War Deg Deg Ah:-Madaxweynaha Jabuuti Oo Isa Soo Horfadhiisiyey Labada Wefti Ee Somaliland Iyo Soomaaliya
Jabuuti(HWN):-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si toos ah isku soo horfadhiisiyey weftiyada ka socda somaliland iyo soomaaliya.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo dhaweeyey weftiyada ka socda labada dal waxa u ka hadlay wada hadalka la filayo inuu dhexmaro madaxda labada dal.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa fariin uu dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu kaga hadlay wadda hadalka labada dal waxa uu ku yidhi "Dib u bilaabashada wada hadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ah tusaale fiican oo ka tarjumaya sii wadida go'aanka hogaamiyaasha gobolka si loo xaliyo khilaafaadka iyada oo loo marayo wadahadal.