Maalgaashigii Dahabiga ahaa Ee Dalku Helo

0
Monday June 15, 2020 - 15:47:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalgaashigii Dahabiga ahaa Ee Dalku Helo

    Waxaa Qoray Xaaji Salman

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Qoray Xaaji Salman

Shirkada coca cola (S.B.I) oo la furay Hiladii sanadkii 2012 kii Ayaa waxa uu  Noqday Mashruucii Malagashi ee ugu Baladhnaa ee Dalka Laga Hirgaliyo Mashrucaa Oo ay ku baxaday Lacag ka badan ($17 million dollar) (Todoba iyo Toban Milyan oo Doller)



waxaana maalgashaday Ganacsade Reer Somaliland ah oo magaciisa la yidhaa ( Axmed Cisman Geele) Mashrucan ayaa noqotay mid wax wayn ka tartay dhaqaalihii dalka Waxana uu Daboolay baahidii dalku u qabey Dhanka sharaabka taasoo Tusaale u ah cidkasta oo rabta inay wax soo saar ka samayso dalka

 

Shirkadu waxa ay soo saarta sharaabo, kala duwan sida :-

Coca cola, Sprite ,Fanta ,Miiran, iyo qaar kaloo badan iyo waliba Iyadoo soo saarta Biyaha Dasani oo ah Biyo (International ah)


Sida Oo kale Shirkadu waxa ay soo kordhisay Warshad Soo saarta Canaaha Dareeraha ah Ee Loo yaqano Caano LIS ,


Shirkada SBI ayaa si heersare ah uga qayb qaadatay shaqo abuurka dalka somaliland halkaas oo ay ka shaqeeyaan dhalinyaro wiilal iyo Gabdho aqoonyahano ah kuwaas oo kor u qaaday nololsha Dad badan oo ku tiirsanaa


Ku darrsoo shaqo abuurkaa ay samaysay


SBI waa shaqo abuurkii dawlada looga baahnaa inay dhalin yarada jamacadaha ka soo baxay u samayso.

Shirkadan SBI ayaa waxay magac u soo jiiday dhamaan umada rer Somaliland iyadoo inaga dhigtay wadan leh wax soo saar.


Soo jiita indhaha Caalmaka iyo waliba maalgashda yaasha caalmaka

Sida oo kale shirkadu waxa ay qayb Laxaadle Ka qadataa Barnaamijyada Horumarinta Bulshada iyo waliba kuwa khayriga ah Si ay macaamiisheeda wax ugu soo celiso


shirkadu waxa ay Ku bixsay Biyo Baladhinta dalka lacag ka badan ($5.6 Million dollar)(Shan milyan iyo Lix Boqol oo kun oo Doller) shirkadu waxa ay ku bixisay Biyo Baladhinta caasimada Hargeisa


($5 Million dollar) Biyo Galinta Magalad Burco Waxa ay ku bixisay Lacag ka Badan ($600,000 ) (Lix Boqol oo Kun oo Doller)


Dhinaca kale shirkadu waxa ay bilowaday Barnaamij la magac baxay (Cab oo Sadaqayso )

Barnaamuj Kaas oo ah mid lagu caawinayo dadka danyarta ah iyo waliba kuwa Agoonta ah bisha Barakaysan ee Ramadan Lacagtaas oo ka Badan ($15000) (Shan iyo toban kun oo doller )


Bil walba oo Ramadan


Sida darteen :- shirkada SBI waa shirkad Qaran oo ka dhaxaysa umada Reer Somaliland oo dhan

 

Waxaa Qoray Xaaji Salman

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...