Anna Yeeli Maayee, Adna Yeelkadaa Dheh !!

0
Sunday June 14, 2020 - 11:10:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1061
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Anna Yeeli Maayee, Adna Yeelkadaa Dheh !!

    Waxaa Qoray : Jaalle Cabdicasiis Maxamed Meegaar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Qoray : Jaalle Cabdicasiis Maxamed Meegaar

  Miiska wada hadalka iyo masraxa dood wadaaga ayaa midba dacal kasoo fadhiistay, jawigu ma saalloona ifafaalaha muuqdaana waa mid weji gabax leh, qoloba dhinaceeda ayay isku ururinaysaa, sheeko iyo xanshaashaq hoosa mooyee qolona qoloda kale ma maqashiinayso, dhagta ayaa laysku wada saarayaa, tolloow miyaa lays dhaarsanayaa mise waa lays xammanayaa bal adba!



    Waa uun daqiiqado ka hor intaysan gaadhin wakhtigii loo ballansannaa wada hadalka iyo dood wadagaa, balse waxaad moodaaba in maxsuulku iyo natiijada kullanka lasii hayo, waa ajaanib Soomali wada hadal siinaya iyo wallaalo loo kala turjumayo:


          Maxaa taar mid soo diray

          Ka kaleto tuuroo

          Laba tullud wadaagaa

          Turjumaan u baahdeen!


      Dirif kastaa hal doorkoogii ay aqoon iyo waayo aragnimo ku tuhmayaan isla markaana xil iyo mansab sare u hayay ayay soo dirsadeen, haa saansaanta muuqata waxa is hor fadhiya laba dawladood/ laba madaxweyne iyo xullafadoodii, tolloow maxay ku arrimin doonaan intaynaan is weydiin aynu is weydiino maxay la shir yimaadeen?


   Mid kasta qummanihiisa ayaa qoorta u sudhan, waxaa ku dhex abaaday fikir aad moodo inuu waxyi yahay, waa aragti raqiisa iyo mab da' aan cilmiyaysnayn, mid kastaa wuxuu ku doodayo kuma qancin karo mid ka kale, waxaadba moodaa inaysan dhagahoodu isku dalloolin,  xullufada dhanka Somalia ka socda waa lasoo dardaaray oo waxay aaminsan yihiin inay Soomali weyn weli jirto oo dalka aan la kala goynin si ayna dambiilayaal qaran u noqonin ,  dhanka kale xullafada Somaliland waxay aaminsan ooy kitaabkooda ku haystaan in dalka loo soo halgamay oo la xasuuqay oo ayna midaw marna meesha oolin si ayna gobanimada u luminin waa in ay aqoonsi hellaan !


   Waa kaaf iyo kala dheeri, oo sheekada meesha ka socotaa waxa weeyi I jiid aan ku jiidee, waa golle iyo madal ayna marna suurto gal ka ahayn isku tanaasul iyo is tixgalin, waa fagaare lagu sii kala fogaanayo iyo fadwooyin aan gadmi karin.


  Ummad iyo bulsho ku dhow 16 Milyan ayaa masiirkooda laga arriminayaa, waa bulsho bahallaha u halisa iyo ummad xaalad kakan ku jirta, dirif waxa ku dhuftay duufaanta dagaalka iyo mawjadaha qaraxa, dacalka kalana waxa la tagay daadadka qabyaallada iyo daaduunka sixirbararka, isku geeyoo waa bulsho aynigeed qarniyo ka hadhay, asaageedna u baryootanta iyadoo marar badan hubka layskugu dhiibo!


     Hadaba aragtida fariidka ah iyo fikirka tolmoon ee aadamuhu ku horrumarro ee isku tanaasulka iyo is qadarinta ku dhisani halkay inaga mareen? Ma waynaan heshiin karin? Mise waynaan wallaallo jaar ah oo is jecel noqon karin? Ma waxaad ileedihiin Soomalidu inay sidan iskaga laallado ayaa loo qoray ilaa inta ay saacada qiyaame ay ka dhacayso ?


Waxaa Qoray :   Jaalle Cabdicasiis Maxamed Meegaar

         Email: [email protected]

        No: 252634859724

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...