War Degdeg ah: Roob Khasaare Sababay Oo Ka Da'ay Baligubadle

0
Friday June 12, 2020 - 20:06:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1770
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Degdeg ah: Roob Khasaare Sababay Oo Ka Da'ay Baligubadle

    "laba qof oo jingadi soo gaadhsisay waxyeelo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"laba qof oo jingadi soo gaadhsisay waxyeelo"

Hargeysa(HWN):-Roob Weyn oo watey Dabaylo xoogan oo Goordhweyd ka Da'ay Magaalada Baligubadle ee Xarunta Gobolka Hawd ayaa Waxyeelo Balaadhan U Gaystay Dhismayaashii kala Duwanaa ee Magaalada.

 

Roobkan ayaa jiingadii ka qaaday ilaa 40 Guri oo ku Yaala magaalada Baligubadle sida Uu shabakada Hadhwanaagnews u Xaqiijieyey Maayirka Degmada Baligubadle Cabdi Iimaan Jaamac oo  Khadka Telefoonka shabakada ugu waramay.

 

Goobaha  Uu Roobku Waxyeeleeyey ayaa waxaa ka mida ah Xafiisyadii laamaha Dowlada ee Gobolka Hawd, oo ay  kujiraan  Xafiiskii Badhasaabka, Kastamkii wasaarada Maaliyada iyo Xaruntii Dowlada Hoose Ee Baligubadle.

Sidoo kale waxaa Waxyeelo soo gaadhay Qaar ka mida Madarasadaha iyo Misaajidada Magaalada Baligubadle

 

khasaaraha roobku sababay ma jiran dhimasho marka laga reebo  laba qof oo jingaadii soo gaadhsisay waxyeelo

 

Hadhwanaagnews

Hargeysa/office


Loading...
Loading...