Xisbiyada Mucaaridka Itoobiya Oo Shaaciyey Mawqifkood Mudo Kordhinta Loo Sameeyey Raysal Wasaare Abiy Ahmed

0
Saturday June 13, 2020 - 17:24:13 in News by
  • Visits: 1473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyada Mucaaridka Itoobiya Oo Shaaciyey Mawqifkood Mudo Kordhinta Loo Sameeyey Raysal Wasaare Abiy Ahmed

    Xisbiyada Mucaaridka Itoobiya Oo Shaaciyey Mawqifkood Mudo Kordhinta Loo Sameeyey Raysal Wasaare Abiy Ahmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiyada Mucaaridka Itoobiya Oo Shaaciyey Mawqifkood Mudo Kordhinta Loo Sameeyey Raysal Wasaare Abiy Ahmed

Addis Ababa(HWN):-Xisbiyada mucaaradka dalka Ethiopia ayaa ka soo horjeestay go’aankii Golaha aqalka sare ee 10-kii Juun ugu kordhiyeen muddada xil haynta Xisbiga Talada hay, sababo la xidhiidha walaaca Covid19.




Qoraal ay sii daayeen OLF, OFC iyo ONLF waxay si wada jir ah u cambaareeyeen go'aan doorashada dib loogu dhigay waxayna ka digayaan in Itoobiya ay galayso marxalad keeni doonta qalalaase siyaasadeed oo qatar ah.


"Waxaan jeclaan lahayn inaan sheegno welwelkeenna ah in kacdoonno ballaaran oo rabshado isu beddeli kara ay kicin karaan, waxaa sidoo kale adkaan doonta in la xakameeyo,”ayaa lagu yidhi qoraalka wadajirka ah.


Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) waxay muujisay sida ay uga walaacsan tahay go'aanka Golaha Shacbiga ee ah in dib loo dhigo doorashada 2020 iyo kordhinta waajibaadka dowladda iyo hay’adaheeda oo ka baxsan waxa dastuurka uu ogolyahay.


"Annaga oo ka walaacsan nabadgelyada dadweynaha, Si kastaba ha noqotee, waxaan aaminsanahay in muddo-kordhin kasta oo loo sameeyo xukuumadaha xilligan jira inay ahayd in lagu maro hanaan loo wada dhan yahay iyo wadatashi taasoo dhalisa is afgarad siyaasadeed halkii laga gaari lahaa go'aan mideysan oo hal xisbi ay ku xukuntay baarlamaanka laba geesood ah,” ayaa lagu yidhi qoraalka ONLF.


ONLF ayaa ugu yeertay dowladda inay wada hadal deg deg ah oo dhameystiran la yeelato dhammaan kooxaha mucaaradka.


Loading...
Loading...