Madaxweyne Biixi oo Kulan La Yeeshay Guddoomiyeyaasha Xisbiyadda Mucaaridka
Madaxweyne Biixi ayaa guddoomiyeyaasha laba xisbi mucaarid isugu yeedhay si uu ugala tashado
Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu maanta shir degdeg ah isugu yeedhay guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI.
Madaxweyne Biixi ayaa guddoomiyeyaasha laba xisbi mucaarid isugu yeedhay si uu ugala tashado wada-halada Somaliland iyo Soomaaliya ee la filayo inay todobaadkan ka dhacaan Jabuuti.

Sida uu Warbaahinta u sheegay Cabdirisaaq Khaliif, oo ah guddoomiye ku-xigeenka xisbiga Waddani.
Wada hadalkan ay Madaxweyne Biixi iyo Farmaajo ku yeelanayaan Jabuuti waxaa soo qaban qaabiyay safiirka Maraykanka ee Muqdisho Danjire Donald Yamamoto oo ay labada madaxweyne isku horfadhiisan doonaan, waxaana kulanka martigeliyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele. Danjire Donald Yamamoto.
Labada madaxweyne ayaa kala hoggamin doona laba wefti oo culus oo ka kala ambabixi doona Hargeysa iyo Muqdisho. Waxa iyaguna kulanka ka qayb geli doona oo lagu martiqaaday Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed, diblomaasiyiin ka kala socota Ingiriiska, Faransiiska iyo Jaamacadda Carabta.
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland
Hargeisa,Somaliland
Loading...
Loading...