Hadaba Tooga Baxa Waa Janadda Talalax-deediiye ( Abdi-Shotaly).

0
Saturday June 13, 2020 - 10:30:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Hadaba Tooga Baxa Waa Janadda Talalax-deediiye ( Abdi-Shotaly).

    QORE:-Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QORE:-Abdi-Shotaly.

Adaa door-taye dab ha kugu shido. Xadiis baa odhanaaya 'Wax aad khayr moodayso, oo shar ah baa jira" Waxan uga jeedaa, kuwii mujaahidka tuugan ku sheegaayey, ha joojiyeen waa nala laayey-dda. Dhawrkan qodob ee hoos ku qorana bal ila eega, wixii qabiilka iyo xaaraanta isu garabsa-naayey, weliba faanka ka dhiga-naayey tuugani-madda hantidda ummadda, ee qaydhinka lagu qayb-saday, oo intay isku bas-beeleen, Hoogay qaylo ka yeedhay, oo uu maydku iyo dhaawacu ka adeegay. Hadda baa warankii ay cid kale ku wadeen, uu iyakii ku janjeedh-saday, oo ay isku shuf beeleen. halkan hoose ka akhri sidda xaal yahay.

 

(a) Tii jeegaan la odhan jirey, ee ku heshiisay munaafaqadda in hagbad la isu dhiidhiibo, oo kolba beel la yidhaaho adigu ka xoogso, baa hadeer ay isku jiq yihiin, la iskuna mari la' yahay, si wacana ay fiintu u dhex miranaysaa. Naxariis-se uma hayo, ee aan eegno halkay iskala soo dhacaan, waa tan xaajo ka qudh-taye. Jecliyaa isku jab-koodda, ee ku raaxaysta baroor-toodda, xaqii baa dildi-laacaye.

 

(b) Buurta kala jeexan bay ka shidan tahay, ee maxaa keenay qayladda, sawkii aad. boqra-teen waxan aam dadka ahayn ee ka lagu guuro aam qabin. baguu jac idiinku dhigay? Yaa sheegaaya waxa uu idiin boobaayo? Maxaa dhacay ee is bedelay saw idinkii watay? Ma been bay ahayd waxaad ku sacab tumay-seen?

 

(c) Meeday Burco Bari? Saw tan hagabaddii laga qadiyey, ee "Kud-madaw iyo Maxamuud Beenaale" dharaqanku ka dhamaaday, indhaha loo candhuu-feeyey, ee lagu yidhi " Yaad wax u dhiiba-teen" Allay-lehe haday maraysaa halkii aan la rabay.Waxa la yidhi "Waa lagu digtaa ruux haduu kuu daraan jiraye" Ha is raacdo diidaye, ha is raabsatee daa" Si wacan buu askarigu idiinku cadaalad sooraye.

 

(d) Wax ay ku meeraysato been iyo Garxajis baa Somaliya inoo wadaba. imika yaa geeyey xamar? Sawtan uu Askariggii waalaa uu saxeexay Midnimo iyo in Hargeysa laga dhigo Caasimad.

(e) Saw tan gudaha Somaliland xusbiyo laga diiwaan geliyey, saw maaha taladdii jeegaanta. Waxan leeyahay " Dooni yahay waa kugu jirnaa nala jaba. Bal ciddii wax ku qabtay-ba ha ku seegtee.

 

Waxan ku soo dabray maqaalkan, Kuwii xaaraan isku raacay, ee askariga ugu sacab tumaayey, qabyaaladda, lagu dhuuqaayey magac qaran, waxan leeyahay wax-ba inooma kala qarsoona ee " Tunka ka leefa dhiiga iyo ilmadda idinka tiixaysa, hadaba tooga baxa waa jabadda talalax-deediiye"  Wixii aad tabca-teen waa idinkaa gurtey midha-heediiye, waa in aad ku faraxdaan, oo jooji-saan dhul baa lanaka qaaday. Waxa intaa ii raaca ka la yidhaaho " Carfaaye" ee candhadda buuran leh ( waa ka Solteko u taqaane. Oo intuu ciidan ku fasaxay maataddii subax hore yidhi laaya, rasaastu is jiidhay, weliba waxaas nacaska ahi, ku lahaa sharci baa ka soo baxay in maatadďa laga xoogo dhul-koodda, allay-lehe waa intaas oo futo weyni ah. Waa dabaal xoolo ah iyo aqoontii ee ma la yaab buu leeyahay? Hiraa loo yidhi "Neef waa neef" wax un mooyee halkaa ka baydh ma yaqaan. Waxa ka sii daran wax sidda cadceedaas ah buu is leeyahay sacabka ku qari. Iyadda oo aduunku wadda og-yahay in qoyska jaahilkan " Raggii ma adigaa ka hadhay"  Uu dhul balaadhsi wado, taas oo micna-heedu yahay, kursiga baanu wax ku boobaynaa. "fucking Fool" ah weeye aan wax uu yahay jirin. Meesha qof-ba kuu ka liito baa lagu shaqaalay-siiyaa. Ee saw reer ba'aw yaa ku leh maaha?

 

* N.B Adaa Door-Taye, Dab Ha Kugu Shido.

QORE:-Abdi-Shotaly.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...