaan karta aragtidaan siyaasadeed ay hogaaminaayaan hay'ada lacagta aduunka ee IMF IYO Bangiga aduunka ee WORLD BANK iyo Dowladaha waaweyn.

 

Soomaaliya Maxaa la gudboon?

 

Siyaasada hada socoto dowladda koowaad ee ka fa’iidi karta waa Soomaaliya, sidoo kale hadii siyaasadda Socota la fahmi waayo, dowladda ku qasaari kartaa hadana waa Soomaalida.

 

Haddaba Soomaaliya maxay u baahantahay?

 

Soomaaliya waxay u baahan tahay inay dhinac iska dhigto kala fikir duwanaashaha oo arimaha ka socda Geeska Afrika loo helo dad Soomaaliyeed oo dalkooda jecel aqoon Sare u leh arimahaan, kana hor marin kara dantooda gaarka ah danta guud ee dalka Soomaaliya.

 

Hadaad leedihiin Dhego wax maqla Waa kaas runta iyo mustaqbalka dalkiina iyo ilmahiiina, hadii kale caabuda qabiil iyo Dan shaqsi.



 

 

 Sheiknor A. Qassim

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...