Shirkan Dhabouti, Sakaaro Xaar Muuqday Aasaastaa Waxay Ogolaadeen federalka Inay Ka Mid Yihiin.

0
Monday June 15, 2020 - 09:35:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkan Dhabouti, Sakaaro Xaar Muuqday Aasaastaa Waxay Ogolaadeen federalka Inay Ka Mid Yihiin.

    M Bashe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

M Bashe

Waxaynu wada ognahay in SOMALIA dawlad buuxda loo ogolaaday iyagoo sidaa kaga masuula wadankoo dhan. Habkii loo la dhaqmo jiray ee ay SOMALILAND leefleefka kusoo noolaan jirtay wuu  dhammaaday. Mashaariicdiiyoo dhan waxaa lasoo marinayaa SOMALIA, waxkastana waxaa ka masuula Somalia oo ay SOMALILAND ka mid tahay sida dawlad goboleedyada oo kale, Military xuduudaha waa laga soo durkinayaa. ISBEDELka geeska Africa ee Abi Ahmed iyo beesha Caalamka iyo  igad ba runta waa la isu sheegay hadana wax walba (Time-plan) bay leeyihiin. Xukuumadda Muse iyo Guurtida iyo baarlamaanka waa laga dheregsanyey inaan laga ogolayn wax Somali la yidhaa oo kala Goa.



Shacabka hore ayey inoogu sheegeen in meel walba la inaga soo xidhay kii uunbaa soconaya oo shacabka ushaa lagu ag dhufanayaa si ay u fahmaan waxa jira.  Arimaha labada shacab ee SOMALIA iyo SOMALILAND labaduba waa sensitive xaalkoodu taa Dawladaha oo dhami wey Dareensanyihiin waana ta keenaysa  in waxa lagu wada socdo ee Madaxda dawladuhu iyo gobolada ururadoodu isagu imanayaan WAX LAGU WADA SOCDO OO WELIBA LAGA QARINAYO LABADA SHACAB BAA jira  oo si siyaasadda oo suqsuqaara loogu dhiibayo SHACABKU WAA CARUUROO KALE SIDA HOOYADU  BARIISKA KULUL  CARUURTEEDA  UGA QABOOJISO MARKAY AFKA U GELINAYSO AYAA  DAWLADAHAN SHIRAYAA SIYAASADDA KULAYLKEEDA  SHACABKA LOOGA  ILAALINAYAA SI  AAN KHATARO UGA DHICIN GOBOLKA GEESKA  SOMALIDA MAR LABAAD OON BADUHU XIDHMIN HADANA WAAYO BADDA CAS DHINICII YAMANTU WAY GUBANAYSAA DHANACA LIBIYA BADDII MEDITERRANEAN OO IYANA QIIQAYSA.

 

Markaa war shucuubta laga qarinayo ayaa jira  SOMALILAND oo Mogadisho lacag badanikaga xanibantay oo Xukuumadda Muse aanay laaanteed waxba wadi karin  Somalia heshiiska SOMALILAND doorashada Farmaajo iyo khayre guushoodu aad ugu xidhantay Ethiopia oo isbedelkeedu aad ugu xidhanyey Somali mida oo wixii ay kala saxeexdeen Ethiopia SOMALIA iyo  Eritrea oo SOMALILAND laaan aan suurtoobayn haddaan dhinac kaloo qarsoon looga wareegin laakiin waxaa hawl yar SOMALILAND oo ogolaato inay Somalia ka mid noqoto. Hadduu Muse wax walba diidona SOMALILAND waxay  gelaysaa godoon iyo dadkoo Xamar iyo shaqooyin u qaxa macaa Askarta ayaa yaac doonta fursadaha laga furi doono SOMALIA.

 

M Bashe

[email protected] 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...