Aas-Aasayaashii Taariikhda Fikirka dhaqaalaha Dunida:

0
Friday June 12, 2020 - 09:15:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aas-Aasayaashii Taariikhda Fikirka dhaqaalaha Dunida:

    W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

Cutubkan wuxu kamid yahay kuwa ka hadla Marxaladihii uu soo maray Taariikhda fikirka dhaqaalaha Ee dunida sidoo kale wuxu qeexayaa ragii waxa doora kusoo biiriyey aragtida fikirka dhaqaalaha, Filosoofyadii waaweynaa ee dunida soo maray sida Plato, Atistotle, Thomas aquinas, iyo socrat oo lagu tilmaamo macalinkii iyo bud-dhigihii Falsafada reer galbeedka.

 

Waxa aynu wax doora iskaga tilmaami doonaa waxa ay ragaasi kusoo kordhiyeen taariikhda fikirka dhaqaalaha Ee dunida  (History of Economic thought).

 

1.Plato:

 

Plato wuxu ahaa Filosoof u dhashay greek Taariikhda markii ay maraysay 427 ciise hortii, Wuxu ku dhashay Athens oo ah caasimada giriiga wuxu ka dhashay qoys laandheere ah( Aristocratic family).

Wuxu arday u ahaa oo geddo baray macalinkii filoosoofka ahaa ee socrat la odhan jirey.

Plato wuxu noqday mid kamid ah ardayda ugu dedaalka badan waxaanu buuni

(xariif) ku ahaa kasmada (cilmiga) xisaabta iyo falsafada( philosophy) waxaanu wax ka baran jirey dugsigii ugu horeeyey Ee cilmiga falsafada loo Alkumay.

Qoraaladiisii u caan baxay waxa kamid ahaa kuwii uu ka qorey dawladnimada iyo garsoorka(laws).

Plato waa filosoof loo tixgaliyo cilmiga dhaqaalaha waxaanu ku sheegay cilmigaa inu yahay laan ka mid ah Siyaasada iyo Akhlaaqda( Ethics).

 

plato wuxu hal-Abuuray Fikrado badan oo cilmig dhaqaalaha laf-dhabar u ah sida:

-Qaybinta shaqaalaha (division of labour)

-size of production (Baaxada waxsoo- saarka)

-Lacagta (money)

-Ribada (interest) oo uu mamnuucay

-Qiimayaasha (Values)

-Waxsoo-saarka(Agri-culture)

-Hantida (wealth)

-Saboolnimada (poverty)

-Adoonsiga (Slavery)

-Communism (Hanti- goosiga)

iyo Waxbarashada (Education).

 

Fikirkii Plato Ee dawladnimada:

 

sida uu sheegay aqoonyahanka weyn ee cilmi baadhaha ah ee Jhingan plato wuxu yidhi "Dawladu waa inay dabooshaa baahida aadmiga, Ma jiro qof isku filan, Anagu dhamaanteen waxaan leenahay baahi (Wants)".   Dawladu si ay u gaadhsiiyo Allaabta loo baahan yahay si ay u qanciso baahida Aadmiga waa inay si wada jira u soo ururisaa.kuwa qaybta ka ah iyo kuwa wax caawinaya oo laysku daray ayaa la yidhaahdaa dawlad (state).

 

Hadaba Aragtida plato ee dawladnimada ku salaysan waxay ku qotontay 2 qaybood kuwaas oo kalaa:

1.kuwo wax maamula oo ah dawlada (Rulers)

2.iyo kuwo la maamulo oo ah shacabkii (Ruled).

 

Xiligaa wuxu aaminsanaa plato in boqoradu yihiin kuwa wax xukuma halka askarta iyo dadka aan xirfada lahayn ay iyaguna yihiin kuwa la xukumo ee loo taliyo.

 

Plato wuxu dhiirigaliyey in dabaqada xubnaha wax maamulaya in yaraantooda la baro cilmiga falsafada iyo Tabbaha dagaalka maxaa yeelay waxay ka hortagayaan weerarka dagaalka dawladaha kale, marka ay da'doodu gaadho 30 sano waa inay imtixaanka gudbaan. Inta imtixaanka gudubta waa in loo doorto inay noqdaan Boqorada mustaqbalka. kuwii imtixaankaa gudbi waaya Waa in loo aqoonsado oo ay qayb ka ahaadaan Shaqooyinka Arimaha maamulka.

 

Plato wuxu dawladnimada u qaybiyey 5 qaybood kuwaas oo kala ah:

 

1.Aristocracy( Waa dabaqada ay maamulaan kuwa ugu wanaagsan dadka)

2.Timocracy(Waa dabqada ay maamulaan Askartu)

3.Oligarchy(waa dabaqada ay u taliso in yari)

4.The Rule by wealth(Dabaqada ay maamulaan dadka hantida leh)

5.Democracy( Kuwa dimuqraadiyada isku maamula). 

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...