Khilaaf Ka Taagan Qandaraasyada Jidka Berbera Corridor Iyo Shaqaalihii Hubinayey Tayada Shaqada Oo Afar Bilood Maqan.

0
Friday June 12, 2020 - 12:56:06 in News by
  • Visits: 2111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Ka Taagan Qandaraasyada Jidka Berbera Corridor Iyo Shaqaalihii Hubinayey Tayada Shaqada Oo Afar Bilood Maqan.

    Khilaaf Ka Taagan Qandaraasyada Jidka Berbera Corridor Iyo Shaqaalihii Hubinayey Tayada Shaqada Oo Afar Bilood Maqan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf Ka Taagan Qandaraasyada Jidka Berbera Corridor Iyo Shaqaalihii Hubinayey Tayada Shaqada Oo Afar Bilood Maqan.


Hargeysa(HWN):-Khilaaf culus ayaa ka dhex taagan shirkada qaadatay qandaraaska dhismaha jidka Berbera Corridor iyo shirkadaha laga leeyahay somaliland ee qandaraasyada hoose ka sii qaatay.

12 Kii KM Ee Ugu Horeeyey Jidka Berbera Corridor Oo Dhamaaday ...


Hogaamiyaha somaliland Muuse Biixi ayaa warqad uu u diray Abu Dhabi Fund for development waxa uu kula socodsiiyey in mudo afar bilood gaadhaysa ay maqan yihiin shaqaalihii Conser ee waajibkoodu ahaa inay korjoogtayn ku samayeen tayada shaqada socota.


Hogaamiye Muuse Biixi ayaa qoraalkiisa ku yidhi "Waxa aanu jecelnahay inaanu ku xasuusinno in shaqaalaha Conser ay ka maqan yihiin goobta shaqada tan iyo 2 April 2020. Sidaasdarteed, Dawladda Somaliland waxa ay si dhaqso leh u codsanaysaa in shaqaalaha Conser ay dib u bilaabaan waajibaadkooda ay u xilsaaran yihiin ee ah korjoogtaynta iyo maamulka tayada shaqada socota ee mashruuca Berbera Corridor, sida ugu dhaqsaha badan.


Muuse Biixi ayaa sidoo kale warqada uu u diray Abu Dhabi Fund for development waxa kale oo uu ku xusay khilaaf ka dhextaagan shirkadaha somaliland ee qandaraasyada hoose ka qaatay shirkada dhisaysa jidka Berbera Corridor "Sidoo kale Dawladda Somaliland waxa ay codsanaysa in khilaafka taagan ee ka dhexeeya qandaraaslaha NBHH iyo shirkadaha reer Somaliland qandaraaska ka sii qaatay (sub-contractors) ee ku saabsan bixinta lacagtii u danbaysay in loo so af-jaro si waafaqsan qodobada heshiiska.”


Loading...
Loading...