Faallo:- Isma Oga Agoon Iyo Ninkii Aaba-heed Dilaye (Abdi-Shotaly).

0
Monday June 15, 2020 - 09:30:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1819
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Faallo:- Isma Oga Agoon Iyo Ninkii Aaba-heed Dilaye (Abdi-Shotaly).

    Qore:- Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly.



Waxa la yidhi " Mulac caruuri dishay, caruurna waa la ciyaayir, mulacna waa ku qudh gooyo" Oo micna-heedu yahay, laba aad u kala fog. oo nina wax uu ku dheel-dheelo, oo uu faan ka dhigto doonaayo, nina waxa uu kaas kale uu ka rabaa ay tahay geeri-diisa, kuwaas oo ah laba aan sinaba isu soo dhawaan karin, seef mooyee wax kaloo dhex mari karaana aanay jirin. Halka ay sartu ka qudhunsan tahay-na, uu kii qudhmiyey weli jees-jees iyo ciyaar la tahay wixii uu falay, Caal-haakadda weliba uu ku hello sharaxaad iyo amaan lagu siiyo, kii aabihii uu dilay-na uu dibinta uu roogaayo, siduu uu uga aar-goosan lahaa, isaga oo misana iska abhi-naayo oo leh, waxaad fashay-ba fashaye, sidaas ma ku kala tagnaa, iyo diiday oo kaa tegi maayo, oo waa qasanaa kii rooni reerka haw hadho'e. Xaalka halkaas maraaya, ee mid-na ku sii adkaysa-naayo wixii aan kugu sameeyey sax bay ahaayeen, ee adiga baa khaladka leh, ee khasab baan kugu soo celinayaa, sidaan doono-na waan kaa yeelayaa, saw qab-qab dhaafay maaha iyo waxa aan la qiyaasi karin waxa ka soo socdaa " Isma oga agoon iyo ninkii aaba-heed dilaye" Waxa ay ku jiri doonaan in ay isku noqdaan " Haad iyo eegato".

 

Horaa loo yidhi " Nin qab weyn iyo nimaan uba qabin, is qaniina'e, yey is qaabilin" ujeedadu waxay tahay aan uga gol-leeyahay, Kan Mareexaan ( Waa somaliya) waxa loogu yeedho hor-joogaha ka ah iyo ummadda reer Somaliland arin-koodu waa kaaf iyo kala dheeri. maare kale-na ma laha, oo mid-na ma yeelaayo ka kale waxa uu ka doonaayo. Aan toos kuu taab-siiy xeedhadda sal-keeda'e, Weligeed iyo alla-heed ma dhacayso, mid sheegta mansuul reer koonfureed ah, haduu madax-weyne baan ahay yidhaaho, ra'isal waasre sheegto ama wax kale-ba, qofkii u fadhiya in uu odhanaayo, oo mar uun la arki doono, in uu ku dhawaaqo" Somaliland waanu fasaxnay" oo waa dawlad gooniya, waa habeenkii xalay oo dib u soo noqday, waana ruux aad u liita, ka sidaas u fekerayaa, oo xoolaah cawska ka badsadda. Dhanka kale, In mid hogaamiyaha Somaliland sheegtaa ( Neef adhiyana ha ahaadee) in uu yeello, Waa sacabkoo tima yeesha, in uu meel isla soo taago, waanu ka tanaasulay Goosa-shaddii aanu rabnay, oo waxan dib ugu soo noqonaynaa midnimo. Laba-daas arimood mid-na la arki maayo ilaa la gaadho " Yoomal-qiyaamaha", Oo illaah aduun-kiisan u tashanaayo, wakhti-gaas oo aanay jirayn xuduudo iyo dawlado, ee meel la isugu keenaayo wixii dad jiitay iyo inta weli nool ( Ilaa intii dunidda eebbe taagay), Ayaan-taas ka hortaw waa riyo neefaaq, in ay wax midnimo la yidhaahaa ka dhex dhacdo Somaliya  iyo Somaliland.

 

Waxa la yidhi " Doqoqn milantay iyo geesi malabsi bartay, bay dhex-doodda, masiibo ka qarax-daaye" Waayo mid-na-mid wax uma haysto, oo mid wixii uu hore u walfay buu rabaa in ay u socdaan, taas oo aan hadda suuro gal ahayn. Doqon-tuna wixii lagu sameeyey iyo nabaradii lagu dhigay, baan abid xusuus-teedda ka guurayn, ee kolba dib ugu soo mir kacaaya marka ay mgaacii maqsho-ba kii u daraa, markaas bay ku soo kacayaan hurgumaddii iyo tacadiggii, loo geystay maalmihii loo taag sheeganayeey. Waxan ku soo gunaanaday, Kan Mareexaan, oo naf biday in uu ku ololeeyo Somaliland baan keenay, sidaas-na uu madaxnimo ku hello, oo midnimaddii soomaaliyeed baan dib u soo noolyeey yidhaahdo, saw been uu isku maaweelinaayo maaha iyo qof hurda oo riyoonaaya. Waxan idin waydiiyey su'aasha ah " Nin uu aabihii kuu daraa, oo markuu kaa hadhi waayey aad dishay, naf-tana ka goysay, wiilkii uu dhalay wanaag ma idin dhex marayaa? Mise waxa weeye in mid-kiin haadku ku gableeyo geeri-diisa, oo mid-ba-midka kale uu gaadmo iyo khiyaamo u falkinayaa, oo xaalku waxa weeye, Tixddii ugaas nuur (Ihun), ee ahayd "Allahayaw nin ii dara, Maxaan daafta hore seexshay, Naftu nimaaany doonayn, maxaan hadalka deeq-siiyey, markuu dabinka ii galay, maxaan kaga dawaan siiyey." Kan Mareexaan weli dhiigay-ggii buu madaxnimo ku rabaa. anna dacas-kiisa oo aan la wareego baan u qorey, ee halkaa ha ku dabra-naato midnimo.

* N.B  Mulac Caruuri dishay, Caruurna Waa La Ciyaayir, Mulacna Waa Ku Qudh Gooyo!

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...