Taariikhda Fikirka Dhaqaallaha Ee Soomalida:

0
Sunday June 14, 2020 - 21:17:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 942
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda Fikirka Dhaqaallaha Ee Soomalida:

    W/Q: Cabdirisaaq darwiish

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdirisaaq darwiish

Tan iyo waagii eebe weyne dunida ummada soomaliyeed ku abuuray kana dejiyey deegaanada baaxada weyn ee geeska Africa, waxay soomaalidu ku jireen halgan ay ku horumarinayaan xaalladaha nololeed ee deegaanadii ay ka isiraayeen.



Waxay dunida korkeeda kusoo kordhiyeen dhaqanno ilaa maanta lagu dhaato oo ah dhaxal keyd galay oo facba faca ka dambeeya uu kusii jalbeebinaayey.

 

Tan iyo waagaa soomaalidu waxay soo bandhigeen habab fikir oo kala gedisan kuwaas oo ay ugu horeysay alkumida fikirka dhaqaalaha soomaalida (somali’s economic thought) kaas oo wax weyn ka badalay habab nololeedkii  soomalidii geeska Africa ku noolayd sidoo kalena ay ka marag kaceen xadaaradihii waaweynaa ee dunida soo maray sida kuwii faraaciintii reer masar, kuwii giriiga, mosobotaaniya iyo xadaaradihii hindiya iyo kuwii jaynaha (china).

 

Mawduucan oo aanay hore soomalidu waxba uga qorin Ayaan damcay in aan qalinka u qaato oo soo banbixiyo wixii ay soomalidu taariikhda fikirka dhaqaalaha kusoo kordhiyeen.

 

Waa aragtiyo aduunka badankiisa ku yar ama mararka qaar aad odhan karto soomalidii sidaa uga fikirtay dhaqaalaha hadii qalinka loo qaadan lahaa waxay baro dheeraan lahaayeen aragtiyihii falaasafadii waaweynaa sida aristootal, palaato, ama aragtihii dhaqaale ee sokraat oo ah kuwa maanta inta cilmiga dhaqaalaha barataa ay u daba fadhiistaan bilowgii fikirka dhaqaalaha dunida.

 

Ugu horeyn soomaalidu waxay u badnayn reer miyi xoolo dhaqato ah kuwaas oo ku hawlanaa hawlaha caraabta badan ee dhaqashada xoolaha nool, hadaba waxaa la odhan karaa soomalidu waxay soo kordhiyeen fikiro ama aragtiyo dhaqaale oo taabogal noqday oo badhaadhe gaadhsiiyey soomalidii waayadaa iyo tan maanta noolba.

 

FIKRADDA KAALLO:

Wiilka iyo gabadha reer miyiga ahi marka ay is guursadaan ee ay aqal gallaan ayaa waxaa soomalida dhaqan u ahayd inay wiilka kaaliyaan oo xoolo siiyaan si uu wax u dhaqdo oo uu noloshiisa u horumariyo. Kaalladu waxay ahayd fikir dhaqaale ahaan ay soomalidii waayadaasi kusoo kordhiyeen dunida aynu ku nool-nahay waana meelaha ay soomalidu dhaqan ahaan uga hodansan tahay dunida inteeda kale.

FIKRADDA YABADH AMA DHIBAAD:

Sidoo kale waxa jirey fikir dhaqaale oo kale oo ay soomalidu dunida kusoo kordhiyeen kaas oo ahaa dhibaad ama yabadh waxa loo yaqaan.

Gabadha marka la guursado ee ay mudo reerkeeda joogto ayaa reerkii gabadha dhalay waxa ay siin jireen xoolo mood (wixii aan nool ahayn) iyo noolba leh, kuwaas oo ay kaga qayb qaadanayaan caawinta iyo taabogalinta qoyskaa cusub ee dhawaan la alkumay, xoolahaa waxa bixin jirey inanta qoyskeeda waxaana la siin jirey wiilka iyo gabadha is guursaday si ay dhaqaale ahaan u tabcadaan oo horumar uga gaadhaan. Tanina waa fikir dhaqaale oo kale oo ay soomalidu banka keeneen dunida u soo bandhigeen.

 

 

FIKRADDA GABAATI-SOORAN:

 

Marka wiilku uu doono gabadh uu in badan maanka ku hayey ee loo ballamo isa-siinta wiilka iyo gabadha, waxa kobtaa la joogo wiilka reerkoodu kaga dhawaaqi jireen xoolo waxa ay bixinayaan mood iyo noolba, waxaa xigi jirey in la kala gudoomo xoolihii kobtaa lagu bixiyey ama lagaga dhawaaqay oo reerka wiilka ayaa xoolahaa ama hantidaa ku wareejiya reerka ay gabadhu ka dhalatay.

Marka ay reerka gabadhu ka dhalatay hantida la wareegaan waxa ay qayb hantidaa kamid ah u celin jireen wiilka reerkooda, hantida kobtaa lagu celinayo ayaa dhaqan ahaan loo yaqaan gabaati-sooran, waana mid kale oo kamid ah fikirada iyo aragtiyaha dhaqaale ee ay soomalidu dunida kusoo kordhiyeen.

 

FIKRADDA YARADKA:

Wali waxaan ku jiraan soo ban-bixinta fikirada dhaqaale ee ay soomalidu dunida kusoo kordhiyeen, yaradku isna waa midkamid ah fikiradaa ay soomalidu dunida u ibo-furtay.

 

Yaradku waa xoolaha la siiyo inanta reerkooda, marka inanta la guursado ee ay mudo dhaqnaato oo ay caruur dhasho ayaa badanaa wiilka reerkoodu waxay xoolo nool ama hanti kale siin jireen inanta reerkooda, taas oo Iyana kamid ahayd hababka ay soomaalidu dhaqaale ahaan isku taageeri jireen.

 

Waa aragtiyo aduunka badankiisa ku yar ama mararka qaar aad odhan karto soomalidii sidaa uga fikirtay dhaqaalaha hadii qalinka loo qaadan lahaa waxay baro dheeraan lahaayeen aragtiyihii falaasafadii waaweynaa sida aristootal, palaato, ama aragtihii dhaqaale ee sokraat oo ah kuwa maanta inta cilmiga dhaqaalaha barataa ay u daba fadhiistaan bilowgii fikirka dhaqaalaha dunida.

 

FIKRADDA YARAD-SOORAN:

 

Hadii aad soo fahantahay yaradka oo aan kusoo qeexnay xoolaha ama hantida kale ee la siiyo inanta reerkooda, badanaa waxa xoolahaa lagu bixin jirey kob ay u dhan yihiin hormuudka iyo labeenta labada qoys oo ay ugu horeeyaan odayada reeruhu.

 

Kobtaa laba dhinac wada fadhiyaan ayaa wiilka reerkoodu kaga dhawaaqi jireen xoolo ama hanti kale waxa ay bixinayaan halkaas ayaana odayada ka socda dhanka inantu ay ka gudooman jireen hantida halkaa lagaga dhawaaqay.

 

Qoyska inanta ayaa iyaguna xoolihii la siiyey qayb kamid ah waxay dib ugu celin jireen oo siin jireen qoyska wiilka iyadoo wiilka iyo gabadha xoolahaa si gaara loo siin jirey. Tanina waa fikir kale oo dhaqaale oo ay soomalidu kownka eebe weyne kusoo kordhiyeen.

 

FIKRADDA XERO-GAL:

Sidaan ku baranay maqaalkan waxaa soomaalida dhexdeeda daf iyo muush ah aragtiyo dhaqaale oo badan  oo soomalidu dunida kusoo kordhiyeen.

Marka wiilku guursado ayaa aabaha wiilka dhalay iyo hooyadii waxay siin jireen xoolo adhi ama geel ah kaas oo ay qoyska cusub gudoon siin jireen welibana ay calaamad ama summad u gaar ah ugu dhigi jireen si ay xoolaha kale uga gartaan lahaanshahoodana loo cadeeyo. Xerogalku isna waa fikir kale oo soomalidu dunida eebe balaadhshay kusoo kordhiyeen ilaa hadana ah aragti dhaqaale ahaan kor u qaadaysa waxsoo saarka umada soomaliyeed iyo tabcashadooda.

 

ARAGTIDA DUMAASHA:

Sidaan marwalba aan sheego soomalidii hore waxay dunida kusoo kordhiyeen aragtiyo balaadhan oo dhaqaalle kuwaas oo ilaa maanta si fiican looga dharagsan yahay.

Dalkii iyo deegaankii ay soomalidu ku dhaqnayd waxa ka dhici jirey colaaddo iyo abaarro isdaba jooga kuwaas oo galaafan jirey ama sahayan jirey dad badan  iyo duunyo aan xad lahayn. Hadaba hadii nin dagaal ku dhinto ama uu abaar darran uu raaco oo uu ka tago xaas iyo caruur, xaaska iyo caruurta waa la dhowri jirey, xoolaha iyo hantida aabahood uga tegay waa la xurmayn jirey in wax loogu daro mooyee ciddi ma hungureyn jirin, hadaba hooyada caruurta dhashay ayaa loo soo bandhigi jirey guurka ninka walaalkii ama inaadeerkii si uu caruurta ula koriyo, uguna shaqeeyo oo u daryeelo, welibana silica iyo saxariirka aabo la’aanta uu uga kafaallo qaado amaba aanay u dareemin.

 

Marka gabadhu ogolaato ayaa loo guurin jirey ninka dhintay walaalkii ama inaadeerkii halkaana waxa lagu dhowri jirey dhaqaale ahaan qoyska agoonta ah iyadoo xoolahooda loo ilaalinayo korna loo qaadayo dhaqaale ahaan, niyad ahaan iyo badhaadhe ahaanba.

Habkan dhaqaale ayaa ah hab ay soomaalidii hore dunida kusoo kordhiyeen oo hadda kamid ah fikirada ama aragtiyada dhaqaale ee gabaabsiga ah.

 

FIKRADDA XIG-SIISIN:

Aragtidan iyaduna waa aragti dhaqaale oo ay soomalidu dunida kusoo kordhiyeen, xigsiisinku waa marka ninka ay xaasku ay ka dhimato ee ay caruur rajo ah ka tagto, oo caruurtii iyo aabahood nolosha la daalaa-dhacaan ayaa qoyskii gabadha dhalay waxay ninka siin jirey gabadha dhimatay mid aka yar ama inaadeerteed si ay ninka xaas ugu noqoto sidoo kalena caruurta ay habaryarta u tahay ay dayaca iyo diifta hooyo la’aanta uga bii’iso.

Aragtidan ayaa ina kamid noqonaysa aragtiyaha dhaqaale ee ay soomaalidu dunida kusoo kordhiyeen, oo ilaa hada aanay jirin qallinley hawshaa qalinka u qaadatay oo soo banbixisay taariikhda fikirka dhaqaale ee soomaalida.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...