Maraykanka Oo Shirka Jabuuti Garab Dhigay Kii Carte Ee 20 Sano Ka Hor Loo Qabtay Hogaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya.

0
Monday June 15, 2020 - 18:11:54 in News by
  • Visits: 2580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo Shirka Jabuuti Garab Dhigay Kii Carte Ee 20 Sano Ka Hor Loo Qabtay Hogaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya.

    Maraykanka Oo Shirka Jabuuti Garab Dhigay Kii Carte Ee 20 Sano Ka Hor Loo Qabtay Hogaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maraykanka Oo Shirka Jabuuti Garab Dhigay Kii Carte Ee 20 Sano Ka Hor Loo Qabtay Hogaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya.

Hargeysa(HWN):-Gaar Ahaan Shucuubta dalalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo guud ahaan qawmiyadda Soomaaliyeed ee ku kala baahsan dalalka Geeska Afrika waxa ay shalay iyo maanta maanta si weyn isha ugu hayaan shirka miisaanka culus leh ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti uga furmay wufuudda ka kala socota dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya kaasi oo ay goob joog ka yihiin Madaxweynaha waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisal Wasaaraha waddanka Itoobiya Abiy Axmed.

Somaliland Faa,Iido Iyo Khasaare Midkay Ka Dhexli Doontaa Shirka ...


Dad badani waxa ay sugi kari la’yihiin wali ajandaha shirka oo aan si rasmi ah loo shaacin balse warar xog-ogaal ah oo aannu shirka ka helnay waxa ay noo sheegeen in shirku dhowr marxaladood mari doono oo mid kastaa duruuftiisa leeyahay, sidoo kalena dad labada dhinac iyo beesha caalamka ahi ka qayb gali doonaan balse ugu dambayn xogahani noo xaqiijiyeen in aan shirka si rasmi ah loogu gudo gali doonin arrimaha masiiriga ah ee labada dal muddoba ka dhur sugayeen in la gudo galo oo kala ah Arrinka Goooni isu taagga ama Midnimada.


Wada-hadalladan oo muddaba la qorsheynayey ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay dabada ka riixayaan Mareykanka, Midowga Yurub iyo dowladaha deriska la ah Soomaalida sida Jabuuti iyo Itoobiya.Shirka ayaa leh saddex weji oo ku saabsan wada-xaajoodka Soomaaliya iyo Somaliland iyo sidoo kale iskaashiga dalalka dhaca geeska Afrika.


Qaybta ama marxaladda koowaad ee shirku waa Furitaanka shirka oo isagu qabsoomay wax yar kadib xilligii qadada, waxaana shirka hadallo ka soo jeediyay Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Somaliland, Djibouti, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Ururka IGAD, safiirrada Mareykanka, Midowga Yurub iyo wakiillo ka socda dalalka kale ee daneeya arrimaha Soomaaliya. Marxaladdan waxaa diirada lagu saaray khudbado la xidhiidha iskaashiga dalalka geeska Afrika, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda.


Madaxweynaha Somaliland ayaa isagu furitaanka shirkan gaar ahaan qaybta hore ee shalay galab waxa uu ka jeediyay khudbad luuqadda Ingiriisida uu ku jeediyey oo u badnayd garnaqsi iyo halka ay Somaliland ka taagan tahay qaddiyadeeda isaga oo si gaar ah ugu dhiiraaday dhibaatada ay Somaliland ka dhaxashay markii ay labada dal israaceen 1-dii Julay 1960-kii.


Marxaladda xigta ee shirka, waxaa loo gudbi lahaa waji cusub oo ah wada hadallo toos ah oo dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya balse waaka shirku wareeggiisa koowaad ku fashilmay. Waxa dhinaca Somaliland marxaladdan uga qayb galaya 5 Masuul oo kala ah Afar Wasiir, Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Ergayga wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Drs. Edna Adan Ismaaciil. Dhinaca Soomaaliya waxa kulankan u matali doona Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mursal, Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, Wasiir Sabriye. Marxaladdan waxa si gaar ah diiradda loogu saari doonaa Arrimo badan oo murugsanaa oo ay ka mid yihiin Qaybsiga Deeqaha Caalamka, Maamulka Hawada, Dhukumantiga Socdaalka iyo Arrimo kale oo la xidhiidha wax kasta oo ay iska kaashan karaan labada dhinac.


Marxaladda xigta ee shirka waa kan ugu xasaasisan uguna adag waxaana soo baxaya warar sheegaya in durba labada dhinac ka maageen guda galka hawshaasi oo waxa laga yeelayo Mustaqbalka labada dhinac ee la xidhiidha Muqaddasnimada Goonni Isu Taagga Somaliland iyo Sidoo kale Muqaddasnimada Midnimada Soomaaliya oo ah labada daraf ee ay kala taagan yihiin wufuudda labada dhinac. waxaana la rajaynayaa in guddi gaar ah oo fududeeyayaal ah oo labada dhinac ah oo isku dhafan in laga sameeyo shirka kuwaasi oo ka koobaan doona Khubarada siyaasadda, Bulshada iyo dhaqanka. waana marxalad hummaag ku jiro oo aan wali caddayn ama wax cad la iskala meel dhigin.


Ugu dambayn waxa la rajaynayaa in shirka si uun looga dheehdo ujeedada iyo himilooyinka qarsoon ee ay kulankan la leeyihiin dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya inkasta oo ay tani tahay arrin xasaasi ah oo ay adag tahay in dibadda loo soo saaraa waxaase haddana marag ma doon ah in Ra’iisal Wasaaraha waddanka Itoobiya Abiy Axmed uu isaga ajandihiisu cad yahay oo ah in uu garab taagan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo ah Midnimada Soomaaliya.

 


Loading...
Loading...