Madasha xisbiyada qaran oo ka shiray arimaha doorashooyinka.
Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shirkii todobaadlaha ee maanta uga hadashay xaaladda dalka, qorsheyaasha
Madasha ee ku aaddan sidi loo gaari lahaa doorasho loo dhan yahay oo habraaceeda leysla oggol yahay
kana dib dhicin waqtigeeda.
Shirka waxaa Guddoomiyey Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihi hore Sheekh Shariif
Sheekh Ahmed, waxaana ka qayb galay madaxda sare ee Xisbiyada ku mideysan Madasha Guddoomiyaha
Xisbiga UPD Madaxweynihi hore Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Xisbiga Horusocod Qaran mudane
Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, Xildhibaan Prof
Maxamed Cabdi Gaandi Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda, Guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan
Suleymaan Maxamuud Xaashi iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Kulan Mudane Maxamed Siiriin