Cadaabta iyo Cidda gelaysa

0
Saturday April 13, 2019 - 10:01:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2211
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Cadaabta iyo Cidda gelaysa

    Waxaan ku bilaabayaa magacyada Illaahay ee Ar Raxmaan, Ar Raxiim, Al Muciid,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan ku bilaabayaa magacyada Illaahay ee Ar Raxmaan, Ar Raxiim, Al Muciid,
 Al Xay, Malik Almulk, Al Jaamic, Al Maalik, Al Khaaliq, Al Baari,
Al Caadil, Al Xakam, Al Matiin, Al Muxyi.


Marka Qofku dhinto wuxuu xabaasha ku sugaa maalinta ugu dambaysa ee Dunida,
Qofka Illaah xagiisa ka xumi Nabad ku heli maayo xabaasha, kan wanaagsanina
wuxuu u jiifayaa si wanaag iyo Deganaansho leh. Marka ay maalinta lasoo
wada kicinayo Jin iyo Insiba ay gaadho waxaa bilaabmaya Xukunkii illaahay
oo keligii u gaar ah, wuxuuna inta badan u dirayaa Cadaabta.



Qormadani inta hore waxay ku siinaysaa cadaabta waxa uu Qur'aanku ka
sheegay. Cadaabtu waa meel loo sii diyaariyey kuwa beeniya Waxyiga ka dib
markii la soo gaadhsiiyey iyo kuwa dembaaba. Cadaabtu waa meel Eedaad
badan, Naartu waa mid ka duwan waxa ay Aadanuhu maleeyaan marka ay ciqaab
xusuustaan, hadana si ay u fahmaan maskaxdoodu inta ay garan karaan waa
loogu sheegi karaa dhibaatooyinka ay yaqaanaan, waxaana inoo sahlaya sida
Quraanku u sifeeyey iyadoo faahfaahsan.


Waxaynu tusaalayaal kooban ka soo qaadanaynaa macnaha guud Quraanka
laftiisa, waxaynu soo bandhigaynaa cadaabta Quraanka lagu xusay,
ogaadana in Cadaabtu tahay meel lagu keeneeyo, lagu ceebeeyo, lagu
Tollo, lagu gumeeyo, lagu gaajaysiiyo, lagu qarqarsiyo, lagu bahdilo oo ciqaab lagu Abaal mariyo
Dembiilayaasha Aduun.


Magacyada Cadaabta Quraanka lagu sheegay waa Todoba; Jahanam, Jaxiim,
Saciir, Saqar, Ladtaa, Haawiya iyo Xutama. Dhamaantood waa kulayl aad u
daran, Dab iyo Olol la quusayo, olol butaacaya, Kulayl xad dhaaf ah,
Hanfi ama tu
ku jejibineysa.


Sida ku qoran Quraanka, Cadaabtu weligeed way jireysaa, ciddii gashaa way
ku waaraysaa marka inyar laga reebo, intaa yari waa Muslimiin ciqaabta
dembiyadii ay galeen soo dhamaystay, waana kuwii loo waayey shaqo wanaagsan
intay Aduunka joogeen oo ay ugu gudaan dembiyadooda, Quraanku wuxuu ku
xusayaa Suuradda 72aad Aayadda 23aad " Arinkaygu waa inaan idiin soo
gudbiyo Fariinta Alle, qofkii caasiya Illaahay iyo Rasuulkiisa, naarta
ayuu gelayaa, isagoo ku waari doona " , Aayadahanina si odhaw bay
muujinayaan 33:64, 5:37, 4:168-179 iyo 2:167. " waxaa xaqiiq ah.
Albaabada Janada loo furi maayo kuwii inkiray waxyiga ee weliba ku
jeesjeesay, in Janada loo ogolaadaa waxay la mid tahay Awr la yidhi ka
dus Irbad daloolkeed, sidaas baanu u abaal marin doonaa
dembiilayaasha, Dhamac bay sariirtoodu noqon doontaa, mid kalena waanu
huwin doonaa, sidaas ayaanu u abaal marin doonaa caasiyiinta (
Quraanka 7:40-41 ).


Albaabada Naartu sida Quraanku sheegay waa Todoba, Illinkiiba waxaa ka
gelaya in gooni ah oo ka mid ah dembiilayaasha Aduun, Aayadaha quraanka ee
ku soo arooray waxaa ka mid ah 39:71-72, 90:19-20 iyo " Hubaal, Cadaabtu
waa Gurigooda dhamaantood, waxayna leedahay Todoba Albaab, Illin kastaa
wuxuu gooni u yahay dembiilayaal gaar ah, ( Quraanka 15:43-44 ) ".


Shiidaalka Cadaabtu waa Dhagaxaan iyo Dadka ah - Muslimka Eexda yaqaan,
kuwa Alle beeniyey iyo kuwa aan Caabudin Illaahay keligiis, ( Quraanka
2:24, 3:10, 21:98-99, 26:91-95, 72:14-15. " Muslim Alloow, Naftiina iyo
Ehelkiina ka badbaadiya Naarta Xaabadeedu tahay Dad iyo Dhagaxaan,
Malaa'igna loo wakiishay iyagoo u fulinaya si daran, marna (
malaa'igtu ) ma diidayaan
amarka Eebe, ee sidiisa ayay u fulinayaan, ( Quraanka 66:6 ) ".


Cuntada Cadaabtu waa mid kadeedka kugu sii badinaysa, gaajo ma bi'iso
nafaqona lagama helo, " Ehlu cadaabku cunto ma helayaan, tu qadhaadh, dhir
qodxan leh oo aan nafaqona lahayn gaajona ka bi'inayn mooyaane" ( Quraanka
88:6-7 ).


Waxaa jira geed la yidhaahdo Saquum oo Ehlu naarku cuni doonaan. Geedka
xididadiisu waxay ku jiraan cadaabta gunteeda, laamahiisuna waxay u eg
yihiin madaxyo Shaydaan ( wax anfariir iyo firka nax kugu ridaya fool
xumadiisa ).Geedka Saquum waxaa kaloo ka hadlaya 37:62-68, 56:51-56.
" Cunto kale ma jirto qidhunka Dheecaankooda mooyee." ( Quraanka 69:36 ) .
" Xaqiiqdii, Geedka Saquumku waa cuntada Ehlu naarka, waa sida Saliid madow
oo rib ah, marka la liqo, kulaylka Caloosha ayay isku laba rogayaan, waa
sida biyo karaya " ( Quraanka 44:43-36 ).


Dhibaatada cadaabtu waa mid Jidh ahaan iyo Maskax ahaanba ciqaab
adag,Cadaabta kulayl keliya la iskuma ciqaabayo, cadaabtu sida habar
dugaaga ayay Cartamaysaa oo gurxan ba'an iyo baqdin ayay leedahay,
gudaheeda waxaa ku nool Masas iyo Dibqaloocyo haday ku qaniinaan aad
Tobannaan sanadood la ildaraanayso.Cadowga Islaamka waxay cadaabtu u
bilaabmaysaa isla markuu Naf baxo


Ehlu naarku marka lagu amro inay galaan Albaabadaa Cadaabta lagu ciqaabayo,
iyadoo loo egayo sida ay u kala dembi badan yihiin Alle agtiisa kulaylka,
cadaabtu waxay ka saaraysaa Haragga, waxaa markasta loo cusboonaysiinaya
sidii qof iminka yimi ilaa inta uu Cadaabta ku jiro. si kastoo ay u
cabaadaan iyagoo saamaxaad weydiisanaya loo jixinjixi maayo. Qofna ma
xejin karayo qadhmuunka, Uurada iyo kulaylka cadaabta, kii isku daya
inuu cararo waxaa celinaya Birro af qoolaaban leh iyagoo kusoo
celinaya dabka.


"Ehlu naarku waxay ku odhanayaan Waardiyayaasha Naarta, Illaahiina noogu
yeedha bal in maalin la nalaga khafiifiyo ciqaabta " ( Quraanka 40:49 ),
Malik waa Malagga u madaxda ah 19ka Malag ee Cadaabta, waana mid aan u
naxariisan dembiilayaasha, markay yidhaahdaan Ehlu naarku ha naloo
naxariisto, Malik ka neefin maayo, wuxuuna ku odhanayaa " sowdinkii runta
diidey markii la idiin keenay " .


Cadaabta waxaa gelaya kuwa- Alle jiritaankiisa beeniya- Illaahay wax ka
badan Caabuda- diida waxyiga- muslin qudha ka jara- dembiilayaasha ah-
Gacan ku dhiiglayaasha- Cadaalad xumayaasha- Waxyiga Qariya- Nafta iska
jara- Keligood taliyayaasha, axmaqiinta ah- Aduunka ka jecel Aakhiro iyo
munaafiqiinta (aanay dhab ka ahayn Islaanimadu ).


Culimadu waxay isku raaceen in qof walba waajib ka saaran yahay fidinta
Diinta, sidayda haba aqoon yaraadee, marba haddii uu wanaag uga jeedo,
Kitaabku waa Ammaanada ugu weyn ee la iska rabo gudbintiisa. Waxaa igu
dhiiri geliyey Khudbadii Jimcaha ee manta ( Masjid Abuubakar ee
Galbeedka Landhan ) oo ku saabsanayd Ammaanada Cilmiga, Kitaabka iyo
Fidinta Diinta Islaamka. Illaahay baa Cilmi u sugnaaday.


Shaqo Guri; Halkee ayay iska soo galaan Eexda iyo Qabyaaladdu, halkay
iskaga soo darsamaan dibu dhaca iyo Eexdu ( Muxaafid iyo Mucaaradba )
xagayse ku kala baydhaan Sadaqadda hadalka wanaadsan iyo Munaafaqaddu


Bashiir Tarabi Oogle,
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...