Ceebaynta Iyo Wax-Ka-Sheegidda Dadka Dhintay

0
Saturday June 13, 2020 - 10:03:46 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1862
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ceebaynta Iyo Wax-Ka-Sheegidda Dadka Dhintay

    Qofka geeriyooday ee la caayayo isaga ma gaadhayso mana dhibayso, balse waa wax ehelka nool dhibaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofka geeriyooday ee la caayayo isaga ma gaadhayso mana dhibayso, balse waa wax ehelka nool dhibaysa.



Sannadahan dambe waxa aad baraha bulshada uga soo badanaya shakhsiyaad geeriyooday, haddana 24ka saac dad u heelan yihiin in ay ka sheegaan xumaan iyo xagxagasho doqoniimo ah.

 

Kuwii noolaa iyaga oo ay ammaan la' yihiin, haddana waxa lagu daray kuwii dhintay in laga daba-tago.

 

Nabigu SCW waxa uu yidhi, "Waxa idiin iman doona Cikrama oo ah mu'min soo hijrooday; aabbihii ha caayina. Waayo, caayidda maydku kuwa nool ayay dhibtaa, maydkana ma gaadho."

 

Qofka dhintay ee la caayaa waa dhaqan aad u fool xun oo bulshadeena aad ugu soo badanaya beryahan dambe.

 

Qofka geeriyooday ee la caayayo isaga ma gaadhayso mana dhibayso, balse waa wax ehelka nool dhibaysa.

 

Dadka dhintay ee maanta inaga hooseeya yaynaan qabyaalad iyo wax la mid ah toonna wax uga sheegsheegin; wax ay ahaayeenba Rabbigood bay la joogaan, isaga ayay xisaabi isugu labaan tahay, adiga waxa ku dhex galiyaa oo aad u xukuntaaba waa faduul.

 

Nabigu SCW waxa uu yidhi, "Xantu waa walaalkaa oo aad ka sheegto wax aanu raalli ka ahayn." Markaasay saxaabadii weyddiiyeen kawaran waxa aanu ka sheegayno haddii uu yahayba. Waxa uu ugu jawaabay Nabigu SCW, "Xitaa haddii uu yahay waxa aad sheegaysaan waad xamateen, haddii aanu se ahayn waad ku been abuurateen."

 

Samaanta iyo xumaanta qofku waa wax uu Ilaahay la hortaggi doono, maaha xisaab iyo shaqo innaga inoo taal.

 

Soomaaliyay inta aan xishoono oo Ilaahay ka yaabno, dadkii noolaa ayaa inaga ammaan la'aa, marka aan kuwii dhintayna afkeena ula tagno wax walbana ka sheegno, meeyay caqligii ina qaban lahaa? Meeyay caqligii xumaanta iyo dambiga inoo diidi lahaa? Maxay tahay faa'iidada aad ka helayso qof dhintay wax ka sheegiisu?

 

Wuxuu ahaaba sow Ilaahay lama hortaagna, maxay tahay waxa adiga ku daba-dhigay?

 

Qofku haddii uu dhinto dhimay, wixii uu ahaana Rabbigiis ayaa uu la hortaagan yahay, wax aynu ugu mashquulno oo waddan buu dhacay, reer buu laayay, xooluu cunay, duniduu rogay iyo waxyaabaha la midka ahba u dhahnaa, majirto sabab aynu udaba-galnaa qof Allihii abuurtay kaxaystay.

 

Dad baa maanta jira faallo iyo like ku raadinaya eedaynta iyo xagxagashada qof marxuuma oo geeriyooday, waa dad aad u dhaqan liita oo akhlaaqdii ka luntay, waxa se kasii liita qofka ku taageeraya ama falcelinta u samaynaya, waayo xumaanta ayuu kusii dhiirrigalinyaa in uu sii wado.

 

Arrimaha noocaas ahi waa wax lagaga yaqyaqsoodo, bulshooy aan ka feejignaano, dadka dhintayna aan u ducayno.

 

Dadka noocaas ahi in badan oo ka mid ahi marxuumiinta iyo dadka geeriyooday waxa ay ka sheegaan beeno badan, si ay dadka uga qosliyaan ama faallooyin badan uga helaan.

 

Nabigu SCW waxa uu yidhi, "Halaag baa u sugnaaday midka been dadka uga qosliya." Subxanallah

 

Aakhiradiina ilaashada inta aad dad dhintay daba socotaan ama ku mashquulsan tihiin, ha halaagsamina.

 

Haddii aadan awooddayn ka sheekaynta wanaagyadiisii, waqti ha iska galin soo bandhigidda xumihii qofka. Adba barri waa geeriyoon sida aadan u jeclayn in adoo dhintay xume lagaa faafin oo lagaa sheegsheegin, dadka kalena waa kula mide u ammaan gali.

 

Qof walba ha ogaado in godkaa yar la galinayo, naftiisa mooyee aan tu bini aadam kale wax laga weyddiinayn.

 

Ugu dambayn, dadka ceebaha dadka dhintay siiba kuwii madaxda ahaa raadraadiya ee soo faaqfaaqida sawirrada iyo muuqaallada waqtiyadii ay noolaayeen, waxa aan leenahay ka waantooba waxaas oo Ilaahay u toobad keena, bini aadamka iyo dadka geeriyoodayna nabadgeliya, tiina uun ku mashquula.



 

 

Qalinkii: Maxamed Deeq Darajo

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...