Hargeysa(HWN):-Ugu yaraan inta la ii xaqiijiyey labba qof oo shicib ah ayaa ku dhaawacmey rasaas ay rideen ciidamada amaanka agagaarka xaafada buurta kala jeexan ee magaalada hargeysa. Labbada qof ee dhaawacmey ayaa kala ah hal ruux oo nin ah iyo hal ruux oo gabadh ah dhaawacooda oo culus ayaa lagu daaweynaya cusbitaalka guud ee magaalada hargeysa iyadoo cusbitaalka lagu daweenayo dhaawacyadan gudihiisa la soo dhoobey ciidan tiro badan oo ciidanka booliska ah, rasaaseyntan ayaa dhacey goor hore oo waaberigii saaka ah, dad goob joogayal ah ayaa ii xaqiijiyey in rasaaseynta ciidanka ay sababtay khilaafka ka taagan dhulka ay degan yihiin dad shacab oo ay isku haystaan qoyska Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, dadkaasi shacabka ah ayaa sheegaya in awood dawladeed qoyska Madaxweynuhu kaga qaadayan dhulkooda.
Ma jiro war rasmi ah oo dhanka ciidanka amaanka ka soo baxey oo ku saabsan dhacdadan, balse muddadii uu xukunka hayey Madaxweyne Muuse Biixi waxa sii badanaya muranka dhanka dhulka ee u dhexeeya shicibka iyo qoyska Madaxweynaha.
Sawirka hoose waa mid ka mid ah dhawacyada labadda qof ee cusbitaalka wayn lagu dabiibayo.