Somaliland Oo Doorashadda Somaliya Ka Qayb Geleysa ( Abdi-Shotaly).

0
Friday June 12, 2020 - 17:01:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Doorashadda Somaliya Ka Qayb Geleysa ( Abdi-Shotaly).

    Qore:- Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly.

Riyaddii iyo rajaddii ummadda reer somaliland ay ka qabeen madax bananai ay helaan, waxay ku dambaysay haan gun la' iyo biyo col dhaanshay, imika baa intii hadhay-na uu shadaafaha u soo laalaabay, askariga dhukan ee la yidhahao "Raggii ma adigaa ka hadhay" Horaa uu (Ihun) Abwaan qaasim u yidhi " Nimaan aabihii maali jirin looma aamino'e" Imika oo aan maqaalkan qoraayo, ma jirto wax loogu yeedhaa "Somaliland" oo god-keeddii baa biyo ugu galeen, ka bacdina waxay noqotay qori daad wato. aan idiin saafo halka ay sal dhigataye, ku soo dhawaw waa tan runtii oo aan ku soo hor dhigaye, ee miyaad ka murmi kartaan, reer qabyaalad ku naaxaw:-

 

(1) Hore waxa askariga inaadeerkii, uu si badheedh ah u bixiyey Gobolkii Badhan, oo puntland uu ku daray" Nuux Taani " ( Mijo baasto). Weliba uu af cad ku yidhi Soola ha raacdo.

(2) Sanaag iyana waxa ka dilaacay jabhado iska soo hor jeedda oo uu isagu abuuray, iyo dagaalo foodda ay isu geliyeen labadda askari, hadana iyaka oo hoosta ka wadda dagaalka ku af gobaad sadda,wax ay nabad ku sheegeenbaanu doonaynaa, oo hoosta ka qalaanlan, oo ay laf-toodu dab kaga shidayeen daaha dabadiisa.

(3) Gobolka sool oo 90% gacanta ugu jira Puntland, oo ay maamulato laakiin been iyo khiyaali loogu sheekeeyo ummadda, inta afar biidhi-qaate Beesha Dhulbahante loo maqaar saaray, kuwaas oo u mushahaaro doontay, sidda ka loo dhiibay " Wasaaradda Doqon ma waydo" ( Waa taad u taqaano war-baahine). Akhristaw wadaadkii waalaa ( The mad mullah) ee la odhan jirey Ina Cabdale Xasan), baa kolkii lagu rusheeyey Berbera laga hayaa " Caamir waa saleelee anaa haatan caymadiye" Bal wixii hore-ba soo dhaafoo hadda maxaa taagan, ee kuu hadhay ama aad sugaysaan? waa lagu kala dareeray meesha'e.

(4) Awadal iyana Faraha bay ka baxday 95%, hadal isaga baa iska badane, dhawaana waxad maqli doon-taan iyadda oo Xamar xafiis ka furatay.

 

* Waxa la yidhi  " Marka run la waayo, bay beenina wax ay sheegto iyana waydaaye" ilayn ma jirto xaqiiq ay si kale u bedeshaaye. Waxad maalmahan la socoteen, In Gobolka Buuhoodle laga diiwaan geliyey Xusbiga " Nabad Iyo Nolol" Ee u tartamaaya madax-nimadda Somaliya. Saw markaa kama mid nihin degmo xamar ka mid ah, mar haddii doorashaddii somaaliya xusbiya-dooddii loog footay-naayo Gudaha Wixii aynu ula baxnay "Somaliland" Waa nasiib daro iyo cidhib la'aan soo food saartay, oo ay soo gabagabaysay hamiggii ummadu ay qabtay. Tani iyo intii uu askarigu kala wareegsani boobay foodkii, Somaliland dib bay isugu kaadiday, hadeer-na meeshaba way ka baxday gebi ahaan-ba. sabab-tuna waxa weeye. Siddii dalka iyo dadka wax loogu qaban lahaa, ee hore looga sii wadi lahaa, loolama baydhin, ee waxay yimi qaar soo shaqao tegay, caydh iyo ayax baa ku soo dareeray ummaddii, kuwaas oo iyakii isku jeediyey, si ay uga dhex faa'iidaan, ilayn wax-ba kama gelin iyaka'e, Markii xaal-koodu uu sidaa noqday, baa la bilili-qaystay wixii aynu u soo halganay, oo waa taas Xusbiyo laga dhex furtay ka soo jeedda Somaliya, Berina Burco Hargeysa, Berbera Baa Xusbiyo ay ka furanayaan. Waxan ku soo xidhay maqaalkan, Waxa ay ku soo koobantay saddexdda magaalo ee kor ku qoran ( Waa Berbera, Hargeysa Iyo Burco) inta isku maaweelisa waxay ugu yeedhaan Somaliland, meel kale oo ay ka jirtaa bal adba sheeg, wax aan jirin lalama shir yimaado'e.

 

* N.B Marka Run La Waayo, Bay Beenina waxay sheegto Garan Waydaa!

Qore:- Abdi-Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...