Faallo:-Maxaa Laga Filan Karraa Kulanka Djibouti Ee Labadda Madaxweyne Ee Farmaajo Iyo Biixi?

0
Saturday June 13, 2020 - 20:25:54 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Maxaa Laga Filan Karraa Kulanka Djibouti Ee Labadda Madaxweyne Ee Farmaajo Iyo Biixi?

    Faallo:-Maxaa Laga Filan Karraa Kulanka Djibouti Ee Labadda Madaxweyne Ee Farmaajo Iyo Biixi?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo:-Maxaa Laga Filan Karraa Kulanka Djibouti Ee Labadda Madaxweyne Ee Farmaajo Iyo Biixi?

Hargeisa(HWN):-Toddobaadkan foodda innagu soo haya ayaa la filayaa inay kulmaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. kulankan labadda Madaxweyne oo aan hore loo sii shaacin ayaa si keddis ah jiritaankiisa loogu war helay sida ay xaqiijinnayaan Masuuliyiin ka kala tirsan Hargeisa iyo Muqdishon oo kulankaas daboolka ka qaadday.



Ma jiro war rasmi ah oo ay Hargeysa iyo Muqdisho ka soo saareen warkan kulanka labada madaxweyne, laakiin warku wuxuu sheegay in wada hadalkan oo uu soo qaban qaabiyay safiirka Maraykanka ee Muqdisho danjire Donald Yamamoto uu ka furmi doono dalka Djibouti oo ay labada madaxweyne isku horfadhiisan doonaan, waxaana kulanka martigeliyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele. Danjire Donald Yamamoto ayaa isna goob-joog noqon doonna. Sidoo kalenna waxa kulankan labadda Madaxweyne ay isku horfadhiisan doonnaan ka qayb noqon doonna Raysal-wasaarraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed iyo Dublamaasiyiin ka kala socota dalalka Ingiriiska, Faransiiska iyo Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo toddobaadkii hore waraysi siiyay Idaacadda VOA laanteedda afka soomaaliga, waxa uu sheegay inaanay wax wada-hadal ah la galayn Maamulka Muqdisho ilaa ay ka aqballaan Madax-bannaanida jamhuuriyadda Somalilan. Madaxweyne Biixi ayaa ku dooday inay Somaliland xaq u leedahay in ay heshiisyo gasho si ka madax-bannaan dowladda Soomaaliya, wada-hadal ay Muqdisho la sii wadaanna ay ku xidhantay iney arrintaasi aqbalaan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku eedeeyey dawladda Muqdisho inay aqoonsigii iyo dhaqaalihii caalamku siiyey ay u adeegsatay inay Somaliland kula dagaalanto xaga dhaqaalaha iyo inay isku daydo inay qas ka rido Somaliland gudaheeda. Madaxweynuhu mar wax laga weydiiyey dhinaca wada-hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay inay aqbasho xaqiiqda ah inay labada dhinac ahaayeen laba dal oo isku biiray. Waxaanu ku dooday in loo baahan yahay in la helo cid labada dhinac dhex u ah oo u garnaqda.

"Waxaan u sheegayaa Shacabka Somaliland wakhti kasta ha qaadato oo qiime kasta haku kacdee Somaliland inay mar uun gaadhi doonto Aqoonsi caalamiya. Wada-hadal diyaar baannu u nahay, Walaalnimo diyaar baannu u nahay dad waannu isugu xignaa, imikanna Somaliland waxay diyaar u tahay in wixii dhaba lagu wada-hadlo oo cid weliba xaqiiqadda ku soo dhawaato." Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlaayay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Hadalkaas waxa uu caddeeyay Madaxweynaha Somaliland inaanay ka daallayn raaddinta iyo xaqiijinta Aqoonsi caalamiya oo Somaliland ka hesho beesha caalamka, isagoo dhanka kalenna tilmaamay isku tashiga iyo horumarinta dalkaaggu inay tahay aqoonsiga ugu wayn, waxaannu sheegay in taasi furo u noqonayso in cidkastaaba ay dalkaagga u baahannayso markaad hagaajisato.

Sidoo kale, arrinta ugu muhiimsani waxay tahay Ajandaha shirkan oo aan si cad loo shaacin ama aannay waxba kala soconin Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, taasoo shaki badan abuurraysa in Ajandaha shirkan lagaga hadli doono uu yahay mid uu soo diyaariyay Safiirka Maraykanka ee Muqdisho danjire Donald Yamamoto, waxaannay wararka aannnu helaynaa ay sheegayaan in Somaliland martiqaad kaliya lagu war-geliyay, iyaddoo ay ahayd in si rasmiya loogu soo gudbiyo Ajandaha iyo Qoddobadda kulankaas lagaga wada hadli doono.

Haddaba, markay siddaas tahay aragtida uu qabo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waa maxay waxyaabaha laga filan karo inay labadda Madaxweyne ka wada hadlaan? Suurto-galse ma tahay inay tanaasul la yimaaddaan maamulka Muqdisho ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo? Ma-se dhici kartaa in dhinaca Somaliland ay tanaasul muujiyaan, maaddaama sida ay dhawr jeer sheegeen ay Xukuumadda Muqdisho caddaadis dublaamiyaddeed iyo mid dhaqaaleba inay ku hayso ay ku eeddeeyeen? jawaabaha su'aalahan waxaynu u daynaynaa qabsoomidda shirkaas oo toddobaadka danbe la rajaynaayo innuu ka qabsoomo magaaladda Djibouti ee dalka Djibouti.

Si kastaba ha ahaatee, labadda Madaxweyne ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hore ugu kulmay magaaladda Addis Ababa ee dalka Ethiopia bishii Feebberwerri ee sanadkan aynu ku jirno. kulankaas oo ahaa mid hareer socday kulankii guud ee Ururka midowga Afrika, waxaana is aragga mas'uuliyiintan xilligaasi ka shaqeeyay Raysul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland


Loading...
Loading...