Guddoomiyaha SOLJA Oo Soo Dhaweeyay Guusha Somaliland Ka Gaadhay Shirka Jabuuti

0
Monday June 15, 2020 - 16:47:29 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha SOLJA Oo Soo Dhaweeyay Guusha Somaliland Ka Gaadhay Shirka Jabuuti

    Hargaysa(HWN):-Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa soo dhaweeyay guusha siyaasadeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(HWN):-Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa soo dhaweeyay guusha siyaasadeed

Hargaysa(HWN):-Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa soo dhaweeyay guusha siyaasadeed ee weftiga uu hogaaminayo madaxweyne Biixi, ka soo hooyeen shirkii dalka Jabuuti ku dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya.



SOLJA wuxuu u arkaa guusha ay weftiga Somaliland ka gaadheen shirkaasi in uu yahay mid ay madaxda Somaliland muujiyeen diyaar garow siyaasadeed iyo qorshe cad oo ay madaxdii dawladaha kale ugu soo bandhigeen qadiyadoodda.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ururka SOLJA oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha ururkaasi Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa sidoo kale waxa uu ku bogaadiyay warbaahinta Somaliland u baahiyeen ama u gudbiyeen wararkii shirkaasi ku saabsanaa.

Geesta kale war-saxaafadeedka SOLJA ayaa qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalka ka hawl gasha waxa uu ugu baaqay in ay weriyeyaashu ka fogaadaan wararka khaldan iyo dacaayadaha wiiqi kara natiijadda shirkii Jabuuti.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:



Loading...
Loading...