Safaarada Maraykanka Oo Muwaadiniinta Uga Digtay Mudaharaado Waa Weyn Oo Laga Qorshaynayo Jabuuti.
Jabuuti(HWN):-Mudaharaadadii shacabka Jabuuti ay kaga soo horjeedeen dawlada Ismaaciil Cumar Geelle ayaa cirka isku sii shareeraya.
Xisbiyada mucaaridka ah ee dalka Jabuuti ayaa ku baaqay in mudaharaado waa weyn layskugu soo baxo maanta oo Jimce ah, iyada oo la filayo in dadweyne badani ay iskugu soo baxaan magaalooyinka wadankaasi.
Safaarada dalka Maraykanka ee wadanka Jabuuti ayaa soo saartay digniin culus oo ay gaadhsiisay muwaadiniinteeda ku sugan dalkaasi, waxaanay la socodsiisay mudaharaadada maanta oo jimce ah ka dhacaya wadankaasi.
War ka soo baxay safaarada uu Maraykanku ku leeyahay wadanka Jabuuti ayaa lagu yidhi "Xisbiyada mucaaridka ah ayaa ku baaqaya mudaharaado lagaga soo horjeedo dawlada 12 June 2020 oo ku beegan jimcaha, mudaharaadadii ugu dambeeyeyna waxay la kulmeen ciidan xoog leh oo ka hortagay, Ciidamada amaanka ee Jabuutina waxa lagu yaqaanaa inay isticmaalaan talaabooyin rabshado wata marka ay wajahayaan mudaharaado aan sharci ahayn, talaabooyinka ciidankuna waxay khatar ku yihiin dadka is abaabulaya iyo banaan baxayaasha nabdoon.”
"Shaqaalaha dawlada Maraykanka waxa lagula talinayaa inay maalintii oo dhan ka fogaadaan goobahaas ciidanka iyo banaan baxayaashu iskaga hor imanayaan.”
Sidoo kale dawlada Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan wadanka Jabuuti u soo bandhigtay talaabooyin looga baahan yahay inay qaadaan waxaanay warkeeda ku sii dartay "Muwaadiniinta Maraykanka waxaanu kula talinaynaa
1. Inay ka fogaadaan goobaha dadka badan iyo banaan baxayaasha.
2. Feejignaan badan adeegso inta aad dhex soconayso magaalada Jabuuti iyo dhaqdhaqaaqa magaalada dhexdeeda.
3. Xogta Dhaqdhaqaaqu waa inay ahaataa mid xafidan
4. Amaankaaga la socodsii qoyskaaga iyo asxaabtaada.
5. Ka war hay waxyaabaha hareerahaaga ka dhacaya
6. Qaado aqoonsi sax ah oo uu ku jiro baasaaboorkaaga Maraykanka ah oo ay ku taalo fiisihii ugu dambeeyey ee jabuuti.