Goormaynu Gumownay Oo Gurmadkii Qaranka Kala Qaad Qaadnay ?

0
Saturday June 13, 2020 - 16:08:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goormaynu Gumownay Oo Gurmadkii Qaranka Kala Qaad Qaadnay ?

    Qore Abdi Aziz Adam cunaaye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore Abdi Aziz Adam cunaaye

Kala qoqobka iyo qabyaaladu ma aha midnimada Cududa ciidan leeyahay

 

Taliyaha Guud ee Ciidan waynaha DDQ iyo Aggasimaha Fulinta ee CDDQ labada masuulba waa kuwa Ciidanka manta halkaa ay joogan soo gaadhsiiyey, khilaafka iyo qabyaalada baraha bulshada la wareejinayo ee la doonayo in xeryaha ciidanka gudaha loo galiyo war kadaayabanu leenahay,

 

Shiniduba itaal maleh

Markay wada shaqaysana

waataa malabka samaysee

Shixnadaha waa wayn

Haamaha ku shubatee

Aadmigu shaxaadaan,

 

Farxada iyo rayn raynta ay ku jiraan maanta CDDQ oo gaadhay Badiba gobolada dalka waxa hormuud u ah Agg fulinta CDDQ iyo Taliyahooda Guud, waana bidix iyo midig aan kala maarmin,

 

Ciidanku waxay so mareen nolol aad u adag oo ay adagtahay in uu qof ku hawl galo,

 

30 kii inan ee lagu bilaabay aasaska ciidnku waxay ahaayen kuwo ku hawl galaayey Dharkooda caadiga ah iyo kabaha ay ku xaragoonayan, may haysan Qalabka ka hortaga dabka iyo Oxygeen qiiqa loo adeegsado midna

Waxay sidaa ku kula tacaali jireen nooc kasta oo dab leeyahay "#kaalmo_shiidaalna ku jiraan”

 

Waaxanay jeebkooda ka cunayeen cunta wakhtiyada ay heeganka ku jiraan,

 

Halka mid ee ay walaalo ku yihiin guud ahaan dhalinta CDDQ waa badbaadada nafeed iyo ka hortaga masiibada uu dab leeyahay, waxay 24 saacadoodba heegan buuxa ugu jiraan wa inaga Hantideena iyo nafaheena

Waxa kale o intaa usii dheer shaqo ka baxsan midan masiibada dabkana ah ,

Wakhti roobadka oo ay si buuxda gacan uga geystaan Dhamaan Biyo mareenada iyo Dooxdyada iyago ka bad baadinaya Hanti Gawaadhiyeed iyo mid nafeed labadaba

 

Sarkaalka CDDQ wuxu Subaxdii/fiidki uu shaqada la wareega isagoo Nolol iyo geeri labadaba ay maankiisa ka dhex guuxayaan waayo shaqada u gudanayo ayaa ah mid cid walba ogtahay Riskiga iyo halisaha ku gedaaman

"2016—2017 oo an ka hawl galaayey CDDQ” waaxdiisa isgaadhsiinta iyo IT ga waxan qiraya in ay yihiin dhamantood Naftood hureyaal iska jecel bulshada inteeda kale, waxa kaliya ee mideeyeyna ay tahay Wajibaadka qaran ee badbaadada iyo ka hortaga masiibada dabka,

 

Waxan arkayey kuwa leh nin jeclaysiba laysku dalacsiiya ciidanka dhexdiisa

 

"Taliye ku xigeenka ciidanka dabdamiska qaranku Waa #Cavdixamiid_Faarax_Iidle ka hor intaan lio dalacsiin booska taliye ku xigeenka ciidanka wuxuu ahaa Darawal ka hawl gala waaxda gaadiidka waxanu wade ka ahaa Gawaadhida Gurmadka Dabka ee ciidanka, wuxu derejada sare ku gaadhayna waa karti iyo dedaal dheeriya oo u sameeyey wa dareemi kartaa Wade gaadhi o taliye ku xigeen isku bedelay” !

 

" Taliye sawaaxili ma yahay waxa lagu sheegayo xaasha wlhi waxaan marag u ahayd Tiro aanan imika xasuusnay oo ahaa saraakiil ka hawl galaysay CDDQ oo shaqadana laga joojiyey talitahana ay isku Raas ahaayen in geed dheer iyo mid gaabanba ay u fuulen odayaal beeshisa ahi sidii inamada shaqadooda loogu celin laha bal se uu noqday Taliyuhu mid meel adag ka istaagay in dib looso celiyo Saraakiisha Ay isku haybta ahaayeen”

 

Waka sawaxili ee barasho wanagsan ninkii qabiil ku shaambadaynayow ilaahayban la hortagayaa intaan ka bartay in aanu taliyuhu nin qabiil ahayn

 

Waxan ku amaanaynaa cid kasta o ku gudo jirta soo afjarida khilaafka yar ee so kala dhex galay Agg fulinta ciidanka iyo Taliya guud ee CDDQ runtii wa Masuuliyiin ka shaqaynaya midnimada iyo Wadajirka CDDQ

 

Allaa mahad leh

 

FG Sawirka Hoose wa bishii May 2016 Wakhigii an ka hawl galaayey CDDQ

 

Qore Abdi Aziz Adam cunaaye


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...