Yaa Meteli Kara Somaliland ( Abdi-Shotaly)?

0
Sunday June 14, 2020 - 17:01:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 3
  • Share via Social Media

    Yaa Meteli Kara Somaliland ( Abdi-Shotaly)?

    Qore:- Abdi-Shotaly?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly?

La hubsay oo gorayo haad noqotay, beeni soo dhamaatay, oo haday badhidda dhulka ku dhuftay, Nin madaxa ka xanuunsa-naaya, oo reer Burco ahaan ahaa (Ihun), oo magaciisa la odhan jirey " Haban-Bidhato" baa marka ay hablo ku soo dhawaadaan ama soo hore maraan-ba, ay ciyaalku ku odhan jireen " Habaneey Ku Cadee" Markaasuu dabadda rogan jirey intuu is hor taago, Waxan uga socdaa Nin ku farxa iyo mid ka naxa-ba Somaliland haday dabadda rogatay.  Askariggii magacyadda aanu lahayn ku ceeshi jirey ee Mujaahid ku macaash" Waa raggii Ma adigaa ka hadhaye" Markii uu xaraashay dalka intii kale, buu Somaliland wakhtigan ku soo xdihay Sayladdii Jabuuti, oo siddii lax daabaxaad ah, oo uu dilaalayaa tuuga keliggii taliya, ee u seediga ah lana yidhaaho ina "Geele Basal" oo uu saakana u sii qaaday laba Fijaan oo Muqmad ah, siddii askariga u caadadda ahayd. waxa meesha loo tegay-na waa iibinta " Somaliland" oo aan weli lagu heshiin wixii lagu qiimayn lahaa, weli waxay isku hayaan, daba leef-yadda u kala dilaaliinta ah " Askarigan Xaafad-tooyadda iyo ka Mareexaan, Markii Dhawr jeer gacmaha la is hoos geliyey, waxa la yidhi laxdu ( waa Somalilande) aad bay u hilib yar tahay, oo wax cayn-kaas u sii buuran goyn mayso, ee waxay joogtaa " Intaas oo hore iyo intaas oo dambe" bilaa shuruud kaga iibiya Tuuladda la yidhaaho "Caabud-Waaq" ee mareexaan, sidaas-na ku Faasaxa. kabacdi laxddii mudadda badan foola-naysay, sidaas buu asakriggii ku wareejay ugu dambay.

 

In la kala tegay waan u taagnaaye, Imika bay muwaadin kala baxeen, wixii hanti urursiga ahaa, ee doonaayey in ay wax ka dhaqdaan iyo intay dalka lexe-jeclo ka lahaa. Waxa la yidhi " Muruqa laba suul nin-ba si ku ah"  Waxay ummadu ka soo dhacsatay AF-weyne, baa hadeer lagu khiyaamay-nayaa dheel-dheel ah, Hargeysa Baa Caasimad laga Dhigayaa, Madax-weyne baa la idin siinayaa, Ka Mareexaan baa is casilaaya, oo Raggii ma adigaa ka hadhay baa loo cumaamadayaa iyo been kaloo kutri-ku-teen ah, oo la doonaayo in lagaga hoos baxo Shicibkii u soo halgamay. Hadaba akhristaw, kan waalan ee wata magaca mujaahid ku ceeshka ah iyo geenyo shaaximan? Miyaa go'aan ka gaadhi kara? Qiimo u goyn kara? Laxdaas sayladda saaka ku xidhan, yaa macasha qaban doona? La dhaqaaqi doona? Waa sidaas sare ku taale, wax lala seledda lagu sitaa, waa xarashka masiirkii ummaduay lahayd, waa wax aan ka soconayn " Raggii ma diga aka hadhay iyo inta daba gurguurata, wax midnimo la yidhaaho oo shicibka Reer Somaliland u diyaar yahay ma jirto, ee daacadda ah ka suuro-gelaya yaan loo fdhiyin, qori caaraddii baanu ka xignaa, been yaanay idiin sheegin labadan khawal ee asakrta ahi. Marka laga reebo kuwa xoolo doonka ah ee magaca ku shegaysta ummadda, sidda askarigan wajaqan. oo u yimi meesha-ba siddii uu xoolo uga dhaqan lahaa, iyo boob uu masaakiinta dan yarta ah, dhul-koodda xoog ugaga qaadi lahaa.

 

Heesta xoolaha loogu qaado, mid-ka mid ah waxa ku jira "Nina dhaqashuu kuugu dhabr jabay, nina Dhuuni buu kuu dhex joogaa" waa xaqiiq, wax ay been iyo wax aan jirin, ciiro iyo ceeryaan loo dhex qaado, si loogu maaweeliyo ummadda, waa taa runtii shaaca qaaday saaka, ee uu beenaala-yaashii tuugta ahayd, illaah kashifay, ewaxay ay Xusbiga Waddani iyo garxajis ku tilmaamaan Somaliya bay rabaan-ba yaa shandadda ku qaaday maanta ee dhigay xaraashka? Ma wax shaki idinkaga jiraa baa? In kan dhaban-dhaabsan ee wax aanu garanaynj, ab iyo isrna u lahayn dhanka alga maro, uu isagu laf-tiisu ( " Raggii ma adigaa ka hadhaye" uu hoosta kala socday Koonfur, meel kale-na uu farta idiinku fiiqaayey, aanay waxba ka jirin, shuqula aan ku lahayn. Waxan kus oo xidhay maqaalkan, Cid xoolo doon ah iyo magaca, oo been iyo is mood-siis ku meteli kartaa ummadan ma jirto, mana dhici karto, ee waa in auu shicibku kacaan, meel ay joogaan-ba gude iyo debed, oo tuugtan idin iibinays, aad far waaweyn wax ugu qortaan. Waxan ku joojiyey, kuwii qabyaaladda beelaysan ugu sacab tumaayaw, Yaa Saaka qaran dumis ah?  Xaaramiggii aad daba ordayseen halkuu idin dhigay? Weli ma khiyaali iyo angaa haysana baad isku maaweeli-naysaan? Mise cadceedda baad sacab ku qarin kartaan?

 

* N.B Muruqa Laba Suul Nin-ba Si Ku Ah!

Qore:- Abdi-Shotaly?

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...