Madaxweynaha Djibouti Oo Ka Hadlay Kulanka Berrito Ee Hogamiyaha Somaliland Iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

0
Sunday June 14, 2020 - 00:40:00 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2708
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Djibouti Oo Ka Hadlay Kulanka Berrito Ee Hogamiyaha Somaliland Iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

    Madaxweynaha Djibouti Oo Ka Hadlay Kulanka Berrito Ee Madaxweynayaasha Somaliland Iyo Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Djibouti Oo Ka Hadlay Kulanka Berrito Ee Madaxweynayaasha Somaliland Iyo Soomaaliya

Hargeisa(HWN):-Berrito dalka Djibouti waxa uu Marti-gelin doonnaa kulan dhex-marraaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulankan oo noqon doonna kulankii labaad ee ay isku arki doonaan labada madaxweyne, ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaalada dhexdhexaadinta ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.



Waxaa kulankan ka qeyb-gali doonna oo lagu casuumay Ra'iisal wasaaraha Ethiopia Mr. Abiy Ahmed oo hore dalkiisa iskugu keenay labada madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka ku yidhi "Berrito dalka Djibouti, waxaan shir guddoomin doonaa kulan dhex-maraaya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si aan ula socono dadaalada dhexdhexaadinta ee labada hoggaamiye. Waxaan sidoo kale ku casuumay Raiisul wasaare Abiy Ahmed inuu ka soo qeyb galo wada hadalada."

Wararka ayaa sheegaya inay jiri doonaan Wakiillo ka socda Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, Mareykanka iyo Itoobiya oo ku soo biiri doona kulanka. Haddii shirku qabsoomo waxay noqon doontaa dhacdo taariikhi ah.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...