Wada Hadalka Somalia Iyo Somaliland Iyo Cidda Dabada Ka Riixaysa Siyaasiyiin ujeeddo badan ah

0
Sunday June 14, 2020 - 11:24:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wada Hadalka Somalia Iyo Somaliland Iyo Cidda Dabada Ka Riixaysa Siyaasiyiin ujeeddo badan ah

    W/Q: Rashiid Odowaa M.A diplomacy and IR

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Rashiid Odowaa M.A diplomacy and IR

Kulanka Djibouti ee Madaxda Somalia iyo Somaliland ,waxay ku xidhnaan doontaa Guushiisa iyo guul darrada laga gaadhaa hadba qaabka loo agaasimo wada hadalka,waxa baryahan danbe wada hadalka Somalia iyo Somaliland waday Siyaasiyiin kala duwan oo iyagu shaqadooda iyo magacooda uun raba inay sare u qaadaan waxa ka mid ah Donald Yamamoto,james Swan.Abby ahmed iyo Ismaciil Cumar geelle kuwaas oo dhamantood raba inay ku faanan ama ku naalloodaan ujeedooyinkooda gaarka ah lakin aan rabin qaddiyadda Masiiriga ah ee Somaliland oo raba inay majare habaabiyaan.

 

Donald Yamamoto oo doonaya inuu maalin dhow yidhaahdo ama ku doodo  Maraykan haddanu nahay waxanu ku guulaysana y  inanu meel fiican soo gaadhsiinnay wada hadalkii Somalia iyo Somaliland sidii uu dhowaan ballan qaaday inay ka go’antahay inay isu soo jiidaan Somalia iyo Somaliland ka akhri halkan http://www.somalilandsun.com/the-us-supports-cohesion-between-somaliland-and-somaliaamb-yamamoto/

 

Si la mid ah sidii uu ergayga qaramada midoobay u qaabilsan Somalia James Swan uu Golaha amaanka kaga qudbadeeyay isago si xad dhaaf ah u buun buuniyay Xukumadda Federalka Somalia iskana dhigaya inuu guulahaas isagu uu ka soo tabcay oo ka shaqeeyay  isla markaana sheegay war been abuur ah oo yidhi wada hadalkii Somaliland iyo Somalia meel fiican ayay marayaan waxanu guul ka dhiganayaa kulankii Addis ku dhex maray madaxweyne Biixi iyo Farmaajo linkigan hoose ka daawo https://www.youtube.com/watch?v=SwG8FnTlFYg.

Sidoo kale  Dr Abby Ahmed Ali Raiisalwasaraha Ethiopia ayaa isagu na baadi goob ugu jira oo raadinaya inuu helo Billadii labaad iyo inuu kaga dhabeeyo Siyaasaddiisii indho beelka ahayd ee uu rabay inuu Geeska Afrika ku midaynayo iyadoo la ogyahay dhibta ka taagan Ethiopia gudeheeda.

 

Dhinaca kale Waa Farmaajo oo faro madhan ka taagan inuu Afgoye iyo Balcad nabad ku tagi karo oo doonaya inuu yidhaa Midnimadii Somalia ayaan gacanta ku hayaa ee mar kale ha la I doorto.waxana xusid mudan in faro gelin iyo gardarro ay goor iyo ayaan ay waddo xukuumadda Federal ka Somalia waxana ugu danbeeyay Wax ay ugu yeedheen Xafiisyo oo ay doonayan inay ka furtaan magaaloyin ka mid ah Somaliland iyo waraysigii Sunta ahaa ee uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia  Axmed Cawad ciise uu siiyay idaacadda Alcarabiya ee uu ku sheegayay inay Dowladda Imaratka carabta iyo DP world ay wadaan faro gelin ay doonayan inay ku kala jaraan Somalia isagoo uga dan lahaa mashruuca Berbera port iyo waddada Berbera Corridor.

Dhinacan kale Ismaaciil Cumar geelle ayaa soo fadhiya oo isagu isu arka inuu yahay Odayga Somali oo dhan arrimah eeda haya mowqifka uu ka taaganyahay Arrinta Somalia iyo Somaliland waynu ognahay oo ku dheraan mayno.isaguna waxa uu rabaa in jagadaas aan cidna kula tartamin uu sii haysto.

 

Waxa la wada ogyahay in xukuumadda Federalka Somalia ay sawir khaldan mar kasta bixiso,heshiiskii hore ee Istanbuul 1&2  ee dhigayay in hadallada hawada la isu marinayo la kala joojiyo iyo inaan siyaasad laga raadin dhinaca Horumarka iyo maalgash iga dhamaan heshiiskaas waxay ka dhigeen waxba kama jiraan.

 

Waxan soo jeedinayaa anigoo ku kalsoon inaan madaxweyne Biixi lagu dayi Karin wax ka sokeeya Qaranimada Somaliland haddana shirarka waa la isku khaldaa waxa loo yeelaa Protocol ahaan  sawir aan ahayn ka dhabta ah ee meesha ka jira waxana la sheegaa been abuur ka duwan waxa runta ah ee lagu wada hadlay,waa muhiim qaabka shirka loo agaasimay iyo cidda waddaba in la ogaado.oo aanu noqon dabin la isku shirqoolayo hadhowna wax aynaan filaynin meelahas laga yidhaahdo.

Maanta dhamaan Diplomasiyiinta aan kor ku magacownay iyo kuwo kaloo badan oo qarsoon waxay u egyihiin qaar ku fashilm ay toodii ay hayeen sidaas darteed maanta cid Somaliland liicin kartaa ma jirto iyadaa cid kasta ka adag in loo habrado maaha arrintana waxan ku soo Ururin lahaa Xukuumadda Somaliland ha ku adkaysato fagaare Caalami ah iyo qodobka masiiriga ah oo keliya in laga wada hadlo.

ALLAA MAHAD LEH

 

W/Q: Rashiid Odowaa M.A diplomacy and IR

[email protected]

063-4101213


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...