Dawladnimadii Jabuuti Oo Isku Rogtay Shirkad Ganacsi Iyo Qoyska Madaxweynaha Oo Kooto Ku Haysta Shirkadaha Ganacsiga
Dawladnimadii Jabuuti Oo Isku Rogtay Shirkad Ganacsi
1)Ismaaciil Cumar Geele-Wuxuu Madaxwaynaha dalka ahaa ilaa 1999 kii.
2)Khadra Xayd Xaaska Madaxwaynahu waxay gaar u leedahay Shirkado Ganacsi,waxaanay Saamayn Togan ku leedahay Talada dalka.
3)Sacad Cumar Geele waa M/Walaalkii waxa uu la wareegay isha, Koowaad Ee dakhliga Dalku kasoo baxo waana Maamulaha Guud ee Dekeda.
4)Caynaanshe Ismaaciil Cumar Geele Madaxwaynaha inankiisa waxa uu Kooto u haystaa Soo dajinta Caanaha.
5)Liibaan Ismaaciil Cumar Geele M/Curadkiisa waxa uu isna haystaa Wershada Baastada.
6)Naguud Kaamil Marwo Khadra Xayd inankeeda oo ay nin Hore u dhashay waa Xoghayaha Raysal wasaaraha.
7)Jaamac Cilmi Okiye waa Haybado Ismaaciil Cumar Geele Ninkeeda,waana Wasiirka Caafimaadka jabuuti.
7)Faadumo Cawo Ismaaciil Cumar Geele Nikeeda Tomi oo u dhashay Dalka Aybarikoos waxa uu leeyahay Shirkad Duulimaadyada ah.
8)Jaamac Cali Geele,waa M/inaadeerkii Hay,ada Labaad ee Dakhli oo ah Walaalada Korantada Ayuu Sodonsano haystay.
9)C/Qadir Kaamil Raysalwasaaraha Jabuuti waa Raysal wasaaraha,waxaana,uu Qabaa Madaxwayaha inaadeertii.
10)Xasan Cali Bahdoon Xilsare ayuu ka hayaa dawlada,xaasliisu waa inanta ay dhashay khadra Xayd nin hore ayay u dhashay.
11)Almis Maxamuud Xayd waa Madaxwaynaha Seedigii,Hay,ada Sadexaad ee Dakhli ee Dalka waa Maamulaha Hay,ada Duulimaadada shacabka.
12)Geele Cumar Geele waa Maamulaha Xidhiidhka Arimaha dibada iyo xidhiidhka Caalamiga ah.
13)Xasan Siciid Madoobe Waa Taliya Sirdoonka waana qaraabada Madaxwaynaha.
14)Janaraal Sekeriye Ibraahin Taliyaha Ciidamada waana qaraabada Madaxwaynaha.
14)Maxamed Jaamac Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada,waana qaraabada madaxwaynaha.
Kuwaas iyo kuwo kale oo Tiro badan ayaa isku xeeray ilaha dakhli iyo xilalka dawlada,halka inta badan dadka reer jabuuti ay dayacanyihiin lana derisyihiin diruufo dhaqaale oo ay u dheertahay xadhig,cabudhin iyo kala sarayn.