Boqor Buurmadaw Oo Taageeray In Mar Kale Lala Midoobo Soomaaliya Iyo Sababta Oo Uu Cadeeyey

0
Monday June 15, 2020 - 17:59:45 in News by
  • Visits: 2756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqor Buurmadaw Oo Taageeray In Mar Kale Lala Midoobo Soomaaliya Iyo Sababta Oo Uu Cadeeyey

    Boqor Buurmadaw Oo Taageeray In Mar Kale Lala Midoobo Soomaaliya Iyo Sababta Oo Uu Cadeeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqor Buurmadaw Oo Taageeray In Mar Kale Lala Midoobo Soomaaliya Iyo Sababta Oo Uu Cadeeyey


Hargeysa(HWN):-Boqor Cismaan Awmaxamuud Buurmadaw ayaa sheegay inuu shaqsi ahaan taageersan yahay in markale ay midoobaan Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in midnimo shuruudaysan lalagalo oo aan sidii 1960-kii bilaa Shuruud wax la isku darsan, waxa kale oo uu sheegay in Fikirna uu sidoo kale la qabo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Boqor Buurmadow oo war cusub kasoo saaray jabhadii ka goosatay ...


Boqor Buurmadaw ayaa sidan ka sheegay waraysi khaas ah oo uu Xalay siiyay Telefishanka SAHAN oo Boqorka wax ka waydiiyay wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya uga furmay Dalka Jabuuti, Waxaanu Boqor Buurmadaw u soo jeediyay Siyaasiyiinta Somaliland inaanay Shacabka wakhti kale ka lumin ee ay soo go’aamiyaan midnimo. Waxa kale oo uu meeshay ka saaray xasuuqii loo gaystay Shacabka Somaliland isagoo sheegay in Shacabka Somaliland laftoodu dhibaato dad u gaysteen.

Waxa uu hoqorku hadalkiisa ku bilaabay"Anigu Waxaan qabaan in dib loo midoobo,wadada keli ah ee maanta  inoo furin waataas, inaynu wakhti iska lumino maaha, inaynu shacbigana ka lumino maaha, laakiin waa inaan gorgortan la tagno oo maanta todobaatan sanadood ayaa khayreedkeenii la qaadanayay, waxeenii la qaadanayay oo Soomaaliyi jirtay, oo aynu Gidaar cidlo ah ka taagnayn maanta waa inaaynu gorgortan la tagno weeyi”


Waxa kale oo uu yidhi "Waa inaynu maanta Caasimadda qaadano, madaxweynaha qaadano, iyaguna ku xigeenadda qaataan weeyi, oo ay UN-ku dib u midoobi (Referendum) wakhti ku xidhan inoo go’aamiyaan weeyi, oo saddex sanno ka bacdi haba ahaatee, intaasina inagu aynu hogaanka u qabano, maadaama oo todobaatan sanno dawladdaasi lasoo manaafacaadsanayay, taasi ayaan qabaa, waanan soo dhawaynayaa, waana fikirkayga”.


Dhinaca kale Boqor Buurmadaw waxa uu sheegay in fikirkan ah in dib loola midoobo Soomaaliya uu Faysal Cali Waraabe kaw ka yahay siyaasiyiinta la qaba  ee fikirkaasi aaminsan waxaana uu yidhi " Faysal Cali Waraabe Saaxiibo ayaanu nahay, Faysal Fikirkan aan hadda ka hadlayo ee dib u midoobidda, raggii wax ka curiyay ee aaminsanaa inaynu marka hore midawno ayuu ahaa, faysal qoraal dhan ayaabu ka diyaariyay oo uu u diray, Maraykanka, Midawga Africa, ingiriiska iyo Yuruba, oo uu leeyahay midnimo shuruud leh aan qaadano dabadeedna "referendum” hala qaato, faysal fikirkaasi wuu aaminsan yahay, laakiin Waxaan qabaa Faysal oo kale hadalkiisan uu kaga soo horjeedo shirkaasi, waxaan qabaa inaanu shir diid ka ahayn, ee uu  rag kale oo siyaasadda Soomaaliya dibada ka ah ku xidhan yahay”.


Isagoo fariin u diraya Shacabka Somaliland ayaa waxa uu yidhi "dadkeena qaar waa kuwo cuqdad laga buuxiyay oo aan caqli badan lahayn, oo aaminsan waa la ina xasuuqay iyo waa la ina laayay, waxaan qabaa anigu, xasuuq haddii uu jirayna Qaybteena ayaynu ka ahayn oo waxbaynu gaysanay, Dawladdii madaxweynihii aynu is dilnay dalka waynu ka erinay oo iyagoo qaxoonti ah ayay ku dhinteen dalka dibadiisa,waynu guulaysanay, waynu adkaanay, Dawlad ayaynu dhisanay, inagu xasuuqii dhacay qaybteena ayaynu ka qaadanay, dad aynu dhibnay ayaa jira”. Ayuu yidhi Boqor Buurmadaw.

 

Loading...
Loading...