Weli Ma Is Weydiisay Fahanka Guud Ee Faataxadu Lee Dahay?

0
Friday June 12, 2020 - 09:26:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1472
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weli Ma Is Weydiisay Fahanka Guud Ee Faataxadu Lee Dahay?

    W/Q: Muxiyadiin Axmed Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Muxiyadiin Axmed Xasan
image.png



Nebiyadii iyo Rusushii hore mid kasta, wax la soo raacin jiray mucjiso la socotay risaaladdii uu xambaarsanaa si qoomkii loo soo diray u rumeeyaan oo diinta u ga qaataan. Mucjisadii Nebi Muxammad (scw) la socotay wax ay ahayd Qur'aanka Kariimka ah. Qur'aanka Kariimka ahi waa hadalkii ILAAHAY. Waa kitaabkii u gu dambeeyay ee la gu khatimay dhambaalladdii RABBI u gu talo galay kawnkan. Qur’aanka wax loo soo dejiyay in uu noqdo xadhigga la gu badbaadaiyo ee hanuunka ILAAHAY la gu helayo adduun iyo aakhiro ba. Qofkii si dhab ah u qabsada xadhigaas ee naftiisa ku dhaqa waa uu liibaanay if iyo aakhiro kii ka jeestaa na waa uu khasaaray. Qur'aanku waa manhaj nololeed oo hagaya xayaatada dadka. Waa barako iyo badhaadhe ay heli doonto cid kasta oo aan naftiisa ka qadin. Qur’aanku wax uu daawo u yahay qalbiga iyo ruuxda. Wax uu xirsi-xidh ka yahay leexashada iyo fikir-qallooc. Shubahaad iyo shahawaad walba ayaa uu shifo ka yahay. Cudur oo dhan ayaa uu caafimaad ka yahay mid nafsadeed iyo mid jidheed ba. Barkada intaas le’eg qofka calfanayaa waa ka qabsada Qur’aanka ee is la jeerkaas na ay ay dhab tahay qanaacada ay naftiisu ku qabto. Rumaynta dadku Qur'aanka rumaysan yihiin waa kala darajo. Tusaale ahaan, qofka Qur'aanka bartay amma hadda barashadiisa ku gudo jira, si maalinle ah u akhriya ee fahankiisa iyo tafsiirkiisa is ku hawla, geeddi-socodkiisa nololeed Qur'aanku qayb ka yahay, qofka caynkaas ahi ma la siman yahay ka aan isagu intaa mid na gacanta ku hayn ee ka faro madhan? Miyaa ay gudboon yihiin ruuxaa Qur’aanka waqtigiis qayb go’an u qoondeeyay iyo qofka aanu Qur’aanku waqtigiisa wax ba ku lahayn ee ba ugu fadhiyin noloshiisa yawmiga ah xataa haddii uu Qur'aanka bartay akhriskiisii ka haajiray amma ba dirqi iyo culays ku yahay? Jawaabtu waa maya, ma sinna labadaasi.


Haddii aynnu guudmarkaa ka soo gudubnay oo is la aragnay faraqa u dhexeeya qofka Qur'aanku noloshiisa hagayo iyo ka hilmaamsan, wax is weydiin mudan maxaa aynnu u la jeednaa macnaha guud ee ay lee yihiin suuradaha Qur’aanku? Weydiintaas oo warcelinteeda si waafi ah loo dhugto ayaa aan is lee yahay wax uu kor u qaadi karaa fahankeenna ku aaddan Qur’aanka. Mar walba oo fahanka macnaha Qur’aanku sare u kaco waa mar kasta oo qofku waxtarka Qur’aanka iyo dheeftiisa hore u helo. Aan u soo daadagno jawaabta su’aashaa kor ku sheeggan. Macnaha guud ee suuradi leedahay marka laga tago ka u goonida ah aayad walba, waa mawduuca guud ee suuraddaasi ka hadlayso ee oo bud-dhig u ah, mawduuca ay suuraddaasi lee dahay wax uu noqon karaa mid qudha iyo wax ka badan ba. Si aynnu qeexutaankaas u sii fahanno aynnu tusaale u soo qaadanno Faataxada oo is la eegno macnaheeda guud iyo mawduucyada ay ku saabsan tahay.


Wax aynnu ogsoon nahay Faatixadu (Alxamdu) in ay tahay suuradda keliya ee ILAAHAY goonida u ga xusay suuradaha kale isaga oo is garab dhigay Qur’aanka iyo Faataxada. Wax uu yidhi: «ولقد آتيناك سبعاً من المثاني والقرآن العظيم». "Wax aanu ku siinnay todoba soo noqnoqda iyo Qur’aanka weyn”. Todobada soo noqnoqdaa waa todobada aayadood ee suurraani ka kooban tahay.


Faataxadu waa suuradda qudha ee Qur'aanka ka mid ah ee  ay faradka tahay in tukado la'aanteed na aan salaadi jiri mayso. Sida sunnaha, salaadda marka la tukanayo, rakcadaha dambe la ma akhriyo Qur’aanka kale se Faataxada karcad walba waa la akhriya sunne amma farad ba.


 Markii Nebigu (scw) ku yidhi mid ka mid ah Asxaabtiisii wax aan ku barayaa suuradda u gu weyn Qur'aanka wax uu ku sheegay Faatixada. Suuraddan waxa ku sheeggan macanaha iyo ujeeddada ka damabaysa jiritaanka bani'aadanka iyo sababta uu u abuuran yahay. Wax ay tilmaamaysaa wax laga rabo qofka ee la gudboon inta uu nool yahay in uu falo taas oo ah gudashasa cibaadada RABBI iyo garabsigiisa.


Suuraddan haddii aayadeheeda macnaha ay xambaarsan yihiin si guud la isugu qabto wax inoo soo baxaya saddex qodab oo ka la ah:


1. Garashada RABBI: Waxaa taa ka warramaya aayadaha (1-4) oo bisinku na ku jiro. Wax ay ku bilaabmaysaa bisinka oo ah ka shay wal ba lagu bilaabo ee wax walba oo la qabanayo amma la odhanayo loo cuskado wixii bannaan. Afartaa aayadood ee u horreeya wax ku xusan magacyada qaar ka  mid ah magacyada ILAAHAY ee wanaagsan. Sida oo kale wax ay ka hadlayaan in ILAAHAY –kor ahaaye- isagu yahay ka is ka leh caalamka adduunka iyo aakhira dambaysa ba.

 

2. Cibaadada RABBI: qodabkan waxa ka hadlaysa aayadda 5-aad, taas oo ka dhigan qiraal uu addoonku ku qirayo in uu ILAAHAY keligii caabudayo oo keligii kaalmaysanayo.


3. Baryada RABBI: waa na aayadaha (6-7). Labadan aayadood macnaha ay huwan yihiin waa baryo uu qofku RABBI ku weydiisanayo laba shay kuwaas oo ah in uu ku hago jidka toosan (islaamka) -kaas oo ah dariiqii ay mareen dadkii hanuunay- iyo in uu ka weeciyo dariiqa ay qaadeen kuwii lumay.

 

Haddii suuradda aayadeheeda intii is ku macne ah ba sidaa la i su gu xidho mawduuca iyo macnaha guud ee ay lee dahay ayaa sidaa u muuqanaya, haddi hase se aayad kasta la is yidhaa nuxurka ku duugan gaar u dhuuxa tobannaan fahan baa ka sii farcamaya. Tusaale ahaan aayadda u dambaysa suuradda wax aynu ka dheehan karnaa in dadku laba qaybood noqon doonaan marka ay adduunka ka galbadaan kuwaas oo ka la ah:


B. Qolo loo bixiyay (الذين أنعمت عليهم) oo ah bani'aadanka intii garatay ujeedka loo abuuray ee adduunkii RABBI heshay.


T. Duul la yidhaa (المغضوب عليهم iyo الضآلّين) kuwaas oo ah kuwo xaqii arkay se hanuunkii is ka diidday- waa na kuwa RABBI u cadhooday- iyo duul aqoonli'a darteed u baadiyoobay.


Labadaas qolo, kuwa hore wax ay garwaaqsadeen maqsadkii loo keenay dunida wax ay na ku nool yihiin nolol macne leh iyo qalbi deggan, sababta oo ah wax ay cuskadeed ABUURIHII RAXMAANKA ahaa ee khayr oo dhammi gacantiisa ku jiray wax ay na ka xoroobeen in ay cid kale addoommo u noqdaan, xataa naftooda. Dadkaasi aakhira na Janno ayaa hoy u noqon doonta.  Halka duulka ee Faataxolaawayaasha noqday ay yihiin kuwo habawsan oo adduunyada diiq iyo cidhiidhi la nool aakhira na Naari hurran tahay. Ogsoonaw, haynta adduunyo ma aha nolosha dhabta, wax jira qof wax walba haysta ayaa nolol cidhiidhi ah ku jira halka laga yaabo mid qaadaa-ma-dharge ah na uu farxad iyo raynrayn ku jiro, wax u gu darajo sarreeya qofka la i su gu daray adduun iyo aqoontii ILAAHAY la gu garanayay sida uu Suubbanihii sheegay (scw).

 

Haddii aynnu isa su’aalno macanaha sidaa u u ballaadhan ee ay Faataxadu huwan tahay sidee la gu calfan karaa? Jawaabta oo kooban waa in aad reer Faataxao ku biirtaa oo aad ehlu salaadka ka mid tahay maalintii iyo habeenkii 17 jeer boqonaya RABBIGOOD iyaga oo cibaadiisa qiraya oo hanuun ka dalbaya. Ha noqon taariksalaadka qaday ee qasaaray. Waa kaas farqiga u dhexeeya salaade iyo masalaade.

 

Ruuxa salaadda tagay waa la ba mid uun:  in uu ogaan iyo u kas u ga tagay isaga oo garanaya waajibnimada salaadda, ha ba ku sheego wahsi, haleelxumo iyo wax la mid ah, iyo in aqoonla'aan awgeed uu u tukan waayay oo jahli hayo, se malahayga maanta waa dhif qof aan garanayn waajibnimada salaadda oo ku nool dal muslin ah.


U gu dambayn, Faatixada barakadeeda in aad dheefsato wax ay ku imanaysaa adiga oo aanay salaad qudhi ku seegin, si kasta oo aad u mashquul u noqoto in shantaada salaadood geedkago'an ahaadaan inta caqligaagu joogo. Salaad walba oo aad u kacdo is hor keen macnayaashii ay xambaarsanayd Faataxadu ee ahaa:


 in aad RABBIGAA qirayso oo aad addoonkiisii aad tahay.

In aad isaga keligii caabudayso oo aad cid walba ka xorowday.

  In aad baryadi u gu qaalisanayd ku ducaaysanayso taas oo ah in uu RABBI ku hago oo ku gu hanuuniyo jidka toosan adduun iyo aakhir ba.

 

Intaasi waa tusaale keliya, adigu raadi oo baadh macnayaasha ay xambaarsan tahay suuraddan  aad maalin walba akhriyayso. Aayad aayad u baro. Is weydii wax ay eryadeedu xambaarsan iyo wax ay u taagan yihiin. Is ku day in aad dareento ducada ku jirta ee cajiibka ah iyo sababta ILAAHAY inoogu waajibiyay in aynnu salaad walba nidhaahno? Kolka aad sidaa isu gu taxaluujiso fahanka Faataxada iyo Qur’aanka kale ba waxa iman doonta noloshaada wax weyn is ka beddalaan, sida oo kale salaadda ayaa qalbigaaga ku weynaan oo khushuuc iyo dhadhan kuu samayn

 

 

W/Q: Muxiyadiin Axmed Xasan

i[email protected]

Kuwayt
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...