Shirkii Wadda Hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Toos Uga Bilaabmay Jabuuti Iyo Wasiirka Arimaha Dibada Jabuuti Oo Ka Hadlay

0
Sunday June 14, 2020 - 17:24:27 in News by
  • Visits: 4003
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Wadda Hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Toos Uga Bilaabmay Jabuuti Iyo Wasiirka Arimaha Dibada Jabuuti Oo Ka Hadlay

    Shirkii Wadda Hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Toos Uga Bilaabmay Jabuuti Iyo Wasiirka Arimaha Dibada Jabuuti Oo Ka Hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkii Wadda Hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Toos Uga Bilaabmay Jabuuti Iyo Wasiirka Arimaha Dibada Jabuuti Oo Ka Hadlay



Jabuuti(HWN):-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si toos ah u gudoominaya shirkii wada hadalka ee u dhaxeeyey somaliland iyo soomaaliya.




Shirkan oo ay si toos ah isku horfadhiyaan weftiyada ka socday wadamada somaliland iyo soomaaliya isla markaana ay goob joog ka yihiin weftiga ka socda dalka Itoobiya iyo diblomaasiyiinta ka socda safaarada Maraykanka ayaa bilaw u noqonaya wada xaajoodka Muqdisho Iyo Hargeysa oo waji cusub yeelanaya.


Wasiirka arimaha dibada ee dalka jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo ka mid ah masuuliyiinta madaxweyne Geelle ku wehelinaya shirka ee ka socda wadanka Jabuuti ayaa fariin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in shirkani uu taariikh cusub u diwaan gelinayo hogaamiyeyaasha wadamada geeska Afrika ee Somaliland, Soomaaliya iyo Itoobiya oo door ka qaadanaysa wada hadalka labada hada socda.

Image
Image


Wasiirka arimaha dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa fariintiisa ku yidhi "Shir madaxeed taariikhi ah oo uu gudoominayo madaxweyne Geelle ayaa hada dhacaya, kaas oo lagu sii anbaqaadayo wadda hadalkii u dhaxeeyey somaliland iyo soomaaliya.”


Wasiirka arimaha dibada ayaa qoraalkiisa intaas ku sii raaciyey "Raysal wasaare Abiy Ahmed, Madaxweyne Farmaajo Iyo Madaxweyne Muuse Biixi waxay ilaa hada  si wada jir ah u qorayaan taariikh”

Loading...
Loading...