Warbixin:- khilaafaadka la hadal hayo.Qaraa {Abdulkadir Farah Dulyar}

0
Saturday June 13, 2020 - 09:56:53 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin:- khilaafaadka la hadal hayo.Qaraa {Abdulkadir Farah Dulyar}

    Dabcan lama dhayalsan karo marka la gaaro waqtigaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dabcan lama dhayalsan karo marka la gaaro waqtigaan


Image may contain: 2 people, suit


Khilaafka maalmahaan la sheegayo in uu ka dhexeeyo Madaxweynaha iyo Reysalwasaaraha, ilaa iyo hada majirto cid si dhab ah u cadeyn karta ama u xaqiijin karta run ahaan shihiisa, marka laga reebo khilaafka ugubka ah ee hogaanka Aqalka Sare iyo Madaxtooyada ka soo dhex muuqanaya, iyo kan gaamuray ee ka dhexeeya dowlada dhexe iyo maanul Goboleedyada qaarkood, oo lagu daray afkaaraha soyaasadeed ee isdiidan, inta kale waxaa la oran karaa waa huu haa iyo waa layiri iyo waa lalahaa iyo RW lebiskaan ma qaadan jirine koleey waxbaa jira,iyo Odayga weyn waxbuu damacsan yahay I.W.M.

 

Dabcan lama dhayalsan karo marka la gaaro waqtigaan oo kale, waayoo waxaan horey ugu soo baranay taariikhda Siyaasadda in 3-da hogaan ee Baarlamaanka, Madaxtooyada,Iyo Xukuumadduba ay ku kala fogaadaan damaca iyo isbadelka siyaasadeed ee uu dalku gelayo.

 

Maanta waa run oo waqtigii waa la joogaa, damaciina waa jiraa, taas ayaana sabab u ah in bulshadeena oo ah war ku nool in ay dhankaas ka fishaan in khilaaf ka dhex jiro, Tankale dadkeena badankiisu waa la jahawareeriyay oo qaarkood waxey u heystaan qoraal kasta oo la soo dhigo Baraha bulshada ama qofkasta oo u soo hor fadhiista si LIVE ah oo wuxuu rabo uga tow tow siiya in ay labaduba run tahay waxa ay sheegayaan, balse waxaaney ogeyn iney jiraan farsamayaqaano badan oo markeey ogaadeen in bulshadeenu ay tahay bulsho muranka iyo munaafaqada jecel iyaguna habeen kasta sheeko waalan u soo alifa, ama LIVE YouTube-ka ugu xiran inteey u soo galaan halkaas lacago kaga dul sameeya daawashadooda,iyagoo dadka ku beer laxowsanaya,SOO URUURA,WARAR XASAASIYA BAA JIRA, 2000 II GAARSIIYA, iyo halkudhigyo kale, kuwaan dhab kama aha waxa ay ku xiiqayaan oo ay Madaxda dowlada ama kuwa mucaaradkaba ka sheegayaan, balse waa hal abuuro lacag raadis ah oo daawadayaashooda u soo bandhiga xanta iyo hadal heynta suuqa taala kuna sii dara suugo.

 

Sidoo kale waxaa jira kooxo mucaaradka dowlada ah oo iyaguna fursadahaan oo kale ka faa’ideysta xaqna u leh baadi goobka dhaliilaha Madaxda talada dalka heysa, kuwaas oo soo saara aragtiyo macquul ah oo la rumeysan karo, iyaguna ay isleeyihiin waxeey doodo xoogan iyo shaki ka dhex abuuri karaan bulshada dhexdeeda, kooxdaan mararka qaar xogta ay soo bandhigaan waa xog runa oo jirta maadaama ay Siyaasadda dalka aad ula socdaan gacmo badan ku dhex leeyihiin xaafiisyada dowlada.

 

Marar badan baa horey suuqa la soo geliyay in labada Oday ishayaan waase lagu hungoobay oo xaalkoodu wuxuu noqday "Canaab Ceel” waayoo waa Sunno in dadku marka ay shaqo wada hayaan is khilaafaan hadana ka heshiiyaan, waana tan aan isleeyahay waa sababta ay 3da sano iyo barka Odayaashu iskula soo joogeen,

 

Balse maanta qudheyda hadii wax leyga weydiiyo xaaladda siyaasadeed ee dalka ma beeneysanayo in khilaaf jiro intuu doono ha le’ekaadee,sababtoo ah waa la gaaray waqtigii khilaafka, xan badana waa jirtaa,lkn weli ma rumeysan karo ilaa uu dibada u soo baxo oo xaalku noqdo "Hilaac biyihiisa waa cadeystaa” ama aan ka arko cadeymo igu filan, tanina dabcan ma foga hadii sida wax loo sheegayo wax u jiraan.

 

Ugu dambeyn, waa inuu qof walba oo naga mid ahi uu maskaxda ku hayaa ama aan qeylino, ama aan Ceytano, ama aan si xun wax u faafino, in waxkastoo aan sameyno aaney jirin cid Aniga iyo Adigaba nagala tashan doonta Madaxda 4ta sano ee soo socota na hogaamin doonta,Ilaaheey baana nooga caalima, hase yeeshee kuwa wax xukmin doona waa kuwii aan isla ogeyn oo lagu daray dhaqaale, inteena kale arinkaan daawadayaal iyo cod tiriyayaal banaan joog ah ayaan ka ahaan doonaa,

 

Sidaa daraadeed Maryooleey waxey ku maahmaah daa " Cimri tegay ceeb laguma sagootiyo” ee haloo turo dalka iyo dadka dhibaateysan, oo madax deena hada joogta khilaaf koodu dib u dhac mooyee horumar nagu soo kordhin maayee, aan wanaag u rajeyno,hana loogu duceeyo hadii ay isla joogayaan iyo hadii ay kala tegayaanba in Ilaaheey kala keeno maalinta fooshoodu ku egtahay oo ah maalinta ugu dambeysa mudo xileed kooda, si qori isku dhiibka Siyaasadeed ee dalku uu u noqdo mid si xasiloon leysugu wareejiyo, sidaasna ay hogaanka dalka noogu qabtaan Madax cusub oo howsha la wareegta ama ay kuwa hada jooga hadii uu nasiibkoodu ku saacido mar labaad noo sii hogaamiyaan.!!!

 

Waa Aragtidayda Gaarka ah {Abdulkadir Farah Dulyar}

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...