Magacyada Dalalka Saamaynta Leh Ee Ka Soo Horjeeda In Soomaaliya La Kala Jaro

0
Monday June 15, 2020 - 17:55:15 in News by
  • Visits: 3013
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyada Dalalka Saamaynta Leh Ee Ka Soo Horjeeda In Soomaaliya La Kala Jaro

    Magacyada Dalalka Saamaynta Leh Ee Ka Soo Horjeeda In Soomaaliya La Kala Jaro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magacyada Dalalka Saamaynta Leh Ee Ka Soo Horjeeda In Soomaaliya La Kala Jaro

Hargeysa(HWN):-Tan iyo Markii Jamhuuriyadda Somaliland Xornimadeeda dib ula soo noqotay 18-kii May sannadkii 1991-kii, kadib markii ay si iskeed ah sannadkii 1960-kii midnimo Bilaa shuruud ah ku tagtay Muqdisho waxa soo jiitamayay oo jiray qorshayaal mar walba dalal cadaw u ah qaddiyadda Somaliland maleegi jireen oo ay kaga hor tagayeen in Somaliland beesha caalamka ka hesho Aqoonsi caalami ah.



Mudadii ay Somaliland jirtay oo 29 sano ah, waxa jira dalal saamayn weyn ku leh siyaasadda wixii la isku odhan jiray Soomaaliya oo iyagu caqabad weyn ku ah qaddiyadda Somaliland si cadna u diiddan in Somaliland hesho aqoonsi caalami ah taasi oo keentay in aanay wali Somaliland ku guulaysan hammigeeda. Taa baddalkeedana aan mar kali ah si cad u muujin qorshahoodaasi biyo kama dhibcaanka ah.


Dalalkan ayaa waxa ay kala yihiin kuwo u qaybsan laba qaybood. Qaarkood waa dalalka Jaarka oo dano gaar ah iyo kuwo kaleba u diiddan in Somaliland noqoto qaran Madax bannaan oo aqoonsi caalami ah beesha caalamka ka hesha waxaanay kala yihiin Jamhuuriyadda Jabuuti Iyo Itoobiya. Qaar ka mid ah Khubarada daraaseeya siyaasadda Geeska Afrika, gaar ahaan kuwa wax ka qora qaddiyadda Soomaalidu waxa ay sheegaan in Itoobiya oo iyadu beesha caalamka wakiil uga ah Arrimaha Soomaalidu ay tahay mid Somaliland kula dhaqanta laba waji oo midi qarsoon yahay midna muuqdo. Midka qarsoon oo ah in aanay marnaba ogolayn in Somaliland noqoto dal madax bannaan iyo teeda muuqata oo ah in Somaliland sideeda ahaato oo ay ula dhaqanto sidii Maamul gaar ah oo haddana khariidadda Soomaaliya ku jira halka iyadu Jabuuti aanay marnaba qarsan sida ay uga soo horjeeddo qaddiyadda Somaliland.


Dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Carabta oo Masar Hormuud u tahay, Turkiga, Iyo Afrikaanka kale Iyana waxa ay si cad uga soo hor jeedaan in Somaliland loo aqoonsado dal Madax bannaan waxaanay taasi ka muuqataa siyaasadda ay dalalkaasi kula dhaqmaan wixii la isku odhan jiray Soomaaliya waana ta keentay in wali aqoonsiga Somaliland laalnaado muddo 29 sannadood ah.


Dalka Turkiga oo isagu saamayn weyn oo dhaqaale, Amni iyo mid siyaasadeedba ku yeeshay dalkii Soomaaliya gara ahaan Tobankii sano ee ugu dambeeyey, waxa uu hormuud u yahay dalalka si walba uga soo horjeeda qaddiyadda Somaliland, taa baddalkeedana aad u dhisay Soomaaliya isaga oo saldhigyo ciidan, iyo maalgashi qadhaale oo badan ka samaystay Magaalada Muqdisho.


Isku soo wada duuboo shalay oo uu dalka Jabuuti ka furmay wareeg kale oo ka mid ah wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya, waxa ay Jamhuuriyadda Somaliland wajahaysaa duruuftaasi adag iyada oo aan ku guulaysan in muddadii ay jirtay aanay dunida ka kasban saaxiib weyn oo ka badheedhi kara garab siinta qaddiyaddeeda, inkasta oo qaddar garawshiiyo ah ay beesha caalamka kaga haysato dadaallada ay la timid muddada ay jirtay ee ay ka mid yihiin Amniga, kala dambaynta, dawladnimada iyo doorashooyinka oo keentay in ay saamigeeda ka hesho deeqaha iyo macaalimka dunida.


Loading...
Loading...